Waa erayo laga dheegtay hore oo uu ku luuqeeyo Xassan Aadan..Islamarkaana nin sameeyay aan la tilmaami Karin maadaama aanay erayadu ahayn kuwiisii cudoonaa ee ay yihiin kuwo nin cadhaysani Candadawlay…
Ninkan cadhaysani waa Colkii Kulmiye ku wacad-furay eek u badalay raggii ay isku eedeen ololaha..haddii intaas uun lagu daayo’e, waliba ciidan RRU ah ayaa tababar iyo wax ay ka ahaydba saqdhexe miray. Isagoo cadhadaas qaba ninku ayuu maqlay hees Cindi Nuuriyaay ay ku jirto oo barwaaqo iyo xulasho ujeedadeedu ku aroorayso. Qofkii garanayaa ayaa heeskaas la doonan codka’e, ereyaddii la cadilay waxaa ay u dhigan yihiin sidan:
Codayn loo bixiyo
Cugashiyo Axsaab
Cidlo la isla tagay
….. ….. …..
Cudud la is tusiyo
Calaf la isku diro….. Cayaar
…. … … …
La is caydhsadoo
Cidna loo tudhayn
Cirkaa la isla maray
…
Cuud kaan gashee
Gaar u calmadee
U Cumaamadee
Cududana u huray
…. … .
Anoo Caana sugi
Caweyskii markii
Ciidan gaal-watoo
Cunaha duubaniyo
Col habeen I galay
Caruurtii sastoo
Haween la cadibyoo
Is ciil-kaanbigii
Cimilada badalan
Waxaan caaridiyo
Cay inaan faraqo
Iska Caabintii
Caqligaa I faray
Cidlaa la’I dhigoo
Waa cadho darteed
….
Dal la caydhiyoo
Cilmi lagu hagayn
Dadka cabanayiyo
Bukaan caato qaba
Ceegaagsanyiin
…
Caynadaas shacbi ah
Xisbi sii caddiba
Calamashada anaa
(Kulmiye )
Intaan la cajabay
Cajabay anaa dirtee
Caadil kaan bidow
Curad baaqdayow
Naftii ku calmataa
Hadda caajistoo
Cagtaad daalisaa
Cidba kuu necebee
..
Caashaqii… la laabyoo
Calool sami dhamaatee
Ha halmaamin ceebahaa
Ha halmaamin ceebahaa
QALINKII: Mustafe Sheekh Cumar