Xubhaha Ururka Jiidali ee Xabsiga Ku jira oo cadaadis iyo cabudhin gaar ah kala kulmaya Xukuumadda Siilaanyo
Hargeysa (Hubaal) Xildhibaanyo ka tirsan golaha wakiilada oo maanta booqasho ay ugu tageen saldhiga Iftin ee magaaladda Hargeysa xubnihii ururka Jiidali ee ay xukuumadu xabsiga dhigatay ayaa xukuumadu ay ka hor istaagtay xildhibaanadaas inay booqdaan islamarkaana ay saldhiga ugu galaan xubnaha ururka Jiidali ee saldhigaas ku jira.
Talaabadan ay xukuumadu isaga hortaagtay masuuliyiinta booqashada ugu tagay xubnaha xidhan ayaa noqonaysa mid xad-gudub u ah xuquuqda ay leeyihiin maxaabiista xidhan islamarkaana ay kamid tahay cabudhinta iyo cagajuglaynta ay xukuumadu ku cadaadinayso xubnahan u xidhan ee ee xaqa u leh inay helaan xuquuqda ay leeyihiin muwaadiniinta marka ay xabsiga ku jiraan.
Xubnaha ururka Jiidali ayaa ku jiray markii hore saldhiga Kood-buur, waxaana habeenimadii Xalay loo soo wareejiyay saldhiga Iftin ee koonfurta Hargeysa ku yaala,iyadoon wax sabab ah oo loogu soo wareejiyay saldhiga Iftin aanay jirin,balse ay xukuumadu ku cadaadinayso xubnahan sidii aanay u heli lahayn booqasho iyo Dhammaan xauuqda kale ee maxaabiistu leeyihiin