DAAWO SAWIRRO FARA BADAN Oo Ku Suntan Shirkii Suxufiyiinta Muqdisho Lagu Qarameeyey Ee Ka Dhacay Villa Somalia

0
41

 Muqdisho (Hubaal)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta Madaxa banaan ee ku sugan Caasimada. Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya,  waxaa ka sokow Suxufiyiinta iyo Madaxweynaha kale oo ka qayb-galay Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Garsoorka iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu dadaal weyn u gashay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa warbaahinta madaxa-bannaan iyo dowladda iyo xeerka saxaafadda ee golaha waasiirrada ay ansixiyeen.

DAAWO SAWIRRO FARA BADAN Oo Ku Suntan Shirkii Suxufiyiinta Muqdisho Lagu Qarameeyey Ee Ka Dhacay Villa Somalia hMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhageystay Warbixinno ay soo jeediyeen Weriyeyaasha kulanka ka qaybgalay ee ka kala socday Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Warbaahinta dalka, waxaanu dhagaysiga soo jeedinta Suxufiyiinta ka dib la wareegay hadalka Madaxweynuhu, isla markaana waxa uu sheegay inay muhiimad weyn dalka iyo dadka ugu fadhido Warbaahintu, waxaanu xusay in waddan aan lahayn Warbaahin waddani ah aanu horumar gaadhi karin, dowladduna ay dadaal u galayso sidii wax looga qabanlahaa cabashooyinka suxufiyiinta.

Suxufiyiintii kulankaas ka qaybtalay ayaa Madaxweynaha u sheegay inay ka xun yihiin dhibaatooyinka maalmahan dambe soo laalaabtay ee lagu hayo suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ee Muqdisho, iyagoo madaxweynaha ka dalbaday inuu wax ka qabto arrimahaas.

“Waxyaabaha aan kala hadalnay madaxweynaha waxaa ka mid ah in dib u eegis lagu sameeyo xeerka saxaafadda oo qodobbo ka mid ah ay culeysyo waaweyn saarayaan suxufiyiinta, arrinta aan sida gaarka ah uga hadalnay waxaa ka mid ah ganaaxa la saarayo suxufiga haddii uu si qaldan u tabiyo war,” ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiintii kulanka ka qaybgalay.

Suxufigan ayaa  wuxuu sidoo kale xusay in madaxweynuhu uu sheegay inay suxufiyiintu baahiyaan wararka Al-shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in markii ay dowladdu hadal u sheegto ay Al-shabaab weydiiyaan waxa ay ka qabto warkaas.

“Midda uu Madaxweynuhu sida aadka ah uga hadlay waxaa ka mid ah inay warbaahinta qaarkeed muddo ka badan inta ay sii daayaan madaxda dalka ay sii daayaan kuwa Al-shabaab, isagoo dalbaday in taasi ay cadaaladda ka fog tahay; loona baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyaan.” ayuu mar kale yiri Suxufigan ka qaybgalay shirka.

Waxaanu Madaxweynuhu u soo jeediyey Suxufiyiinta iyo Madaxda Hay’adaha Warbaahinta kala duwan ee dalku inay u istaagaan baadbaadinta dalka iyo dadka maaddaama oo xilligan lagu jiro xaalad adag sida uu sheegay Madaxweynuhu.

DAAWO SAWIRRO FARA BADAN Oo Ku Suntan Shirkii Suxufiyiinta Muqdisho Lagu Qarameeyey Ee Ka Dhacay Villa Somalia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here