Muscat, Oman, (Hubaal) – Shirkad laga leeyahay dalka Cuman oo soo saarta Sibidhka lana yidhaadho Raysut Cement Co ayaa ku dhawaaqday in ay shalay Axadii heshiis kala saxeexdeen shirkad laga leeyahay Somaliland oo magaceeda la yidhaahdo Barwaaqo Cement Co, taas oo ku heshiiyeen in dekedda Berbera laga dhiso dhisme lagu keydiyo isla markaana laga qaybiyo sibidhka ay shirkaddaas hore ka keenayso dalka Cumaan.
Heshiiska labada shirkadood wada-galeen ayaa ah in lacag gaadhaysa $7.5 Milyan (Toddoba milyan iyo badh doollarka Maraykanka) lagu maalgeliyo dhismahan laga dhisayo magaalada dekedda ah ee Berbera (Terminal), kaas oo yeelan doona awood keydineed iyo qaybineed oo isugu jirta labada nooc ee ah sibidhka oo jira baagag iyo isaga filiqsanba, kaas oo marka hore laga keeni doono dalka Cumaan oo dhinaca uu soo mari doono.
Masuuliyiinta heshiiskan labada dhinaca oo kala saxeexay ayaa kala ah Eng Saalim bin Calawi Bin Maxamed Baabood oo ah madaxa guddida fulinta ee shirkaddan Raysut Cement Co iyo Ismaaciil Siciid Xuseen oo ah Guddoomiyaha shirkadda Barwaaqo Cement Co.
“Heshiiskani wuxuu dhigayaa, in la dhiso Terminal lagu galeeyo isla markaana lagu qaybiyo sibidh galaysan iyo mid filiqsan iyadoo la isticmaalayo tiknoolajiyada ugu casrisan, kaas oo laga dhisi doono dekedda Berbera, waxaanay xajmiga keydintiisu noqonaysaa ilaa 12,000 tones (laba iyo toban kun oo tan)” sidaas waxa yidhi Baabood oo ah guddoomiyaha Shirkadda Raysut Cement Co.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca shirkadda Barwaaqo ee laga leeyahay Somaliland iyo maamulka Dekedda Berbera ee la sheegay in terminalkan laga dhisayo toona, iyadoo ilaa hadda la la’yahay maalgelin lagu dhiso Wershadii Sibidhka ee Somaliland.