Londoni: (Hubaal)-Inkastoo aanu soo gunaanadmin dabagl weyn oo lagu hayo ninka Kooxda Daacish u qaabilsan Gawraca La Haystayaashu, haddana waxa soo baxay xogo lagu kalsoonaan karo oo daaha ka rogay Magaca ninkan iyo cidda uu yahay.
Ninka oo Daacish dhexdeeda looga “Jihadi John”, ayaa Haatan Hay’adaha warbaahinta qaarkood ogaadeen inuu yahay Mohamed Emwazi oo ah muwaadin Kuwaiti haysta dhalashada ingiriiska, kaasoo loo maleynayo inuu deganaa Galbeedka London oo ay in badan isha ku hayeen laamaha amniga Ingiriisku.
Emwazi ayaa muuqaalkii u horeeyay ee uu ka soo muuqdo waxaa ahaa kii bishii Agosto ee sanadkii hore uu ku gowracay Wariyaha Mareykanka ahaa James Foley.
Ilaa iyo hada faah faahin rasmi ah lagama hayo ninkan, hase ahaatee dadka ayaa aad ula xidhiidhinayay inuu yahay ninkan Mohamed Emwazi oo da’diisa lagu qiyaasay 27-jir
Sidoo kale ninkan ayaa gowracay wariye kale oo Mareykan u dhashay Steven Sotloff, sama fale u dhashay British David Haines, nin darawal ka ahaa Takaasida Alan Henning iyo nin kale oo Mareykan ah oo ka shaqeyanayay sama falka Abdul-Rahman Kassig oo loo yaqaanay Peter.
Ninkan ayaa aad ugu hadlayay lahjada British-ka ah, waxaana uu reer galbeedka ugu hanjabayay inuu dilay la heystayaal.
Bishii la soo dhaafay ayuu mar kale ka soo muuqday muuqaal kale oo cabsi ahaa, kaasoo ahaa dilkii labo muwaadin u dhalatay Japan oo lagu kala magacaabayay Haruna Yukawa iyo Kenji Goto.
Emwazi ayaa bartay cilmiga Computer-ka oo uu ka qalin jebiyay Jaamacad, sanadkii 2012 ayuu u safray dalka Suuriya, isagoo kadib ku biiray ISIS.
Saaxibada ninkan lagu magacaabo Emwasi ayaa u sheegay Washington Post in ninkan ka soo jeedo qoys wanaagsan,
“Wuxuu sida walaalkey oo kale, waa isaga waan hubaa, Mohamed waa Jihadi John”ayuu yidhi nin saaxib la ahaa.
Sirdoonka reer galbeedka ayaa muddo raadinayay ninkan, iyadoo hore u cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah dadka loogu doonista badan yahay.
source:himilo