Xoolo Badan Oo U Sii Jeeday Yemen Oo Berbera Ku Xaniban Iyo Wakiiladii Reer Somaliland Ee Xoolaha Loo Diri Jiray Oo Qaylo Dhaan Soo Diray

0
51

Hargeysa (Hubaal)- Guud ahaan dhaq dhaqaaqii kala iibsiga xoolahii loo dhoofin jiray Dalka Yemen ee ka socday sayladaha Magaalooyinka Somaliland ayaa hakad lagaliyay kadib markii ay wakiilada Ganacsatada reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen ay soo direen digniin ah inaan wax xoola ah loo diri Karin dalka Yemen oo duulaan Sucuudigu horkacayaa ku socdo mudo saddex maalmood ah,waxaana gabi ahaanba si siman hakad loo galiyay xoolihii dekeda Berbera ku sugnaa ee u sii jeeday dalka Yemen iyo Kuwii la kala iibsanayay ee loo dhoofinayay dalkaasi.

xoolo la dhoofinayoCabdiraxiin Cismaan Cabdilaahi oo ka mid ah ganacsatada xoolaha u dhoofisa dalka Yemen oo oo aanu shalay khadka telefoonka kulan xidhiidhnay isagoo ku sugan Magaalada Berbera ayaa noo xaqiijiyay in xoolihii Dekeda Berbera Joogay ee u sii jeeday Dalka Yemen la joojiyay kadib markii ay fariin uga timid wakiiladooda ku sugan dalka yemen,waxa uu wargeyska foore u sheegay in sidoo kale la joojiyay kala iibsiga xoolihii kala duwanaa ee dalka Yemen loo diri jiray kuwaasi oo ay ganacsatadu ka iibsan jirtay sayladaha kala duwan ee ku yaala magaalooyinka Somaliland sida Hargeysa,Burco,Wajaale iyo waliba xoolihii laga soo waaridi jiray Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya,waxaanu noo sheegay in Duqaynta Xuutiyiinta lagu bilaabay ay saamayn hor leh ku keentay guud ahaan Dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Somaliland iyo Yemen iskaga kala gooshi jiray.

Sidoo kale qaar ka mid ah Wakiilada reer Somaliland ee Dalka Yemen ku sugan oo khadka telefoonka nagala soo xidhiidhay Xalay ayaa nooga war bixiyay xaaladooda nololeed iyo guud ahaan Soomaalida ku dhaqan, Sanca, Ticis, Cadan, Ma’rab Iyo Xudayda oo duqayn xoog leh ay ku socotay maalimihii u dambeeyay islamarkaan ku gudoonsan oo wali raadinaya meel ay xasaskoodii la soo maraan,waxa ay noo sheegeen in guud ahaan magaalooyinkaasi Bandoo saaran tahay islamarkaana si xoog ah ay ugu socoto duqayn xaga cirka ah oo aan loo aabbe yeelayn,waxa kale oo ay sheegeen in hadii saddex maalmood oo kale duqayntu ay ku sii socoto ay khatar ku jiraan inay sii noolaadaan,iyagoo sheegay in cabsi xooglihi ay ka jirto magaalooyinkaasi oo dadka ku nooli ay ka baqayaan in madfac ku dhaco ama dhisme ku fadhiisto,iyagoo intaa ku daray in duqaymahaasi oo goobo bartilmaameedsan lala beegsanayo ay ilaa iyo hada ku nafwaayeen dad badan oo shacab ahi islmarkaana ay ku dhaawacmeen dad intaa ka sii badani.

Dalka Yeman ayaa ahaa intii ay Somaliland jirtay wadanka keli ah ee ay xoolaha Somaliland si isdaba joog ah ugu dhoofi jireen, waxaana ganacsatada Somaliland bishiiba uga soo xeroon jiray malaayiin Doolar halka cashuur badani Dawlada Somaliland ka soo gali jirtay xaga dhoofka xoolaha yeman tagi jiray.

Xigasho Foore

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here