Xisbiga WADDANI Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Faah Faahin Ka Bixiso Saddex Nin Oo La Sheegay In Ay Jabuuti U Gacan Galisay

0
30

Hargeysa(Hubaal) -Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta si adag uga hadlay sadex nin oo dhawaan la sheegay in Xukuumada Somaliland ay u gacan galisay Dawlada Jabuuti ee aynu jaarka nahay,ku waasi oo ku eedaysaysan in ay ku lug lahaayeen Qaraxii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

xisbiga Waddani

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI Mustafe Maxamuud Qodax oo arintani ka hadlay ayaa Xukuumada ugu baaqay in faah faahin dheeraad ah ay ka bixiso Sadexdan qof ee ku eedaysan in ay yihiin Argagixisada,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo nabad galyada qaranka Somaliland taasi oo ah baa uu yidhi in mid aynu kaga horayno geeska afirka,waxaana uu tibaaxay in ka Xisbi ahaana ay diyaar u yihin in kaalintooda door muhiim ah ay uga qaataan ilaalinta Aminiga Dalka.

Xoghaya Arimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Md:Mustafe Maxamuud Qodax ayaa hadalkan ka sheegay mar ay maanta shir jaraa’id ay ku qabteen Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalad Hargeysa.

“Waxaa ilaa shalayto saxaafadeen ka soo baxayey in Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku eedaysan Argagisxiso,dee ilayn maynaan wali maqal Xukunk ku dhacee in ay dambiilayaal yihiinee  in laga qaaday dalka isla markaana Jabuuti loo gacan galiyey,Waa ay fican tahay Xaqiiqatan in la ilaaliyo Amniga Gudaha iyo ka dalalka Jaarkaaba oo aynu fure u nahay Guud ahaanba Mandaqada oo Somaliland ay inbadan ay ku faanaysay in ay tahay nabad isla markana,waana aynu ku dadaali ka qaran ahaan ka xisbi ahaana waa ay naga go’an tahay in aanu arintaas Xoojino,Waxaanu Codsanynaa waxa weeye Arintaasi ma faahfaahsanayn sida loo dhigay ama sida wararka Soo baxayaa ay u yaalaan,waxaanu Xukuumada ka dalbanaynaa  Qarankan Amnigiisu waa uu ina wada Khuseeyaayee  indinkaase Xakuumadii ahoo dalka maanta Gacanta ku hayee in aad war intaas ka faahfaahsan oo runtii ku saabsan Xubnahaas o runtii ay arintaasi ay tahay arin xaasaasi ah in dadka loo soo gudbiyo”Ayuu yidhi Mustafe Maxamuud Qodax

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here