Muxuu Xildhibaan Kibaar U Daliishaday Eedaha Culus Ee Uu Huwiyey Masuul Qaranka Uga Wakiil Ah Gobol Xaasaasi Ah Oo Xuduud Ku Yaala?
“Mishiinka Ceelka magaaladu ka cabbi jirtay bil iyo dheeraad buu immika fadhiyaa, waa la dayac-tiri karaa, ma oggola Maayerku… Badhasaabku isagaa ka dambeeyey inay Jabuuti Xadkeeda xidho, warbixinta xadka lagu xidhay isagaa halkan ka qaaday…” Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibbaar
Saylac, (Hubaal)- Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibbaar oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, ayaa Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waabberi Rooble ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo Khiyaamo Qaran, isla markaana waxa uu sheegay inuu gabay xilkii iyo shaqadii ay dawladda Somaliland u soo diratay, taa beddelkeedana uu yahay nin Jabuuti u shaqeeya, waxaanu sidoo kale ku eedeeyey inuu ka dambeeyey Badhasaabku go’aanka ay dawladda Jabuuti ku xidhay xadka ay Somaliland la wadaagto.
Xildhibaan Kibbaar waxa uu sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Selel ku eedeeyey inuu faro-gelin wada-shaqaynta Maamulka degmada iyo ka gobolka ee Sharcigu oggol yahay ka baxsan ku hayo habsami-u-socodka hawlaha iyo shaqada Golaha Deegaanka degmada Saylac. Waxa uu Xildhibaanku Duqa demgada Saylac ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadaas ku eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu awooddii Golaha deegaanka keligii isagu maroorsaday, wax-qabashadii Golaha looga fadhiyeyna cunaha iskaga duubay.
“Gobolka in Badhasaab loo soo magacaabay waan maqalnay, habeen hadduu Saylac joogo saddexda maalmood ee ku xiga Jabuuti ayuu joogaa. Xaaladda aannu ka hadlayno waxa weeye Guddoomiyaha gobolku hawshii loo soo igmaday wuu gees-maray, Jabuuti ayuu galaa, xaaladda Xadka Jabuuti u xidhan yahayna isagaa u sabab ah Badhasaabku, sababta oo ah Warbixinta lagu xidhay waa mid halkan ka tegtay, isagaa qaada sidaannu aamminsannahay. Dadka reer Jabuuti waa walaalahayo, dhibaatadooduna waa dhibaatadayada, dawladdooda iyo shacabkoodaba hadday dhibaato ku dhacdo inaannaan annaguna badbaadayn baan u aragnaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibaar oo shalay Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.
Waxaanu intaas ku daray; “Hadduu Maalin joogo Guddoomiyaha gobolka magaalada Saylac, 17 Xildhibaan ayaa degmadan ka soo baxay, Badhasaabkuna 18 buu ku yahay 17-ka Xildhibaan, Xafiis malaha, Hoolkayagaa u Xafiis ah, Guddoomiyihii hore ayaa ugu dambeeyey Xafiiska. Markaa, waxaan leeyahay 17-ka Xildhibaan ee laga doortay deegaanka 18-aad buu ku yahay. Waxaannu leenahay dad hawsha wadi kara halloo soo diro hawsha, ka degmada ee hawshiisa ka seexdayna annagaa arrintiisa geli oo doorannaye.”
Xildhibaanku Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha ayuu Baaq u diray, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha gudaha waxaan leeyahay wax maamul gobol ah oo Saylac ka dhisani ma jiro, waxaan leeyahay hallaga fiirsado dadka Maamulidda gobolkan loo soo dirayo, waayo? Waa Xuduud waa meel maamul fiican oo nabadgelyada labada waddan iyo xidhiidhka labada dal iyo labada dadba ilaaliya, markaa baaqaygan yaan la dhayalsan ee wax hannalala eego waxa jira.”
