Somaliland oo Shaacisay Taageero ay la barbar-taagan tahay Shacabka Falastiin
“Sharciga Somaliland ma ogola in muwaadin loo mustaafuriyo dal kale, hadduu jiro dembi uu waddan dibadeed ku soo gallay, waa in…” – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Md Maxamed Biixi.
Hargeysa, (Hubaal)- Xukuumada Somaliland ayaa ka fiirsanaysa codsi dawladda Denmark kaga dalbaday in loo gacan geliyo Muwaadin lagu eedeeyey inuu fal-dambiyeed Qudh-goyn ah ka geystay dalkaas, kaas oo wakhtigan gacanta ugu jira hay’adaha ammaanka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in hay’adaha Ammaanka Somaliland ka fiirsanayaan isla markaana aanay wax jawaab-celin ah ka bixin fulinta codsi dawladda Denmark u gudbisay xukuumadda, kaas oo la xidhiidha muwaadin haysta dhalashada dalkaas oo fal-dambiyeed loo haysto. Haseyeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu sheegay inaanu jirin sharci ku waajibinaya Xukuumadda uu ka tirsan yahay muwaadiniinta dalka inay u gacan-geliso dawlado shisheeye.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo u warramay Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay in sharciga dalku jidaynayo muwaadiniinta dambiyo ka geysta waddamo kale in lagu maxkamadeeyo gudaha waddanka haddii lagu qanco dambi lagu eedaynayo.
“Wuu jiraa dalabka codsiga Denmark, balse weli hay’adaha amaanka ayaa dersaya, wax jawaab kamaanu bixin weli,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka oo aanu weydiinnay jiritaanka codsiga dawladdaasi u gudbisay.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay in hay’adaha ammaanka dalku gacanta ku hayaan ninka lagu eedaynayo dambigaas, balse ay baadhitaan ku hayaan, waxaanu yidhi, “Ninka halkan ayaan ku xidhnay, laakiin sharciga Somaliland ma ogola in muwaadin loo mustaafuriyo dal kale, hadduu jiro dembi uu waddan dibadeed ku soo gallay, waa in maxkamadaha dalku qaadaan hadii lagu qanco jiritaanka dembigaa.”
Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu cambaareeyey duqeynta Arxan-darrada ah ee Ciidamada Yuhuuddu ku hayaan Shacabka reer Falastiin, waxaanay ku baaqday inay Israa’iil si deg-deg u joojiso gumaadka ay ku hayso shacabka Gaza isla markaana u hoggaansanto dedaallada xabbad-joojinta ah ee beesha caalamku ku hawlan tahay.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan iyo Shacabka Somaliland-ba taageero la bar-bar taagan yihiin shacabka aan hubaysnayn ee gumaadku ku socdo, isla markaana isaga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ugu baaqayaan dawladda Israel inay joojiyo xasuuqa Shacabka Falastiin una hoggaansato baaqa beesha Caalamka.
“Somaliland aad bay uga xun tahay xasuuqa Yuhuudu u geysanayso shacabka aan hubaysnayn ee muslimiinta Falastiin, waxaanan u soo jeedinaynaa inay deg-deg u joojiyaan duqeynta ay ka wadaan Qaza, una hogaansamaan dedaalada xabad-joojineed ee beesha caalamku ka wado,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.
Mudane Biixi waxa uu hadalkiisa raaciyey oo yidhi, “Waanu ka xunahay dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay shacabka aan hubaysnayn, taageeradayaduna waa inaan la barbar taagan nahay ducada.”