Xoogaga Xuutiyiinta Oo Gacanta Ku Dhigay Aqalka Madaxtooyada Dalka Yemen

0
30

Dagaalo  ka soo cusboonaaday caasimada dalka Yemen ee Sanca

Sanca (Hubaal) Aqalka madaxtooyada dalka Yemen ayaa gebi ahaanba ay gacanta ku dhigeen xoogaga kacdoonka wada ee Xuutiyiinta sidaana waxa warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta ee dalka Yemen Nadia Shakkaf

Wasiirka warfaafinta ayaa xaaladdan ku tilmaamtay afgembi “tani waa dhamaadkii afgembiga” waxaana ay intaa raacisay inaanu madaxweynuhu haatan wax awood ah lahayn

xuutiyiintaWaxa lagu soo waramayaa dagaal uu ka socdo aaga aqalka looga arimiyo dalka Yemen ee magaaladda Sanca kaas oo u dhexeeya xoogaga Xuutiyiinta iyo ciidamada amaanka.

Sagaal ayaa ku dhintay in ka badan todoba iyo lixdan kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka u dhexeeya ciidamada Yemen iyo xoogaga Xuutiyiinta Maalinimadii Isniin ka hor xabad joojintii ay laba dhinac isla qaateen sidaana waxa sheegtay wasiirka warfaafinta Yemen Nadia Shakkaf

Dhawaaqa rasaas googoos ah ayaa laga maqlayaa caasimada Sanca

Mustafe

Hubaalmedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here