Xiisadda Ka Taagan Gobolka Awdal oo dibada soo dhigtay Faaruq-nimada xukuumadda Siilaanyo

0
29

Wasiirradii Xalinta Kacdoonka Siyaasaddeed loo diray oo ka fad-kudiyey Kalkata iyo Mucaaridka oo ku hurgufay

Boorama(GNA/Hubaal)-Shaqaaqada todobaadyadii u dambeeyay ka alloosan Magaallo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo Degmooyinka xuduudka Itoobiya ku yaalla ee Boon iyo Qal-ujeed,  ayaa dibada soo dhigtay Mulaaqa Maamul-xumo ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hadheeyay, kaddib markii ay Wasiirro dejinta xaaladdan loogu diray Gobolkaasi, ka fad-gudiyeen meello aan laga filayn, isla markaana Warbaahinta ka sheegeen  hadalo isburinaya oo ku saabsan sababta ay halkaa u joogaan.

BooramaWasiirrada Xukuumaddu u dirtay soo afjarida xiisada Siyaasaddeed ee xudunteedu ay salka ku hayso tabashada Beesha Gobolkaasi ka qabto Dawladda, oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiirka Duulis Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa laba xubnood oo shalay Warbaahinta la hadlay ay socdaalkooda ujeedooyin cusub oo aan markii hore qorshaha ugu jirin ku lamaaneeyeen, taasoo sida ay tilmaamayaan dadka u dhuunta daloola xaaladaha Gobolku ka dambeysay, kaddib markii ay ku qaraxday xiisada Gobolka oo ay dhowrkii casho ee la soo dhaafay isku dayayeen inay nabad-gelyo ku soo dabaal, iyagoo ciidamo xad-dhaaf ah dul-dhigay deegaamadii xurguftu ka soo bilaabantay.

Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Maxamed Xaashi Cabdi oo sida la sheegay Weftiga Wasiirrada ah abaan-duulle u ahaa, ayaa shalay Waraysi uu siiyay Warbaahinta Gobolka ku sheegay in socdaalkiisa Boorama ku qotomay sidii u u soo kormeeri lahaa Madaarka Dayacmay ee Magaalada Boorama oo ay horaantii sanadka Dadweynaha gobolku isku dayeen inay dib u dhis ku sameeyaan, hase ahaatee ilaa hada wax iska bedelay jirin.

Wasiir Xaashi ayaa  markii u horaysay socdaalkiisa boorama ka soo muuqday Shaashadaha warbaahinta, isagoo ka calaacalaya  dib u dhaca Madaarka oo uu ku tilmaamay Garoon qadiimiya oo ay wakhtiyadii hore soo fadhiisan jireen diyaaradaha yar-yar ee Rakaabka kooban qaadaa. “Waan ku faraxsanahay Maanta in aan socdaal shaqo ku imaado, Anniga [Maxamuud Xaashi] iyo Masuuliyiintii kalee Golaha Wasiirada ahayd ee Weftiga aanu wada ahayn..”. Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadda Siilaanyo Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ah Kooxda Wasiirrada ee Magacyoodu kor ku xusanyihiin, ayaa hadlay ujeedka dhabta ah ee uu ku qoto Booqashada todobaadka ay ku joogaan Boorama.

“Waxaanu halkan ka bilawnay Xogogaal u noqoshada arintan, iyadoo aanu aad iyo aad u ixtiraamayno magaca dhaqanka Salaadiinta oo runtii dalkeena ku culus ayaanu Beesha Suldaanku ka soo jeedo iyo Beelaha kale ee Gobolka degan ba arintaas hawsheeda aanu Xukumad ahaan la galay sidii ay ugu wanaagsanaan lahayd ee ay ugu haboonayd, ilaa haddana meel aad u fiican bay noo maraysaa” ayuu yidhi Wasiir Abgaal.

Wasiirka Boosuhu waxa kaloo uu intaasi raaciyey  “waa markii u horreysy ee la dhegeystay dadka gobolka ,waana dawladdii u horesay ee dhegeysata awalba way jireen cabashooyinkuye ,madaxweynuhu toddoba wasiir ayuu u saaray ,anaa ka mid ah ,21 kalfadhi ayaan yeelannay  ,xaqoodiibaa la raadinayey anaa wasiir ka ah , arrinkaas oo halkaa yaalla oo madaxweynaha horyaalla ayaa  dhawaqaasi kasoo yeedhay suldaanka. dhawaaqaasi  waa oof wareen, wuxuuna oofwareen ku yahay oo kale shirka  gedebuursi u ballansanaa.  walaalayaal waxan aaminsanahay inaan nahay dad intan ka muddo karsan in si fudud ereyo fudud oo micno culus lihi kasoo baxo,” ayuu ku baanay Wasiir Abgaal.

