Jacaylku waa dareen dabiiciya oo ka mid ah dareenno faro badan oo qof kasta ku abuuran, siyaalo badan oo kala geddisan ayuu qofku u isticmaali karaa dareenkaa ku dhex duugan
Qalbigiisa, waxa ka mid ah: In Wiil uu jeclaado Gabadh ama Gabadhi ay jeclaato Wiil, isaga oo amarkaasi ka soo fulaya kasha gacaltooyada oo ku taalla gudaha qofka qalbigiisa, in la is jeclaadaa marar badan ayay timaaddaa guurka ka dib iyo guurka ka hor, Soomaaliduna in badan way dareemi jireen jacaylkaas, bal se in ay isu sheegaan way ka qajili jireen, lagamana yaabi jirin in Ninku uu u muujiyo Gabadhiisa Jacaylka uu u hayaa inta uu leegyahay, Haddii wiil uu yidhaahdo Gabadhaas ayaan jeclahayna waaba lala yaabi jiray.
Caadooyinka xun ee ay bulshada Soomaalidu soo jireenka u lahayd waxa ka mid ahaa in Gabadha, yada oo wiil jecelyahay ama la haasaawo, aabeheed bixin jiray oo uu siin jiray Nin laga yaabo in uu Inantaba ka weynyahay oo dhali karaya, yada oo waalidku ay eegayaan Hantida iyo yaradka uu ninkaasi siinayo, bal se aanay la eegayn Inantu cidda ay ku faraxsantahay.
“Jacaylka dadku waa dumarka, Dumarkuna waa Ibnu-aadan, Jacaylkana waa loo baahanyahay, Ruwaayaddan waxa la odhan jiray ‘YARAD BAAQSAY’ waxa ay ka hadlaysay, ‘Hablahan Ninka la siinayo, ee kontonka halaad laga qaadanayo, waxa ay lahayd Ruwaayaddu ka daaya sidaas, oo Gabadh waliba Wiilka ay doonayso ha la siiyo, berigaa dadkuba xoolo badan may haysan, dabeed waxa dhici jirtay in Inanta la siiyo Nin aanay arag ba, oo hadduu doono Qurbaha ka yimi, oo xoolo laga Qaato, oo Inanta la afduubo sidii neef la iibinayo, waxaana Ruwaayaddaa ka dhacay muran badan, markii la dhigaayayna waa lays qabsaday, Dadka intii dhallinyarada ahaydna Ruwaayadda ayay taageertay Kuwii waaweynaana way ka soo hor jeesteen, waa nalaga maslaxay, waana la dhigay Ruwaayaddii,” sidaas waxa yidhi Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed).
Aan idiinka soo qabto Heestan “Hibo” oo ka mid ahayd, Ruwaayaddaa “YARAD BAAQSAY”. Heestu waxa ay ku bilaabmaysaa Wiilkii oo inantii u imanaaya, oo wayddiinaya waxa jacaylkoodii carqaladeeyey, Inantiina ay u sheegayso in Nin kale oo lacag haysta la siiyay, ka dibna Wiilkii uu Lacagtii canaananayo, isaga oo faahfaahinaya bahashan Lacagta la yidhaahdaa, sida ay Dadka is jecel u kala leexiso, kuwo aan is oggolaynna isugu soo jihayso, sida loola dhaqmo had iyo goor qofka lacagta haysta ee kuu Shilin u dhiibaaba ducada ugu xambaariyo haddii ay ka dhammaatana aan loo cisayn, sida aan erayba looga qorin qofka aan lacag haysan Iyo Sida ka aan haynnine uu u raadiyo, Ka haystaana aanuu uga hadhin, qof lacag ka dhargayna aanuu dunida ba u joogin.
Heesta waxa ku luuqayn jiray AHN, Maxamed Saleebaan Tubeec, Oo ka tisanaa markaas “WALAALAHA HARGAYSA” Midhaha Ruwaayadda waxa lahaa: Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ahaa cabqari had iyo goor sida ugu quruxda badan u sawiri jiray, arrimaha bulshada, Maansadiisuna ay markii ba wax ka beddeli jirtay, halka ay taabanayso, waxa ay soo baxday 1957-kii, oo ahayd weliba xilli dhaqankaa aad loogu ad adkaa.
WAA TAN HEESTU:
WIILKA:
Hibooy anba waan ku haybinayee
Inaabti ma ii hanweyntahay
Gabadha:
Inaan kuu hanweynay waa la hubaa
Haybow ulajeedadaa hadal
WIILKA:
Hubaal aawadaa cishqiga I hayaa
Heddayduu jaraan u halis ahay
GABADHA:
Ilaahbaa hayoo heddaada jaree
Waan hoogay haddii ad halis tahay
WIILKA:
Hilbiyo kala qalan ileen hadal oo
Haasaawaha waynu wada haynee
Heeshiinnay maxayna kala helay
GABADHA:
Hooyiyo aabbe nimay heshiiyeen
Hiil ay kaa bideen adduunna huroo
Hoo ugu dhaafay bayna kala helay
WIILKA:
Hanweynida haybaddeed i riddee
Halmaamaye hoos mawgu dhacay
Hortay cilmibay halaageen
Hoydaye anna may haleeleen
Hadimo maba filan habeen daran
Hawraartiisu waa hillaabtay,
Iyadaa haybaddiyo hannaanka leh
Nin haysta hub bay u noqotaa
Hed uu gooyaana waa u hawl yari
Hadduu doono way u hadashaa
Hilmaamkiisu wuu hagaagsanyahoo
Waa hoobal hadduu hantaataco,
Hoheey lacageey dad kala haadiyaay
Horreeye danbee hooseeye sarree
Ninkii hanadaba hacoo dhaafiyaay
Hufaay adigaa na kala huray,
Haddaad hayso waa laguu hamrradaa
Hogaanka dadkiyo haaneed-kaad tahoo
Sidii hebed kaama hoos baxo
Hiil iyo daawo hoo kuwaad la lahayd
Hantidii yaraatay habeenkay maqlaan
Hooyadaa kay dhashaan ku hananayn
Oo ku hiifa sidii ad horor tahay,
Huqdeeda adduunyo waa ma hadho
Hallayn ma leh waana hoosiis
Hadhkeed hadba heeri weeyaan,
Kii aan ku helayni kaama hadho
Ku haystaana kaama haqab la’a
Kaa haagana horeba loo waa!
Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”