WAR DEG-DEG AH:- Xukuumadda Oo Baajin Kari Weyday Awoodna u Weyday shir ay Qabsanayeen Odoyaal, Cuqaal, Waxgarad, Aqoon-yahan iyo Dhallinyaro kasoo Jeeda Beel-weynta Habar Awal

0
29

Awood Adeegsigii Xukuumadda Siiraanyo + Hujuunkii Ciidamada Booliska + Iska caabintii Dhallinyarada Gadoodsan ee Xaflada Huteel Carown Joogtay
Hargeysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siiraanyo ayaa caawa fiidkii isku dayday inay joojiso ama baajiso xaflad ballaadhan oo lagu taageerayay Garabka Mujaahidiinta ee Xisbiga KULMIYE taas oo lagu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Jananka Ciidanka Booliska Somaliland General Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa abaaro Todobadii fiidnimo ee Caawa Amar hadal ah oo ay u soo mariyeen khadka Telefoonka Gacanta lagu qaato (Mobile) ay maamulka Hotelka Carwon Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ku amreen in la joojiyo xafladda lagu qabanayo Huteelkaasi, iyaga oo sabab uga dhiganayay ama ku andacoonayay arrimo amaan darro oo ka dhallan karta, balse maamulka Huteelku ka diiday.
Ciidamada Booliska oo xaalad iyo rabash abuuraya ayaa isku dayay inay xoog ku joojiyaan Xafladaasi, iyaga oo dhammaan albaabada dibada u xidhay Huteelka si dadka xaflada lagusoo marti qaaday aanay u soo gelin gudaha Huteelkaasi, isla markaana isku dayay inay Hoolka Xafladu ka Socotana inay Xoog ku xidhaan, balse ay u suurto geli weyday.

 

dibada carawn
Dhallinyaro tiradoodu kumanaan gaadhayso oo ku sugnaa gudaha Huteelka ayaa arrintaasi ka cadhaysiisay isla markaana xoog ku jiidhay Ciidamada Booliska isla markaana xoog ku guray Albaabada Huteelkaasi Gudo iyo dibadba.
Xafladan ayaa dowladu aanay marnaba ka raali ahayn inay qabsoonto Caawa, si kasta oo ay u baajin lahaayeen ama u joojin lahaayeena isku dayay balse ay u hirgeli weyday inay wax ka badalaan habsami u socodkii xafladaasi oo sidii loogu talo galay u socotay una dhammaatay.
Dad tiradoodu kumanaan gaadhayso oo boolisku ku hor istaageen barxada hore ee Huteelka ayaa iyana dhammaantood aan dib uga noqon xafladaas, kuwaas oo iyaguna xaflad gaar ah ku qabsaday barxada hore ee Huteelka Carown, isla markaana ay qudbado uga jeediyeen siyaasiyiin iyo mujaahidiin goobtaa barxada ku sugnaa, barxadan ayaa ah tii uu Madaxweyne Siiraanyo ku qabsaday xaflada markii uu Mucaaradka ahaa, wakhti Dowladii Daahir Riyaale ka Xidhay Huteel Carown oo xaflad Xisbigiisa KULMIYE ku qabanayay.

 

 

dibada carawn
Arrinta joojinta xaflada ayaa markii ay u hirgeli weyday ciidamadaas soo buux dhaafiyay barxada Huteelka iyo gudihiisaba ayaa mar dambe uu hoggaanka hawluhu soo bixiyay amar ah in laga soo baxo Huteelka dhammaantii oo ciidamada laga dul qaado, sidaasina dadweynihii madasha yimid ay xafladoodii ku qabsadeen lagana joojin kari waayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here