Hargeysa(Hubaal):-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa mar kale si adag u naqdiyey safarkii madaxweyne Siilaanyo ku soo maray magaalada Boorama ee gobalka Awdal, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisuba ay reer Awdal u quudhi waayeen in ay habeen qudha ay u hoydaan magaalada Boorama, si baa ay yidhaahdeen uu wax uga soo qabto xaaladihii siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka alloosna guud ahaanba deegaankaasi, iyaga oo sida oo kalena talaabadaasi ku tilmaamay mid aan laga fiisan oo wax aanay galabsan reer Awdal lagu sameeyey, waxaana ay tibaaxeen in arrintani ay ka cadhaysiisay dadka ku dhaqan gobalka Awdal.
War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen gudida fulinta, hogaanka iyo haldoorka xisbiga Waddani, oo Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale maanta u akhriyey warbaahinta, ayaa hadalkan lagu sheegay, waxaana uu Muj:Boobe ugu horeyn ka hadlayaa xaaladihii ku gadaamnaa booqashadii madaxweynaha ee gobalka Awdal.
“Waa war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Waddani,oo ka dhashay wada-tashi balaadhan oo dhex maray,gudida fulinta,hogaanka xisbiga, iyo hal doorka xisbigaba. Gobalka Awdal waxaa uu ka mid yahay gobalada ahmiyada gaarka ah u leh jamhuuriyada Somaliland, ee doorka lama illaawaanka ah ka soo qaatay dhismihii Somaliland, nabadaynta iyo hirgalinta geedi socodkii dimuqraadiyadeed,maanta gobalka Awdal, waxaa ka taagan xaalad aad iyo aad u murugsan oo ay masuul ka tahay xukuumada dalka ka talisaa. Dhiiladan gobalka Awdal waa mid dhinacyo badan, mar waa sida ay madax dhaqameedku soo qadimeen muddo sideed bilood ka hor laga joogo ee aan dhagba jalaq loo siin, ka dibna sii taran tay ee sii murugtay, tabashadaasi waxaa ay ahayd mid ku saabsanayd sidii loo qeybsan lahaa xilalka qaran, madax dhaqameedku kamay hadlin sidii loo qeybsan lahaa khayraadka qaran”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Mar kale waa dhiilada ka alloosan goobta macdanta laga qodaayo ee SIMODI oo iyadu muddo-ba taagnayd halisteedana leh isla markaana soo jiidatay dareenka iyo danaynta dawlada Faderaalka ah ee Somaliya oo markii ugu horeysay taariikhda qoraal rasmi ah ka soo saartay macdanta halkaa laga qodaayo, dhiilada intaa leeg ee mudada intaa leeg soo jirtay in madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo waftiga uu hogaaminayaaba ay booqosho ku tageen gobalka Awdal, warkaasi waa la soo dhaweeyey aadna waa loogu farxay iyada oo cid waliba ay isku qancisay in ay madaxweynaha iyo waftigiisu in ay xal waara oo dhaba ay u heli doonaan xiisadahaa ka alloosan gobalka Awdal,dadba waxaa uu quustay oo candhuuftiisiis uu dib u liqay markii madaxweynaha iyo waftigiisiiba ay bilaabeen in bartii macdan laga qodaayey tagaan ee ay magaalo madaxdii gobalka ee Booramana ay u quudhi waayeen in ay saacad ku hakadaan iyaga oo fiidkiiba ka caraabay, talaabadaas aan laga fiirsan aad iyo aad ayey dadkii reer Awdal ee gobalkaasi ay uga cadhoodeen, waxaana ay gaadhsiisay heerar aanay waligood gaadhin, waxaa ku habsaday masiibo aanay galabsan balse ay u garteen intii xukuumada maanta jirta gadhwadeenka ka ahayd, waxaa ay dawga iyo milgahu ahaayeen in dadka lala xaajoodo oo aan mudnaanta la siinin macdanta laga qodaayo SIMODI”.
Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay in xukuumada Siilaanyo ay ku dhaqmayso siyaasadii la isticmaali jiray waagii casri jaahiliga ee kala qeybi oo u tali(divide and rule), waxaana uu sheegay in siyaasada noocaas oo kale ahi ay tahay siyaasad hadhaa ah oo ay dunidu mar hore ka diga rogatay.
“Waxaa ayaan darro ah in xukuumadeenani tani iyo maalintii ay talada dalka la wareegtay in ay dhaqan iyo caadaba ay ka dhigatay siyaasadaha hadhaaga ah ee ay dunidu ka diga rogatay ee qeybi oo xukun(divide and rule), waa tabihii iyo xeeladihii la adeegsan jiray casrul jaahiligii, siyaasadaha laga tagay ayey xukuumadeenu ku darsatay dhagax dhig, xadhig jar aan jirin balan qaad balan fur ka danbeeyo, iyo socdaalada siigaalayaasha la baxay ee sida gaara bidhaanka hadba meel laga hilaacayo”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, waxaa uu ugu danbayn uu shacbiga reer Somaliland ugu baaqay in loo gurmado dadka ku dhaqan gobalka Awdal si baa uu yidhi loo celiyo abaalkii ay Somaliland hore ugu galeen, waxaana uu ku booriyey dadka ku dhaqan deeganadaasi in ay ka feejignaadaan wax uu ku sheegay in dhagar loo maleegayo.
“Reer Awdal waxaan ugu baaqaynaa in ay illaashadaan midnimadooda nabada iyo sidii ay uga feejinaan lahaayeena dhagarta loo maleegayo, shacbiga reer Somaliland waxaan ku boorinaynaa oo aanu ku baraarujinaynaa in ay xogogaal u noqdaan xaalada dhabta ah ee ka taagan deegaanka gobalka Awdal, isla markaana ka gutaan xilka ka saaran, reer Awdal in badan ayey qarankan Somaliland u soo gurmadeen maanta abaalka ha la celiyo oo ha loo gurmado”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale