XIKMADA MAANTA: (Bal Maan Dhulkaba Qoto, Dhirtu Hay Magooshee)-Qalinkii: Akram Rashiid

0
122

Sheeko xikmad xabaarsanoo laga qoray wiil soomaaliyeed oo dagan dhulka soomaalidu dagto ayaa u dhignayd sidan:

Sideed jir ayaan ahaa markaan bilaabay barashada dugsiga h/dhexe ilaa intaan ka gaadhayey ee aan ka qalin jabinayey heer jaamacadeed.

11063252_915505298470673_1134362800_nMuddo 16 sanno ah ayey igu qaadatay wakhtigaa aan waxbarashada ku jiray ilaa heer jaamacadeed waxayna ku beegneyd sannadii 2012, mudadii aan wax baranayey macalimiintayda iyo madaxda wadanka ee mararka qaar nagu soo booqan jiray goobaha waxbarashada waxay nagu dhiiri galin jireen waxaad tihiin “dhalinyarada barri” waana kalmada yidiidiilada i galin jirtay taas oo sababtay inaan darajo fiican kaga gudbo dhamaan imtixaanadii waxbarashadayda ee aan soo maray.

Xaflad casho sharafeed ahayd oo ay noo qabatay xukuumada wadanku ayaa dhamaan khudbadihii laga jeediyey waxay iskugu soo urureen waxaad tihiin “dhalinyarada barri” waxaan is waydiiyey oo aan garan waayey goorta aan gaadhayno “dhalinyarada maanta” waxa la igudoonsiiyey shahaadadaydii oo takhasuskeegu ahaa culuumta computerka (IT) shahaadadaas oo aan aad u xiisaynayey sababtoo ah waxa qorshahayga iigu jirtay inaan ku shaqaysan doono, hayeeshee waxa lama filaan igu noqotay in shahaadadaydii meeqaamkeegii hoos maray xashiishka, dhag umaan dhigi jirin dadka yidhaahda shahaado wax laguma helo ee waxaan naftayda ka dhaadhiciyey in qadarka ALLE mooyee shahaadadayda la qiimayn doono, balse waxay dadku odhon jireen ayaa rumoobay, cir iyo dhulba maray si aan u shaqo galo balse wajigabax ayaan kala kulmay dhamaan dhulkaan maray ee dawlad lahayd ee bareefad ahayd.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “nin buka boqol u  tali” waa markay iigu darnayd ee talooyin kala gadisan oo faro badan dhagahayga laga buuxiyey talooyinkaa waxa ka mid ahaa: ninyahaw tahriib, mayee gaadhi iibso , mayee goodhi yar furo, ta  ugu darnayd ee aan ku lumi gaadhay waxay ahayd is sharax oo siyaasada gal waad soo baxaysaaye, shilimadan ay igu arkayaana waa baloodh qoysku ii iibiyey markaan kob cagaar le ka soo doogsan waayey.

Markay halkaa xaaladi ila marayso ayaa waxa ii yimid abtigay oo daga tuulo u dhaw magaalada, waxaanuu isiiyey dardaaran dhaxal gal ah, waxaanay u dhignayd sidan: abti laba hal kala dooro in saymo aan ALLE ku badin iyo siyaasad aad dhex milanto oo dadkuna kugu nacaan aad dhex gasho iyo inaad beertiinii aad lacagtan kula noqoto oo aad wax beerato ana waan ku garab qabane, waxaanan qaatay taladii abtigay, taladiisiina waan ku guulaystay.

Waxaan ku tiraabay intaan baaxad soorayey “Bal maan dhulkaba qoto dhirtu ha ii magooshee”

Qalinkii: Akram Rashiid

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here