Hargeisa-(Hubaal):- Xaaladda Xaalufinta Boobka iyo Biliqaysiga Hantida Maguurtada ah ee Lawada Leeyay ee Kuteedsan min Gobol ilaa Tuulo Guud ahaanba Somaliland ayaa Maraysa Meel Galbasho ah waxana Hada ay Gaadhay in kala IIbsado Masaajiyada Lagu Cibaadaysto iyo Madxafyada Ardaydu Wax Barashada Karaacato.
Maqaalkan oo ah Mid Xogaal Biyo Kama DHibcaan ah oo kasoo Dhexbay Baadhitaan iyo Xogwaraysi Qoro Dheer ay Warqabadka Somalilandlive.com Mudooyinkuu Danbe ugu Kuurgalaysay Boobka aan loomeedayin ee Hantidii ay Umadu Wadalahayd Lagu Dhacayo, Waxa Xograadintani Daaha Kafaydaysaa Xaalad Ba,an oo aan Marnaba Idhaha Laga Qarsan Karin oo Lagu Hayo Hantidii ay Umadu Wadalahayd.
Waxa ay ahayd Dhawaan Markii Maayirka Caasimada Hargaysa Mr Solteco Kudhawaaqay in ay Magaalada Hargaysa Kawaayeen Dhulabaan oo ay Danguud u adeegsadaan, Wakhtiga uu Hadalkani Kudhawaaqayay Maayirku Waxa ay Xukuumada Siilaayno Dalka Xukumaysay 4-Sanno oo Buuxda, Sida Kucad Liiskii Dukumentigii ay Dawlada Hoose ee Hargeisi Lawareegay 2 Sanno kahor, Waxa uu Maayirkii hore ee Golaha deegaanka Hargeisa Mr Jiciir uu Kuwareejiyay Maayirkan iyo Golihiisa ee Maant Xilka haya Dhulbanaan oo Kabadan 1200 Baloodh Kuwaas oo kula Teedsan Daamaha Magaalada Hargeisa. Laba Sanno Gudahood Waxa uu Maayir Solteco Kudhawaaqay in aanay Haysan Dhulbanaan oo Kufilan.
Halkay Mareen 12000 ee Balood?.
Waxa Magaalada Hargeisa oo Kamid hayd Tobankii Sanno ee Lasoo Dhaafay Maagaalooyinka Somaliland ee aan Dhulkeeda La Goyn Karin, Waxa Qiimo Jab kuyimi Dhulkii Banaanaa, Sabab oo ah Waxa ay Dawlada Hoose Dhulkii Danta Guud Loohayay u Qaybisay Dad Gaar ah kuwaas oo Dhaqaale Kasamaynayay Kaganacsiga Dhulka Iyaga oo Markii Danbe Sababay Qiimaha Dhulka Lakala Siisto oo Hoos Udhacay.
Maayir Solteco Waxa uu Qaybinta Dhulka Kutaxay Qurbojooga Badan oo uu Qaraabo Kiilnimo Uga Buuxiyay iyo Daljoog Sitay Waraaqo Shaanbadaysan oo Laga Sooqoray Madaxtooyda kuwaas oo Maayirka Ku Qasbayay in uu Dhulbanaan Siiyo Halka Kuwona Guryo Dhisan Lagu Wareejiyay.
Marka Lagatago Dhulkii Banaan ee Danta Guud ee Caasimada Somaliland Waxa iyana Galbaday oo Gacan Galay Dhisamayaashii ay Dawladu lahayd iyada oo Badankoodi Laxaraashay Halka Qaarna Dad Gaara loosiiyay Gacanmaris .
Goobaha ugu Caansan ee ay Xukuumadu Xaraashtay Waxa Kamida Theater-ka oo Madax Dhaqameed Madaxtooyada Laga Quudiyo Lasiiyay kuwaas oo u Dhago Nugul Guulwadayn Siilaayno Loonasiiyay Abaal Marin theater-ka. Waxa Sigaara Loofaasaxay Hotelkii ugu Weynaa ee ay Dawladu Lahayd – -Hargeisa- Clup Waxa Lafaasaxay Guryihii Hinyo laynka ee Qadiimiga Ahaa oo aan Maanta Hal Guri Kajoogin. Waxa La,iibiyay Dhismihii Xusbiga Waxana Lafaasaxay Goobkasta oo ay Isha kuwa Dhaqaale Doonka ah Qabatay. Waxana Hada Lagaadhay in La iibiyo Madxafayada Cilmiga Laga Raacdo oo uu ugu Danbeeyay Lebrary Gaandi.
Waxana Lagaadhay heer ay Xukuumada Siilaayno Waddo in ay IIbiso Masjidka Weyn ee Mustajaamaca Hargeisa oo ay Hada Wado Qorshe ay Kula Heshiinayso Culumada Ehlu Suna Waljamaaca oo iyagu Masjidkaa Maamula, Kuwaas oo Sida ay Xogo Wareedyo Looga Qaateena ay Kuheshay Somalilandlive.com lagu Qanciyay in Masjid Cusub Looga Dhiso Goob Kabaxsan Magaalada.
Boobka Arxandarada ahi Waxa uu Gaadhay Heer Loowaayo Haayadaha Qaranka Meelo Banaan oo Ladejiyo Waxa Dhawaan Ciidamada Qaranka ee Gaadhka Kahaya Madaarka Hargeisa ay Kacawdeen in aanay Haysan Dhul iyo Xeryo ay Degaan waxana ay Badalkeeda Lawareegeen Dhul Beer ah oo Dad SHacabi Leeyiin Kadib Markii Wasiirka Duulista Hawada iyo Maayirka Hargeisa ay iibiyeen Dhulkii Kuxeernaa Madaarka ee ay Ciidamadu Degenaan Jireen..
Xaalada Dhubooka iyo Xaalufinta Hantida Maguuraanka ahayd ee Dadweynaha ayaa Maraysa Meel Baaba ah oo aan Waxaba Laga Soo Gaadhaynin. Waana Calaamad Xun oo Xukuumada Siilaanyo Dusha Kagataala Iyada oo Hore ugu Eedayn Jirtay Xukuumadii Kahoraysal Dhulboob. Lasoco Qaybaha Danbe oo Sawiro Wata-
Faallo: Somalilandlive.com