Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Oo Xukumada ku Eedeyey in ay Waddo Qorshe Muddo Kordhin Ay Ku Sameysanayso.

0
23

Hargeysa(Hubaal) Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo indhawaale ku raad joogay qorshayaasha iyo dabinada ay Xukuumada Madexweyne Siilaanyo la maagan tahey in ay ku carqaladeyso ama dib ugu dhigto wakhtiga loo qabtey Doorashada ee sanadka 2015ka oo hada mudo toban bilood ahi ka hadhsan yahey,ayaa siweyn uga deyriyay qodob aad u xasaasi ah oo ku sahabsan qorshe Xukuumada Madexweyne Siilaanyo ku damacsan tahey in doorashada dib loogu dhigo kaas oo wakhtigan xaadirka ah horyaala Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana, ah Xeerka diiwaangalinta Codbixiyayaasha, oo lagu lamaanaynayo xeerka Diiwaangalinta madaniga ah ee qaadashada kaadhka aqoonsiga Muwaadiniinta ah Doorashooyinka.

uurcade

tilmaamay in Xukuumadu ay wakhti badan haysatey islamarkaana, xiligan soo raacisey Diiwaangalinta Madaniga ah oo wakhti sanado badan ah qaadaneysa taas oo caqabad ku ah Doorashooyinka, waxaanu tafaasiil ka bixiyay in ay Guud ahaanba Xukuumadu ka baxdey heshiisyadii lagu gaadhey wadajirka oo uu gacantisa ku sexeexay Madexweyne Siilaanyo, Xisbiyada Qaranka,Komishanka Doorsahooyinka, iyo Wasaarada Arimaha Guduhu balse hada wax badani iska badeleen taas oo Xisbiga Wadani gaashaanka u daruurey Qorshahan.

“Diiwaangalinta Codbixiyayaashu waxey lagama maarmaan u tahey in Doorashooyinka inagu soo fool lihi ku qabsoomaan Wakhtigoodii,waxaana ka masuul ah Komishanka Qaranka kaasi waa Diiwaangalinta Codbixiyayaasha tan kale ee ah Diiwaangalinta madaniga ahi waxa ay ku sahabsan tahey in ka bixiyo kaadhka aqoonsiga Muwaadinka Reer Somaliland waxa isaana ka masuul ah Wasaarada Arimaha Gudaha labadaa diiwaan galinood midba waxey u baahan tahey sharci lagu maamulo oo Golaha Wakiilada laga ansixiyo,Komishanka Qaranku waxey abaabuleen daneynayaasha Doorashooyinka iyagoo ka hadlayay arinta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha oo iyaga sitoos ah u khuseysa,waxey howl galiyeen khubaro sharci waxey u yeedheen daneeyayaashii oo dhan si loogu sameeyo kaabis iyo wax ka badel xeerka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha,waxey xeerkaa dhameystireen oo ay ugudbiyeen qabyo qoraal sharci ah waxey ugudbiyeen Xukuumada mudo imika laga joogo laba bilood oo dhowdhow mudadaa dheer ee ay Xukuumadu haysatey, iyadoo wakhtigu cidhiidhi yahey qoraalkii sharci waxey candhada u galiyeen ee ay Diiwaangalintu laheyd oo ay ku lifaaqeen Xeerkii Diiwaangalinta madaniga ah, oo ubaahnaa in xeer gaar ah loo sameeyo,waxaanay shuruud uga dhigeen in diiwaangalinta codbixiyayaasha marka la qabanayo ay qasab tahey in qofku soo maro inuu xeerka madaniga ah dhameystiro kadibna waxa shardi lagaga dhigay inuu qaato kaadhka aqoonsiga,waxaanu u arganaa runtii Xeerka Diiwaangalinta madaniga ah iyo xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha xeer 37/2007,waxaanu u arganaa in Xukuumadu ka carareyso, in ay sameyso xeerka codbixiyaha oo ay sitoos ah u sameyso sidii lagu heshiiyay, oo aheyd runtii iyadoo aanu aad uga xunahay in Sadexda Xisbi Qaran,Komishanka, Wasaarada Arimaha Gudaha,Madexweynaha intuba in ay heshiis cad ka galeen oo lagu heshiiyay in xeerka madaniga ah sidiisa ay Wasaarada Arimaha Guduhu u wado,waana xeer muhiim ah umadu u baahan tahey muduu qaadanayaa,ilaa dhawr sanadood ayuu qaadanayaa waxaana loo baahan yahey in umadoo dhan loo wada sameeyo kuyar iyo kuweynba laakiin xeerka codbixiyaha in isaga la sameeo oo si dhakhso ah loo sameeyo oo aan isaga lagu xidhin”Ayuu yidhi Maxamed Uurcade Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah Wadani, oo sidaa ku sheegay Shir jaraa,id oo uu maanta Warbaahinta ugu qabtey Xarunta Xisbiga Mucaaridka ah Wadani ee Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu ka hadley dhamaanba shuruudaha kala duwan ee ku xidhan labadan qodob ee Diiwaangalinta madaniga ah iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha oo ay Xukuumadu wakhtigan xaadirka ah dabar uga dhigayso in Doorashadu ku qabsoonto wakhtigeedii.

