Xaflad Sagootin Ah Oo Jaaliyada Somaliland Ee Minnesota U Sameysay Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Safar Ku Joogay Maraykanka

0
41

Minneapolis(Hubaal)Jaaliyada Somaliland ee gobolka Minnesota ayaa xalay u samaysay xaflad aad looga soo shaqeeyey iyadoo ay ka soo qaybgaleen tiro badan oo jaalyada kamid ah iyo madaxda jaaliyada oo iyana simuuqata u joogay madasha xaflada,waxaa xaflada oo horeba loosoo buuxyay yimi isna m/weyne ku xigeenka iyo wasiiru dawlaha waxbarashada iyo Prof.Axmed Ismaaciil Samatar iyo Abu bakar Jibriil oo isna ka tirsan golaha dhexe ee Kulmiye.

 ke1

Xaflada waxaa lagu furay aayado Quraanka Kariimka oo uu akhriyay Sheikh Cabdinuur Barkhad intaa ka dib waxaa mikrafoonkii lagu soo dhaweeyey Prof. Axmed Ismaciil Samatar oo halkaa ka jeediyay kelmado isugujira guubaabo iyo waano uu u soo jeediyay guud ahaan jaaliyada Somaliland ee gobolka sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen oo ay qabyaalada iyo kala qaybsanaanta isaga saarilahaayeen si ay horumar u gaadhaan lahaayeen isla markaana ay khayrkood ula tartamilahaayeen,sidoo kale waxaa uu mahadnaq u soojeediyay waftiga uu hogaaminayo Md Zaylici.

Waxaa isna madasha ka hadlay Wasiiru dawlaha waxbarashada Md Axmednuur Faahiye oo u mahadnaqay jaaliyada Minnesota iyo guud ahaan jaaliyada Maraykanka sidii qadarinta lahayd ee ay u soo dhaweeyeey dhamaantoon,waxa kale oo ku dheeraaday talo uu u soojeediyay jaaliyada sidii ay qabyaalada isaga ilaalinlahaayeen iyo sidii ay uga qayb qaadanlahaayeen horumarkeeda.

Ugu danbayntii waxaa hadalkii qaatay m/weyne ku xigeenka oo aad uga mahad celiyay soo dhawayntii iyo sagootintii qiimaha lahayd ee jaaliyadu u samaysay waftigsa,waxa kale oo uu kula dardaarmay jaalyada inay midoobaan isla markaana ay aqoonta iyo ilbaxnimada ay dalkii keenaa iyo sidii ay uga qaybqaalan lahaayeen baabi’inta wixii khalad ah ee mujtamaceena ka dhexjirta.

Intaa ka dib waxaa bilowday dhankii fanka iyo heesihii oo lagu bilaabay labada heesood ee Somaliland iyo Maraykanka.Waxa waftida iyo martidaba ku maaweelinayay heeso wadani iyo kuwo debecsanba fanaaniinta loogu jecelyahay dalkan Maraykanka waa Layla Kootani Iyo Maxamed Shimbir.

Xaflad waxay ku soo gabagabowday jawi farxad iyo rayraylem oo dhamaanba ka muqatay dadkii goobta ka soo qaybgalay iyadoo markii danbena lasagootiyay waftigii oo saacado yar kadib ka u dhoofayay dalka Canada ee aanu jaarka nahay oo indhawaydba aad loogu diyaargaroobayay soodhawaynta waftiga.

Diyaariye…Weriye Saciidjamaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here