Haddaba, si aannu xogo dheeraad ah uga helno warkan waxa uu Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay warkan wax kaga weydiiyey isla Xildhibaanka eedayntan soo jeediyey, waxaanannu weydiinnay waxa uu ku caddaynayo eedamaha culus ee uu u jeediyey Badhasaabka gobolka Selel, waxaanu ku jawaabay; “Waxaan ku caddaynayaa Badhasaabku Xilkii Somaliland u soo diratay ma qabto, saddex cisho marku Jabuuti ku maqnaado, maalin iyo labuu hurdaa Saylac, ka dibna wuu ku noqdaa, markaa shaqo uma hayo Somaliland, Xafiis malaha, guriga Martida ayay geli jireen Masuuliyiintii ka horreeyey oo ku shaqayn jireen, kii wuu xidhan yahay, Guri Waxbarashadu leedahay, ayuu deggan yahay, kaasna shaqo kuma qabto ee markuu dhawr cisho Jabuuti ku maqnaado ayuu u soo hurdo-tegaa, maalinta uu joogana 17-kayaga Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ayuu 18 ku yahay.”
Xildhibaanka oo jawaabayey su’aal aannu ka sii weydiinnay oo la xidhiidhay in qof weliba Jabuuti hawl u yeelan karo oo xataa isagu Xildhibaan ahaan uu tego amaba uu tegi karo, tegista meel hawl loo yeeshay iyo gudashada waajibaadka shaqaduna isku xidhnayn, markaa waxa ay tahay sababta uu sida gaarka ah ugu durayo Guddoomiyaha, waxa uu ku jawaabay; “Waa run qof kasta oo dani ka gasho Jabuuti wuu tegi karaa iyo meel kaleba, laakiin maalin, laba iyo saddexba haa, toddobaadka maalmaha toddobada ah ee uu ka kooban yahay marka la qiimeeyo inta badan Guddoomiyaha Selel Jabuuti ayuu ku maqan yahay, inta uu joogana Golahayaga ayuu xasarad ula joogaa, ee shaqo iyo hawl uu Somaliland iyo gobolka midna u qabtaa ma jirto. Guddoomiyaha gobolku wax yar maaha waa Madaxweynihii gobolka, waa inuu noqdaa qof la socda xaaladda deegaanka iyo dadka ku dhaqan iyo amnigaba.”
Mar uu ka jawaabayey Xildhibaanku waxa ay tahay xasaradda iyo faro-gelinta uu ku eedeeyey inuu Guddoomiyaha gobolku ku hayo golaha Deegaanka Saylac, waxa uu yidhi; “Xafiisii Guddoomiyaha Gobolku ma shaqeeyo Masuul fadhiista Guddoomiyihii hore ayaa ugu dambeeyey, inta badan Jabuuti buu iskaga maqan yahay, maalinta uu joogana Annaguu 18 nagu yahay oo Golahayaga ayuu fadhiistaa. Maayerkan Magac-u-yaalka ah ayuu garab-fadhiyaa.”
“Maalin dhawayd gacanta ayaannu isula-tagnay oo waa nala kala gaadhay, waayo waannu ka shaqayn kari waynay. Xoghayaha dawladda hoose oo jooga oo Sharcigu u oggol yahay inuu fadhiyada Golaha fadhiyo ayuu yidhi ka saara Hoolka, mar ay noo timi Hay’adda UNICEF shalay (Dorraad) oo aannu arrimo biyaha iyo waxaas la xidhiidha ka wadahadlaynay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kibaar oo sii watay jawaabta uu su’aashaas ka biiyey.
