Hargeysa(Hubaal) Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa maanta munaasibad balaadhan ku daah furay barnaamij loogu tala galay dhiiri gelinta dhalinyarada somaliland, kaas oo xisbigu ka hir gelin doono dalka.
Daah furka barnaamijkan oo maanta lagu qabtay Hotel Star Box ee magaalada Hargeysa ayaa ah barnaamin loogu tala galay in laga hir galiyo dalka, iyada oo haatana lagu bilaabay qaar kamid ah degmooyinka ay ka kooban tahay caasimada Hargeysa oo kala ah degmooyinka Gacan Libaax iyo 26-ka June.
Ugu horayn waxa munaasibadan lagu furayey barnaamijka loogu magac daray dhiiri gelinta dhalinyarada somaliland ee uu hir gelinayo xisbiga mucaaridka Ucid ka hadlay musharaxa
madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo isagu lahaa fikrada lagu hir gelinayo barnaamijkan.
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay barnaamijkan ayaa sheegay inuu barnaamijkaasi faa,iido balaadhan u yeelan doono dhalinyarada waxaanu yidhi “Waxaan hanbalyeynayaa dhalinayrada degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax, maamulka cusub ee loo sameeyeyna waan halbalyeynayaa, barnaamijkani waa mid wax u taraya dhalinyarada waxa uu dhiiri gelinayaa sidii ay dhalinyaradu iskugu tiirsanaan lahayd, markaa barnaamijkaas waa in laga faa,iidaystaa oo ay dhalinyaradu isku duubnaadaan.”
Sidoo kale musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo kahadlaya barnaamijkan iyo dhalinyarada waxa uu yidhi “Waxaynu maanta iskugu niimid madal nooceedu kaw yahay oo aynu ku shaacinayno laba maamul oo cusub oo u unkamay degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax waana labadii degmo ee ugu horeeyey ee fuliyey qaabka ah inuu maamulkoodu ka soo dhismo xaga hoose oo ay iyagu soo doortaan cidii ku matali lahayd degmo ahaan iyaga oo la tashi la samaynaya waaxyaha ay degmo waliba ka kooban tahay, waxaan ka soo dhex baxay fikirka ah in marka ay degmadu dhisanto bal cid ugu horeeya ee ay dhisaana ay noqoto dhalinyarada, markaa waxaanu eegnay sida ay wax u jiraan iyo halka ay wax inoo marayaan, mana jiro barnaamij ay xukuumadu kulmiye u qorshaysay dhalinyarada oo ay ku hawl galinaysaa, waxaana jira dhibaatooyin badan oo dhalinyarada haysta oo ay ka mid tahay shaqo la,aanta iyo qorshe la,aan ah inaan loogu tala galin barnaamijyada ciyaaraha, kuwii madadaalada, aqoon is waydaarsiga, kuwii hidaha iyo dhaqanka, waxaanan aragnay dhibaatooyin ka jira.”ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid.
Sidoo kale musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mukcaaridka ah ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadaanu nahay musharaxiinta xisbiga Ucid waxaanu iibinaynaa waxa weeyaan inaanan dalkan u iman inaanu ka shaqaysano balse aanu u nimid inaanu u shaqayno, xaashi cad ayaanu sidana waxaanan gurmad u nahay dalkan iyo dadka somaliland,inta gurmadka aanu u nahayna waxa ugu horeeya dhalinyarada somaliland waayo dhalinyarada waa mustaqbalka dalka haddii aan la hagaajina waxa sii badan doona dhibaatoyinka haysta.”
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray), maamulka xisbiga ee degmooyinka Gacalin Libaax iyo 26-ka June iyo marti sharaf kale oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid kuwaas oo dhamaantood sheegay inay ku faraxsan yihiin barnaamijkan cusub ee uu xisbigu daah furay.