XIISAHA HUBAAL: Magacyada 102 Ciyaar Yahano Muslimiin Ah Oo Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Iyo Dalalka Ay U Kala Ciyaarayaan+SAWIRRO

0
335

Koobka aduunka ee maalintii shalay ka bilaabmay dalka Brazil ayaa noqonaya kii ciyaar yahanada ugu tirada badan ee muslimiinta ahi ka qayb galaan taariikhda, sida wargaysyada dunida ee ciyaaraha ka faalooda soo qoreena waxa ka qayb galaya boqol iyo laba ciyaar yahan oo muslimiin ah.
Sida jariirada Sunrise ay ku warantay sadexda kooxood ee Algeria, Iran iyo Bosnia Herzegovina, ayaa iyagu dhmaan ciyaar yahanadoodu yihiin Muslim, waxa sii dheer ilaa sideed kooxood oo kale oo ciyaar yahano muslimiin ahi ku jiraan, waxaana marka cel celis ahaan la eego ay noqonaysaa in sadex meelood ku dhawaad kooxaha ka qayb galaya koobka aduunka.
Tirada guud ee ciyaar yahanada ka qayb galaya koobka aduunka ayay laacibiinta muslimiinta ahi ka noqonayaa boqolkiiba laba iyo labaatan cel celis ahaan.
Dalka Algeria ayaa isagu ah waddanka kaliya ee carbeed ee ka qayb galaya koobka aduunka 2014-ka eek a dhacaya dalka Brazil, waxana isu gaynta guud ee u diiwaan gashan koox kasta oo ah 23-ciyaar yahan, dhamaantood kuwa reer Algeria yihiin Muslimiin.
Dalalka Bosnia Herzegovina iyo Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran, waxa iyagana matalaya laaciibiin muslim ah, waxa soo raaca, xulka Qaranka Ivory Coast oo ay ku jiraan (8 Ciyaar yahan), kuwaas oo kala ah, Abu Bakr Barry, Suleiman Bamba, Osman Vieira Daarassoba, Habib Kolo Toure, Ismail Diomanda, Yahya Toure, Sheikh Ismail Taote, Salomon Kalou.
Dalka Ghana waxa ku jira todoba ciyaar yahan oo muslimiin ah kuwaas oo kala ah, Rashid Somalia, Andre Ayew, Rabiau Mohammed, Suleiman Ali Muntari, Acasso Mubarak, Jordan Ayew, Abdul Majeed Waris.
Xulka Qaranka Faransiiska waxa isna ku jira afar ciyaar yahan oo muslim ah, kuwaas oo kala ah, Bacary Sagna, Mamadou Sako, Moussa Sissoko, Karim Benzema.
Dalka Belgium ayaa isna afar laacib oo muslimiin ahi ka mid yihiin, waxaanay kala yihiin, Nasser Chadli, Moussa Dembele, Marouane Fellaini iyo Adnan Aanusaa.
Xulka Qaranka Switzerland isna waxa ku jira 3-Laacib oo kala ah, Sheridan Shaqiri, guard Seferovič, Admir Mohammadi.
Dalka Germany waxa isna ku jira laba ciyaar yahan oo muslim ah kuwaas oo kala ah, Mesut Ozil iyo Sami Khedira.
Cameroon ayaa isna laba laacib oo muslim ahi ka mid yihiin xulka qaranka dalkaas uga qayb galaya koobka aduunka, waxaanay kala yihiin, Aurelien Chedjou, Vincent Abu Bakr.
Naigeria waxa isna ku jira laba ciyaar yahan oo muslim ah oo la kala yidhaahdo, Ramon Aziz iyo Ahmed Musa.
Dalka Martida galinaya ee lagu qabanayo koobka aduunka 2014-ka ee Brazil isagana waxa xulka qarankiisa ka mid ah, hal ciyaar yahan oo muslim ah, kaas oo lagu magacaabo, (Fred).
Waxa intaa sii dheer labo ciyaar yahan oo ka mid ah laacibiinta dunida ugu magaca dheer oo ka hadhay isla markaana aan ka soo qayb galin koobka aduunka kuwaas oo kala ah Franck Ribery iyo Samir Nasri.

Diyaariye: Feysal Maxamed Xasan

Soo-saaraha Barnaamijka MASALLOOYINKA XIISAHA LEH

Wargeyska SAXAFI

152

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here