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay Guddoomiyuhu maaddaama oo uu Masuulkii ugu sarreeyey ee gobolka yahay inuu Golaha deegaanka la shiri karo oo ay isa fadhiisan karaan si uu hawlohooda iyo wada shaqaynta ka dhaxaysaba ula socon karo, markaa waxa ay tahay sababta uu u diiddan yahay taas, waxa uu yidhi; “Waa sax wada-shaqayn baa naga dhaxaysa, waannu wada shiri karnaa, wuu noo yeedhi karaa, waanu noo iman karaa, waxna waan is-weydiin karnaa, laakiin Sharciyan Shaqada waannu kala leenahay, Shaqadayada marku faro-geliyo ee uu Xoghayaha Sharciga ah ee saddexda Xubnood ee Fulinta ka tirsan dibedda u saarayo, waa awood dheeraad iyo faro-gelin, arrimo badan oo kale oo aanan immika doonayn inaan ka hadlo oo deel-qaaf ah oo Guddoomiyuhu nagu hayaana way jiraan, markaa intaas baan kaaga sheegi karaa.”
Sidoo kale, Maayerka Saylac ayuu Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibaar ku eedeeyey awood-maroorsi iyo xil-gudasho la’aan, waxay tahay xil-gudasho la’aantaasi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa uu ku jawaabay Xildhibaanku; “Degmada Saylac Biyihii Baddaa ku soo jabay, Guryo dhan baa sabbaynaya, Xaafado dhan baa aqalladoodii ka qaxay oo Biyaha Badda ee soo fatahay buuxiyeen, Anigaygan idinla hadlaya saddex Reer oo Guryahoodii ka soo qaxay ayaa Gurigayga jooga, Saxaafadduna way soo arki kartaa. Magaaladuna waa bilaa biyo oo Booyado ayaa loogu dhaamiyaa, Ceelkii magaaladu ka cabbi jirtayna Mishiinkaa ka xumaaday, Maayerkuna ma oggola oo wuu ka werwereegayaa in dadka iyo magaalada wax loo qabto oo dhibaatooyinka jira wax laga qabto. Fadhiyadii Golaha waa la joojiyey oo saddex xilli-fadhiyeed maannu fadhiisan, Badhasaabkuna isagaa mua’amaradeeyey oo yidhi khilaaf baa jira, Mooshinkii aannu soo gudbinnay ee Sharciga ahaana is-hor-taagay.”
“Mishiinka Ceelka magaaladu ka cabbi jirtay bil iyo dheeraad buu immika fadhiyaa, waa la dayac-tiri karaa, ma oggola Maayerku. Laba Booyadood baan u yeedhnay oo magaalada Biyaha u dhaamiya oo ka soo dhaamiya Ceelka la yidhaahdo Bariisle oo 28 KM u jira Saylac, una dhaw Lawya-caddo oo 3KM u jiro. Taladii Golaha ayuu maroorsaday, Xeerka Golayaasha deegaankana waxa ku qoran inuu fuliyo wixii goluhu isku raaco oo ku hoggaamiyo, cid uu wax kala tashanayaa ma jirto, cid uu wax weydiinayaa ma jiro, cid uu wax ka qaadanayaana ma jirto. Fadhiyana ma jiraan, saddex fadhi haddii la fadhiisan waayo fadhiga afraad in xilka laga qaado Maayerka haddii aanay jirin sababo cadcad oo la isla wada ogyahay oo fadhiyadu u baaqdeen, in xilka laga xayuubiyo ayuu sharcigu dhigayaa. Mooshinkaannu ka soo dhignayna Badhasaabkaa is-hor-taagay. Markaa, Wasaaradda arrimaha gudaha waxaannu ka dalbanaynaa inay na soo kala gaadho Maayerka.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Kibaar.
Guddoomiyaha gobolka Selel iyo Maayerka magaalada Saylac ayaa Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo Xalay isku dayeen inay arrintan wax ka weydiiyaan, hase-yeeshee, Badhasaabka way noo suurageli wayday inaannu helno Teleefankiisa gacanta oo xidhnaa ama demsanaa darteed, Halka uu Maayerka oo aannu Taleefanka ku helnayna ka gaabsaday inuu ka hadlo warkan, isla markaana waxa uu ku cudur-daartay inaanu wakhtigaas ka hadlayn, balse maalmaha soo socda uu ka hadli doono