“….Xilku Waa Meerto….!” – W/Q: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
105

Qofka Marka uu Cusub Yahay ee Xil Qaran loo dhiibayo waa lala Socodsiiyaa oo lagala Tashadaa, Laakiin Marka uu Xil Hayo ee Xilka laga Qaadayo ama Meel kale loo bedalayo waa go’aan Madaxweyne oo Caadiyan qofkii la Casilayay ama la Bedelayay Talo lagama weydiiyo

Intaas marka aynu isla fahano Aniga oo aan ahayn Wasiirkii Warfaafinta iyo Afhayeenkii Madaxtooyada toona, hadana Muwaadin ahaan Waxaan jeclaystay inaan fikirkayga gaarka ah ka dhiibto Dhacdo Wadankeena ku Cusub oo cidii Maqashayba Yaab ku noqotay oo ka soo yeedhay Wasiirkeenii hore ee Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Xilkii Wasaarada Maaliyada ee laga bedelay ku dooday inaan lagala tashan sidaas darteedna uu diiday inuu qabto Xilkii Wasaarada Waxbarashada ee Madaxeynuhu u igmaday.
kaysarIyada oo uu Wasiir Samaale yahay Muwaadin Xor ah, Dalkeenuna uu yahay Wadan Dimuqraadi ah oo qofku Xor u yahay in Xilka uu hayo iska Casili karo xilli kasta oo uu doono, haseyeeshee Qofna Xaq uma laha inuu ku dhego oo uu isa siiyo Xilka loo dhiibay oo uu u fahmo inuu lama taabtaan Aan laga qaadi karin uu yahay. Xilalka Qaranu Waxay u dhexeeyaan Muwaadiniinta Somaliland oo uu Madaxweynaha Qaranka ee Xilka hayaa uu u igman karo cidii uu u garto, xilli kasta oo uu doono,sidoo kalana waxa uu ka qaadi karaa ama uu meel kale u bedelin karaa Qafka uu u garto, mana Jirto wax Sharci ah ama Xeer ah oo tilmaamaya inuu Madaxweynuhu kala tashado Qofkii Xilka uu ka Qaadayay ama uu bedelayay, waa Xaq u Gaar ah oo Dastuurku uu siiyay Madaxweynaha, sidaas daraadeed waxay iila muuqataa Dood jaban hadalka uu Saaxiibkeen Samaale uu Warbaahinta ka sheegay inaan lagala tashan in Xilka Wasaarada Maaliyada laga wareejiyo oo ta Waxbarashada loo bedelo.
Dooda kale ee Mudane Samaale ka soo yeedhay ee uu ku sheegay inaanuu Madaxweynuhu tixgelin Dareenkiisii Iyo Saaxiibtinimadiisii, waa arrin kale oo iyada lafteedu yaab igu noqotay, marka Koowaad Xilalka Qaranku maaha qaar uu Madaxweynuhu Saaxiibtinimo ku bixiyo, Madaxweynuhu waxa uu leeyahay Kumanaan Saaxiib, laakiin taas macnaheedu maaha inuu Saaxiibadii Xilal ku taxo, taasi maaha ta loo igmaday, waxa uu Madaxweynuhu uu Madaxweyne u yahay dhamaan Muwaadiniinta Qaranka Somaliland mid saaxiib la ah iyo mid aan saaxiib la ahayn toona, Saaxiibtinimada iyo Xilka uu Madaxweynuhu u hayo Qarankana waa Laba kala duwan, markaas daw maaha in Mudane Samaale uu yidhaa Madaxweynuhu Saaxiibtinimadii naga dhaxaysay muu tix gelin, Saaxiibtinimadu waa halkeedii, laakiin Bedelida iyo Casilaada Xilalka Qaranku waa arrin kale oo aanuu Madaxweynuhu u eegayn Saaxiibtinimo ee uu u fiirinayo kolba kii Hawsha wadi kara ee Muwaadiniinta ka mid ah. Tan ku saabsan ee Mudane Samaale ku sheegay inaan Madaxweynuhu Dareenkiisii tix gelin, waxay ila Tahay Madaxweyne kastaa wuu dareemi karaa dareenka Qofka Xilka laga qaadayo oo ah mid aan farxad gelinayn qofka Xilka laga qaadayo, hase yeeshee waa Sunnaha Dawladnimo in kolba Muwaadiniinta la isku bedelaa maadaama Xilalka Qaranka iyo Khayraadka Dalku ay ka dhexeeyaan Muwaadiniinta Somaliland.
Ugu danbayn Waan Jeclaa in Saaxiibkay Samaale uu Waxbarashada Dalkeena uu Hogaamiyo oo uu qabto Xilka Wasaarada Waxbarashada Maadaama uu Aqoon u lahaa Arrimaha Waxbarshada, sidoo kalana uu yahay Wadaad Caalim ku ah Diinta Islaamka oo uu wax badan oo Diinta Islaamka ah ku soo kordhin lahaa Manaahiijta Waxbarashada Dalkeena, run ahaana ay u noqon lahayd Madal ama Xil ku Haboon oo uu Dacwada iyo Faafinta Diinta Islaamka uu ka gudan lahaa. Waxaana Nasiib darro ah go’aankaas uu qaatay oo dad aad u badan oo u Hanweynaa ka nixiyay.
Waxaan Hambalyo kal Iyo Laab ah u dirayaa Masuuliyiinta Xukuumada ku soo biiray iyo kuwa la kala bedelay, Waxaanan Allah uga baryayaa inuu u fududeeyo Amaanada loo dhiibay. Kuwa Xilalkii Qaranka laga Nasiyayna waxaan Allah uga baryayaa inuu Mustaqbal Fiican Siiyo Oo ay noqdaan qaar Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda wax tara. Waxaana looga baahan Yahay qofka xilka laga qaado inaanu niyad jabin ee uu ogaado in Muwaadiniinta Somaliland kolba qof Amaanada uu qabanayo.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here