Xukumadda Somaliland Oo 39 Shaqaalihii Warshadda Laydhka Ah Siisay Xuquuqdoodii

0
28

“Waxaanu Xuquuqdoodii  Gudoon Siinay  shaqaalaha Warshada laydhka ee Hargeysa kuwaasi oo Noqday  Hawlgab” Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud.

Hargaysa(Hubaal)  Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cali Cabdi Saayiq ayaaMaantaXuquuqdoodii Gudoonsiyey  39 shaqaalihii Mudada Dheer ka soo shaqeynayey Warshada Laydhka ee Hargeysa.

Shaqaalahan oo dhawaan Shaqada ka tagay ayaa isku Jiray hawlgab, Shaqo ka Tagis waxana Si rasmi ah loogu wareejiyey Lacagtii Xaqa ay u lahaayeen oo mid walba lagu saleyey Mudadii uu ka shaqeynayey Warshada laydhka.

 shaqaalahii laydhka

Xafladii 39 Shaqaalaha ee hawlagabka Noqday lagu Guddoonsinayey ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Wasaarada hawlaha Guud ee Magaaalda Hargeysa, shaqaalahan ayaa madaxda Wasaarada uga mahad Celiyey Siinta Xaqoodii.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud ayaa Shaqaalaha u Balan Qaaday Qof kasta oo cabasho qabaa In ay U Soo Bandhigaan si ay uga kaafiyaan cabashadooda.

 shaqaalihii laydhka

dhinaca kale waxa uu shaqaalaha ku Amaanay Kaalintii Muga Lahayd ee Ay ka Soo qaateen Haay’adda Korontada iyo Sidii Ay dadka ugu Adeegi Jireen,waxaana uu u Rajeeyay In Guul Gaadhi Doonaan. “Halkan Maanta waxa aynu ku Gudoon Siinaynaa Lacagihii ay Xaq u lahayeen shaqaalaha Haay’adda Korontada Somaliland, Shaqaalahan Maanta Halka Lagu Guddoon Siinayo Xaqoodii waxa ay iskugu Jiraa Qaar shaqo Dhimis Lagu sameeyay iyo Qaar Soo Codsaday in shaqada Laga Joojiyo iyo Kuwa kale oo iyaguna Hawl Gab Noqday, Ka wasaarada Hawla Guud Ahaan waxaanu ku dadaalay inaanu Shaqaalahaas oo Muddo Badan soo shaqaynayay inaanu Xaqooda Siino,Maanta Qaarkood Halkan Fadhiyaa waxa ay qaadanayaan Lacag dhan koob iyo Toban Milyan iyo Waliba Qaarba ka baddan”Ayuu yidhi Wasiirkuxigeenku.

Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud Gadiidka iyo Gurynta Somaliland oo Hadalkiis Siiwata ayaa waxa uu yidhi.”Maanta Waxa aynu ku Kala Tagaynaa Niyada Samaan, Qofkastana waxa lasiin Doonaa Lacag u dhiganta inta uu soo shaqaynayay,Kolay Meel Laka Tagi Maayo Lakiin Maanta Lacagta waxaanu Idiin Siinaynaa Waa Mag-dhawgii Aad Shaqaynayseen,Waxaanan Idiin sheegayaa inaad Tihiin Ragii u soo dhabar Adkayga Waayihii idinku Soo maray wakaalada Korontada ee Hargaysa,Waxaanad Tihiin Kuwii Dhidabada u taagay iskuna Hawlay inaad Gaadhsiisaan Meel Aad u saraysay”

 shaqaalaha laydhka

Wasiir ku-xigeenku waxa uu cadeeyay in Shaqaalaha Maanta Halka Lacagta Lagu Siinayaa Ay dhan Yihiin 39 Shaqaale Ahaan jiray waxaana uu yidhi. “Shaqaalaha Maanta Halka Lacagta Lagu Siinayaa waxa ay Dhan yihiin 39 Qof oo iskugu Jira Qaar Waynaaday  oo Shaqo Gabay iyo Qaar iskood iskaga tagay Maanta waxa weeyaan Maalin Farxadeed,Dadka Cabanaya waxaan leeyahay Xisaabtanka iyo Inaanu Idin qancino waanu ku han waynahay,waanan idiin Rajaynaynaa inaad ku qanci Doontaan Lacagta Aanu idiin Siinaynay Markaanu Xisaabta idiin Sheegno Qofkasta oo Halka Fadhiya waxaan leeyahay Soo Diyaar Garaw Qofkii u Baahan inaanu Qancino.Sidaas ayaa uu yidhi wasiirka Ku xigeenka Hawlaha Guud.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda Maamulka iyo Lacagta ee wasaarada Hawlaha Guud Gadiidka iyo Guryanta Somaliland  Yuusuf Siciid Axmed, Naasir Xariir Xandule Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Haaya’dda Koronta Hargaysa iyo Agaasimaha waaxda Xidhiidhka Gobolada Cabdi Cabdilaahi Dagaal ayaa iyagun Dhamaantood Shaqaalaha Ka tagaya Wakaalada Koronta Hargaysa u rajeeyay in Ay Tagi Doonaan Meel Wanaagsan,waxaana ay Dhamaantood ku Amaaneen Sidii Ay Shaqadooda u gudan Jireen.

Gaba-gabadii Shaqaalaha Lasiinayay Xaqii ay ku lahayeen Haay’adda Koronta Ayaa wasiir ku xigeenku mid mid U Guddoon Siiyay Lacagtii Ay xaq u lahayeen Kuwaas oo iyaguna Dhamaantooda ka Mahad Naqay Lacagaha Lasiiyay.

Lacagta Lasiinayo Ayaa waxa qof walba loo eegayay inta uu ka Shaqaynayay Haay’adda Koronta ee Hargaysa,Kuwaas oo Dhamaantooda u Mahad Naqay Wasiir Ku xigeenka Hawlaha guud.

source:waaheenmedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here