Dhinaca kale,  Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed oo shalay ka hadlay Khilaafka rabshadaha dhaliyay ee ka aloosan Gobolka uu madaxda ka yahay, ayaa si toos ah ugu canaantay xukuumadda talaabada Milateri ee ay kaga jawaabtay dhawaaqii ka soo yeedhay Suldaanka Gobolka ka soo jeeda.

Cabdoo Axmed Aayir ayaa ku doodday inay Suldaan Wabar ka dhaxaysay Saaxiibtinimo shakhsi ah, balse waxaanu ka filayni ka soo yeedheen isagoo aan Gobolka joogin, hase yeeshee aanu hadana u bogin qaabka ay Xukuumaddu uga fal-celisay arrintaasi. “waxaan u arkaa in  arrinka Gobolku Miisaankii lagaga howl geli lahaa aanu lahayn, howshaana waxa gacanta ku haya wasiirradii xukuumadda iyo deegaankii uu Suldaan Wabar ka soo jeeday”ayuu yidhi Badhasaabka oo si dadban u dhaleeceeyay Ciidanka Gobolka la dul-dhoobay.

Hadallada isdhaafsan iyo ujeedooyinka kala socda ee ka soo baxay Masuuliyiintan, ayaa muujinaya sida aanay u wada socon madaxda xukuumaddu, isla markaana u jirin  qorshe maamul iyo mid siyaasaddeed oo ay kula tacaamilayaan shacbiga Gobolka ee ay  tabashadu gayeysiisay go’aanka qarannimada Somaliland ka hor-imanaya ee ay ku dhawaaqeen xubno ka mid ah ee hada la raadinayaa.

Sidoo kale waxa kala aragti duwaanshiyahani muujinayaa inay Wasiirrada xalinta howshan loo xilsaaray ay faro-madhan ka taagan yihiin shaqadii loo diray, dhawaaqyada ka soo yeedhayaana ay salka ku hayaan sidii ay isaga dul-qaadi lahaayeen waji gabaxa ay kala kulmeen Bulshada reer Awdal oo iyagoo saddex maalmood dhex joogay shalay ku mudaharaaday.

Mucaaridka oo dhaleeceeyay

Dhinaca kale, Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa si kulul u dhaleeceeyay talaabada  ciidamada ammaanka ee loogu  isticmaalay shaqaaqada Salmiga ah ee Magaalada Boorama shalay ka dhacday, iyagoo tilmaamay inaan loo baahnayn in awood ciidan lagu muquuniyo dareenka kacsan ee Shacbiga Gobolka, loose marin lahaa xal u helida Mushkillada mudaharaadka dhalisay wada-xaajood lala yeesho dadka ku lugta leh xudunta Khilaafka.

Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka, oo hada ka mid ah madaxda Xisbiga Waddani oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaaday inay xukuumaddu Jawaab guran ku waajahday xurgufta siyaasaddeed ee ka soo duushay hogaan dhaqameedka reer Awdal, qaybna ay ka tahay abuurista xaalada qalafsan ee bulshada gobolka wada saamaysay.

“Marka hore waxa ay ila tahay in loo daayo dadka Awdal jooga in ay arinta hawsheeda galaan,hadii ay dhamayn  kari wayaan arinka waa in ay somaliland oo dhan kasoo qayb gasho,uma arko in Wasiirro loo diro oo waliba halkaas ay tagaan iyaga oo Ajihanib ku noqon kara,Somaliduna waxay tidhaa lafba lafta ku xigta ayaa lagu kabaa,in Ciidamo Suldaanka loo dirana waxaan u arkaa in bulshadii halkaas daganayd la kicinayo”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo dhacdadan iyo xiisada bariga maseeyay“waad arkaysaan xaalada ka taagan Bari,hadii maantana lagu daro gobolada galbeed”.

Dhinaca kale Cabdirashiid Xasan-mataan, oo rabshadaha Gobolka Awdal ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ka hadlay, ayaa yidhi“Anigu Qof ahaan waxaan qabaa in ay somaliland jirto,shacabka reer Awdalna intooda badani waxa ay qaban in ay somaliland jirto,somaliland wada-jirka ayay wax ku tahay,gobolka Awdalna shalay ayuu hogaaminayay dalka somaliland,tabashu way jirtaa oo markii uu xilka hayay Daahir Riyaal tabashadu way jirtay,lakiin waxaan meesha qaban xukuumada iyadu doonaysa in ay dalka khal-khal ka abuurto,bari ayaanu og-nahay xaalada uu ku sugan yahay,hadii Hargaysa laba qof soo baxaan oo yidhahaan dareen ayaanu muujinaynaa waad arkaysaa sida loo galayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here