Xisbiga oo Bilaabay Dar-dar gelinta Hawlaha Xisbiga Iyo Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Xubinimada
Hargeysa(Hubaal):-Munaasibad balaadhan oo si heer sare loo soo agaasimay oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani laantiisa wadanka Maraykanku ku soo dhawaynaayay taageerayaal aad u tira badan oo ku soo biiray sida oo kalena lagu dardar galinaayey hawlaha xisbiga ayaa ka qabsoontay gobalka Minneapolis gaar ahaan magaalada Minnesota ee wadanka Maraykanka.
Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee waqooyiga Ameeriga Mawro. Muna Cali Fidhin, guddoomiyaha gobalka Minneapolis Md.Cabdiraxmaan Aadan.aqooyahanada, waxgaradka, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasibadan oo ahayd mid xisbigu ugu talo galay soo dhawaynta taageerayaasha, ayaa sida oo kale waxaa iyaduna barbar socotay bixinta kaadhadhka cadaymaha ee xubinimada taageerayaasha xisbiga Waddani ee ku nool waqooyiga Ameerika, waxaana ka hor xafladaasi ay taageerayaashii ku soo biiray safaf dhaadheer ugaleen qaadashada kaadhka cadaynta taageerayaasha xisbiga Waddani ee wadanka Maraykanka. Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Minnesota oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa ka warbixiyey hawlaha dardar galinta xisbiga Waddani uu ka wado magaalada, isaga oo xusay in muddooyinkii du danbeeyey ay xisbiga Waddani ku soo qul qulayeen taageerayaal aad u tira badan.
Qaar ka mid ah taageerayaashii xisbiga Waddani ku soo biiray oo iyaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda ku dheeraaday sida ay ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan xisbiga Waddani, waxaana ay carabka ku dhufteen in xisbiga Waddani uu yahay xisbiga qudha ee matali kara bulshada Somaliland, iyaga oo sida oo kalena uga mahad celiyey mas’uuliyiinta xisbiga Waddani ee Maraykanku sida qiimaha badan ee ay ugu so dhaweeyeen xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha waqooyiga Ameeriga Marwo.Muna Cali Fidhin oo iyaduna ugu danbayntii halkaasi ka hadashay, ayaa ugu horeyn si diiran u soo dhawaysay taageerayaasha ku soo biiray xisbiga Waddani gaar ahaan gobalka Minneapolis, iyada oo sida oo kalane halkaasi ka akhriday khudbad dheer oo ka hadlaysa dardar galinta hawlaha xisbiga iyo sida oo kale ku dhiiri galinta taageerayaasha xisbiga Waddani ee Maraykanka in ay si toos ah u qaataan kaadhka cadaynta xubinimada taageerayaasha xisbiga Waddani iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka wada shaqaynta hawlaha xisbigaasi ee wadanka Mareykanka.