Xisbiga UCID Laanta UK waxa uu Xukuumadda Somaliland ee maanta talada haysa ee uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo kula talinaynaa ama ku baraarujinaynaa in ay Xil-weyn iska saaraan adkeynta Amaanka ee Xuduuda Xaga Bada ee uu Dalkeena Somaliland kala leeyahay Dalka Yemen.
Sida aad la socotaan ayaamihii ugu danbeeyay waxa dalka Yamen ka jiray qalalaase siyaasadeed oo u dhaxeeya shacabka reer Yemen, waxa wiigan/isbuucan gudihiisa dhacay in Jabhada Xuutiyiinta ee shiicada ah ay la wareegeen gacan ku haynta Caasimada Sanca ee Dalka Yemen, Madaxweynihii Dalkaasina Cabdirabi Mansuur Hadi ayaa isaguna ku dhawaaqay iscasilaadiisa, ka dib markii ay mucaaradku la wareegeen Madaxtooyadii Qaranka Yamen.
Sidaa darteed, waxaa jira wel-wel xaga amaanka ah oo ay qabaan Dalalka Dalka Yamen la jaarka ah, waxa nasiib daro ah Somaliland oo ka mid ah Dalalka Yemen xaga Bada kala jaarka ah in uu san ka muuqan welwelkaa xaga amaanka ah, oo xukuumadii iyo Madaxweynihiiba ay ku maqan yihiin Safarkii Dhagax Badane ee kaanbeenka ahaa, waxaanu leenahay Dowladnimadu ma’aha dhagax meel la dhigo iyo wada la furo, Dowladnimadu intaa way ka balaadhantahay , waxa idinku waa jib ah in aad sugtaan amaanka Dalka Somaliland Xuduudihiisa Bad iyo Bariba, oo aad waliba si qaas ah ula socotaan dhaqdhaqaaqyada Geeska Africa ee xaga amaanka iyo siyaasada.
Waxaan ugu danbayntii Xukuumada Somaliland ku baraarujinaynaa in ay qaado talaabooyin ay ku sugayso amaanka xaduuda xaga bada ee aynu la leenahay Dalka Yemen. Yemen waxaynu la leenahay xuduud dheer oo xaga bada ah, Dowladii dalkaasina way burburtay, waliba waxa laga yaabaa wakhtiyada soo socda amaandarada Dalkaasi in ay ka sii darto, maadaama ay Shacabkii Yemen u kala jabeen Qabaa’ilis Ciidankii Qaranka Yemen-na uu ku kala biiray Qabaa’iliska Beelaha Yemen. Sidaa darteed hadaanu nahay Xisbiga UCID waxaanu xukuumada talada haysa ku adkeenaynaa in ay adkeeyaan amaanka Xuduuda Xaga Bada ee aynu la leenahay Dalka Yemen.
Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda
Ee Xisbiga UCID Laanta UK
warfaa_101@hotmail.co.uk