“Waxaanu aad iyo aad uga xunahay in wixii lagu heshiiyay ee Qoraaladii lagu heshiiyay ee Madexweynuhu qorey,ee ay Sadexda Xisbi qaran qoreen ee Komishanku qorey,WasaaradaArimaha Guduhu qoreen uu intaba khilaafsan yahey xeerka maanta kasoo baxey ee Xukuumadu usoo gudbisay Golaha Wakiilada uu ka hor imanaayo,waxaanu aad iyo aad uga xunahay qoraaladii caalamka loo direy wixii lagu heshiiyay in aanay xukuumadu tix galinin wax tix galin ah aanay uyeelan,oo aanu u aragno in ay tahey khiyaamo qaran oo qaranka laga galey iyadoo loo wado qarankan in maalinba ninkii doonaa uu siduu doono u jiheeyo anagu hadaanu nahey Xisbiga Wadani,marna anagu aqbali mayno in shuruud lagu xidho iyadoo mudo korodhsi laga doonayo in muwaadinka codbixyaha ah lagu xidho kaadhka madaniga ah, oo uu sadex sano afar sano shan sano qaato taana diyaar uma nihin”Ayuu Yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

 

Gabagabadiina waxa uu ka hadley halka ay ka taagan yihiin talaabooyinka noocan oo kale ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo mudada ka hadhey Doorashada inaan tobanka bilood ee hadhsan wax ka badan la qaadan kareynin.
“Waxaanu ka baqeynaa runtii in wadankan mushkilad lagaliyo oo halaag badani ka dhaco Xukuumada maanta jirtaa hadii loo sii daayo mudadaasi,waayo hadadan ayaad ogtihiin dhibta inaga haysata Gudo iyo dibadba,waxaanu u arganaa in xeerkaa laga leeyahay laba ujeedo kow in wakhhtiga doorsahada lagu qabanayo la galiyo muran,oo aan la dhameys tirin si loo kordhiyo mudada ama la qabto Doorasho aan la bixin kaadhkii Diiwaangalinta oo muran iyo is dil ka dhaco sidii tii D/hoose oo kale, oo ay Xukuumaduna ku shubato,hadaanu nahey Xisbiga Wadani arimaha noocaas ah ee Xukuumadu wado waanu kasoo horjeednaa, Golaha Wakiiladana waxaanu uga digaynaa in wixii umadani ay isku ogayd ee ay ku balantey waxaan ahayn in ay fasaxaan,waxaanu ogolnahay inxeerka muwaadinka sigaar ah loo sameeyo Golaha Wakiiladuna ansixiyaan waxaanu ogolnahay in Diiwaangalinta Doorashooyinka sidii ay aheyd loo qabto ee lagu balamay oo laga daayo,kolba marmarsiiyaha loogu doonayo Mudo kordhsiga”Ayuu hadalkiisa Kusoo gabagabeeyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Maxamed Cabdilaahi (Uurcade).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here