Hargaysa(Hubaal)-Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada ku edeeyay inuu Diiday Waraaq uu madaxwayne siilaanyo u soo diray oo Beelaha Gabooyo Kooto loogu xidhayo in ay ka Mid Noqdaan Golaha Wakiilada.
waxa uu sheegay In Codsigaasi Wali Horyaalo Cabdirxmaan,Laga rabana inuu fuliyo inta uu Midho Cirka ku laalan u balan Qaadayo Beesha Gabooye.
Xildhibaanku waxa uu ka xisbiga wadani ku edeeyay inaanu ahayn Xisbi U bisil Siyaasada,yahayna Xisbi siyaasada ku jiray mudo ku siman 2sano oo kaliya,una baahan waayo aragnimo.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Tariikhda Xisbiga Kulmiye iyo Sida uu Qaranka Somaliland markasta xiligii ay mucaaradka ahayeen u bad-badiyeen iyo Intii Mudo kordhin ee soo martay xiligii Daahir Riyaale.
“Madaxwaynaha somaliland waxa uu soo qoray Qorshe uu doonayo inuu ugu meel Mariyo In kooto loogu xidho beesha gabooye Baarlamanka ayaa lakeenay,hadana waxaan idiin sheegayaa golaha Mucaarid iyo Muxaafidba wuu iskugu yimadaan,waxaana hogaankiisa haya Mucaaradka,waxaanan leeyahay inta Aad balan qaadayso wax soo socda oo Midho Cirka ku laalan Ah oo cid kale Hayso,Kii Madaxwayne siilaanyo kuu soo gudbiyay ee kootada Ahaa Bal meel kaga waran,Halkay ku danbaysay arinkii madaxwaynahu kuu soo gudbiyay ee ku yidhi beesha gabooye qorshe haloo sameeyo,waxa ay ku dhimatay Gacanta Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdiraxmaan Ciro.
Intaas waxa uu ku daray Xildhibaan Cali Mareexaan isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi.
“Xisbiga waddani Maaha xisbi Mucaarada oo kaliya,waa xisbi dhana dawladii kagag jira dhana mucaarad ka ah,waana xisbi Saddexdii Gole Mid ka mid ah ka Madax Ah,Waxaan uu sheegay cabdiraxmaan Ciro in Dawladiisa sii Socda Ka dhigi Doono wasiir Taas Halkan ii dhig,Tii heerka ahayd ee waligeed lagu dhaqmi lahaa laguna kala bixi lahaa xaga uu geeyay hala waydiiyo cabdiraxmaan Ciro,Inta Aad dawlada soo socota aad sheegayso wasiir ka siin doonto kootadii madaxwaynahu siiyay halkeed kaga warantay bal ka shekee.
Dhinaca kale waxa uu ka waramay Arinta Doorashada ee muranka Badani ka taagan yahay ee isaga oo sharaxay Xiligii ay Mucaaradka Ahaayeen intii Mudo korodhin ee loo sameeyay Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin.
“Inta badan waxaad warbaahinta ka maqashaan Axsaabta Mucaaradka oo leh Xisbiga Kulmiye xiligii uu Mucaaradka Ahaa waxa uu odhan Jiray Dawlada ayaanu dhisaynaa Doorashada Maalin Lagu Dari mayo waad aragteen iyaga oo leh mucaaradku Tariikhdaasi Tariikh been ah weeyaan,waxaana beeninaya waxa aynu soo marnay dadkuna hada may dhalan ee way joogeen,kulmiye waxa lasameeyay Bishii May 2002dii Doorashadii Madaxwaynahuna waxa ay dhacday April 2003dii Doorashadaasna waad ogaydeen Oo 80 Cod ayaa lagaga Helay ayaa layidhi,Kulmiye ayaa isku yimid oo Maxaanu yeelnaa Ayaa layidhi waxa layidhi inaga oo qaranka eegayna Aynu halkaas ka Baxno.
Intaas waxa uu raaciyay.”Tariikhdana may dhicin wali xisbi 80 cod Aduunyada lagaga helay oo ka tagay Shan Sanadood ayuu sugayay Doorasho uun 2008dii Bishii April ayaa la kordhiyay sanad Buuq ayaa dhacay Madaxtooyada ayaa la iskugu tagay ragii Xisbiga Kulmiye u matalayay ayaa tagay Markaas ayaa layidhi maxaynu yeelnaa Hadana Madaxtooyada dhexdeeda ayaa baaq lagu soo wada saaray oo layidhi aynu sugno hadana,Hadana April 2009kii ayaa hadana Lix Bilood la kordhiyay,waxaana hada layidhi Doorashada waxa ay dhacaysaa 29 Siteenber 2009ka,Hadana Doorashadaas Digreetada Daahir Riyaale ku Soo saaray May dhicin oo waxa hadana la kordhiyay ilaa inta ay doorasho ku qabsoomi karto oon cayinayn.
Labada Xisbi Mucaarad ee waddani waxa uu ku sifeeyay Xisbi Bisayl La’aani ka haysato Dhinaca Siyaasada Ahna Xisbi Ku curdin Ah oo u baahan Waayo Aragnimo.
“Saddex jeer ayaa la kordhiyay 2003diina 80 cod ayaa xisbiga kulmiye lagaga helay kulmiye intaas oo dhan waxba muu samayn ee wuu sugayay,Sagaal Sano ayay kulmiye mucaarad ahayeen oo sugayeen Doorasho uun,Xisbiga Labada Sano oo kaliya jiray ee aan doorasho galin eel eh hadii maalin lagu daro cirka iyo dhulka ayaa isku dhalaalaya waxaasi maaha bisayl siyaasadeed ee waa nugayl cidba wali ismay Gaadhin,Xisbiga Kulmiye Muudhaaran Jirin Markaad Sagaal Sano joogto hadaad cadhooto waa laguu garaabi lakiin adoo laba sano joogay oo dawladiina badh haysta hadaad saliid iyo biyaha isku darto waa dawakhaad.