Xabbaddii Dunida Gilgishay! – W/Q. Cabdalla Xaaji Cismaan

0
72

Bishii Oktoobar ee aynnu ka soo gudubnay baan ka mid noqday akhyaartii lagu martiqaaday  Toddobaadka dhaqanka Soomaalida ee London (Somali Week Festival) ee lagu qabtay magaalada London.

 maqaal

Bandhigga oo ah kii (8) siddeedaad ee la qabto waxa soo qabanqaabiya ururka  KAYD SOMALI ART oo ay madax ka tahay gabadha la yidhaa Ayaan Maxamuud Cashuur. Wax yaabihii fagaaraha lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa buugaag fara badan oo Ingiriis iyo Soomaali ba ku qoran. Habeenkii la soo gabagebeeyey baan nasiib u yeeshay inaan iibsado buugga cinwaankiisu yahay, XABBADDII DUNIDA GILGISHAY  oo ay qortay marwada la yidhaa, Shukri Aaden Shire, soona baxay sannadkii aynnu ka soo gudubnay ee 20013kii. Buuggan warkiisu iguma cusbayn oo maalmihii uu soo baxay ba mid  ka mida degellada Soomaalida baan ka daalacday, aadna waan ugu xiiso qabay inuu maruun gacantayda soo galo kana mid noqdo kaydka buugaagtayda. Waayo waxaan ka mid ahay dadka daneeya sooyaalka iyo suugaanta Soomaalida.

Bilawga ay ishaadu qabataba buugganii uu ku soo jiidanayaa, oo tayada samayskiisa ayaa ah heersare. Intaan ogahay aad bay u yar yihiin buugaag Soomaali ku qoran oo sidaa u daabacan. Qoraallo kooban oo ku xardhan buugga korkiisa baa kuu iftiiminaya sooyaalka iyo farriinta uu gudbinayo. Qoraalladaasi waa laba weedhood oo ka kooban Ingiriisi iyo Soomaali oo kala ah. 1) Aaden-Low iyo dhacdadii Walwaal. 2) The Walwal Incident. Waa dhacdo layaab leh oo run ah, hasayeeshee Soomaali badani aanay ka war qabin. Waa sooyaalka Aaden Shire oo loo yaqaannay (Aaden-Low) intii uu adduunkan ku noolaa dhib iyo dheef wixii uu soo maray. Waxa kale oo sooyaalka buuggu xambaarsan yahay soo gelaya dhadooyin taariikhi ah oo ku saabsan waddammo kale oo ay ka mid yihiin, Itoobiya iyo Talyaani dagaalkii dhex maray, Faashitadii Talyaaniga, Yuguslaafia waddankii la odhan jirey iyo qaybo badan oo ka mida sooyaalka Soomaalida aan oo hore waxba laga qorin.

SubmitHaddaba markaan si wanaagsan u akhriyey buuggan baan ogaaday inuu Aden-Low ahaa qof geesiya oo ku sifoobay tilmaamaha raggannimada ee la isla yaqaan, kuwaas oo kala ah saddex, 1) Iga dhaw (Iga celi) oo ah nin aan dhankiisa laga soo dhicin oo cadawga kaa celiya, goor walbana dhinaca xaqa ayuu raacaa. 2) Ii dhiib. Waanin deeqsi ah oo gacan furan.  3) Ii dheh. Waa nin goor walba xaqa ku dhawaaqa oo aan ka gabban amma haddii aad goobta ka maqan tahay kuu hadla. Intaa markaan ka soo gudbo, waxaan jecelahay inaan is dul taago dhawrkii sano ee u dambaysay noloshiisa, gaar ahaan markii xabsiga Afgooye loo taxaabay sannadkii 1969kii.

Aaden Shire, 1967kii ayuu wasiirka cadaaladda iyo garsoorka ka noqday dawladdii uu ra’iisalwasaaraha ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. 1969kii dawladdii Cigaal waxa afgembi ku qabsaday saraakiishii ciidammada oo uu horkacayo Janaraal Maxamed Siyaad Barreh. Wasiirradii oo dhanna waxa lagu xidhan xabsi ku yaal Afgooye marka laga reebo guddoomiyihii baarlamaanka mudane Xaaji Mukhtaar Maxamed Xuseen iyo taliyihii hore ee Booliska Janaraal Maxamed Abshir oo lagu xidhay guryahoodii ku yaal Xamar. Aaden-Low saddex bilood kadib isaga si gooniya ayaa loola dhaqmay. Irbad sun ah ayaa lagu muday ( duray ), jidh dil badanna waa loo geystay oo xitaa waxa uu qori kari waayey waraaqihii uu u diri jiray qoyskiisa, taas oo xaaskiisii Muraayad Xaaji Xaashi shaki ku abuurtay. Irbaddii lagu muday baa sinta u fadhiisatay isla markaana qolkii uu ku xidhnaa baa lagu dhex qalay. Dhakhtarkii qalay madaxweynihii ayaa amar ku siiyey inaan afkiisa laga maqal Aaden-Low baa buka. Bishii feberweri 1970kii, Siyaad Barreh wax uu u yeedhay Shukri Aaden-Low oo markaa dhigan jirtay dugsiga hoose. Nin sarkaala oo qaraabada ka tirsan baa loo soo diray una sheegay in aabbeheed la soo tusi doono, hasayeeshee toos baa loogu geeyey madaxweynaha. Siyaad Barreh waxa uu Shukri u sheegay inay suurtagal ahayn aabbeheed oo la tuso, hasayeeshee uu isaga la soo hadlay aabbeheed kana codsaday inuu hooyadeed ka badbaadiyo, una diro iskuul ku yaal dalka dibaddiisa. Inkastoo Shukri ay gabadh yar ahayd haddana way diidday waxayna ku qayliday, aabbahay ha la I tuso.

Bishii, Abril 1973kii, ayaa xabsiga laga soo daayey oo qoyskiisii loo keenay isagoo aad u xanuunsan garbahana la hayo. Aaden-Low, jidh-dil xoogleh ayaa loo geystay oo ka muuqday, isha midig baa nolosha lagaga soo tuuray, xiniinyaha iyo xubinta taranka waa laga tumay oo ninnimadiisii baan jirin. Dhakhtarradii eegay baa ku taliyey in dibadda loo qaado hasayeeshee Jaalle Siyaad baa qalin cas ka mariyey faylkiisii. Sagaal bilood kadib ayaa qoyskiisu lacag dayna u soo amaahday si dibadda loogu qaado. In dibadda loo qaado uu oggolaaday macallinkii kacaanku, dabadeed maalintii diyaaradda la saarayey cid islaama oo raacda waa looga dhaartay, xitaa xaaskiisii, keligii oo liita ayaa la saaray diyaaradda. Siddeed saacadood buu gegada diyaaradaha ee magaalada Roma ku silcayey isagoo aad iyo aad u liita. Cisbitaalkii uu ballansaday maahee mid kale ayaa la jiifiyey, halkaas oo uu dhawr maalmood kadib ku geeryooday isagoo waxba loo qaban. Warkii geeridu markuu soo gaadhay Muraayad Xaaji oo xaaskii marxuumka ah ayaa qaraabadii gaadhsiisay warkii murugada lahaa. Dabadeed maalin iyo habeen bay u xidhnayd qaraabadii ay warka gaadhsiisay daraaddeed iyadoo Tawraddu ku eedaysay kicin dadweyne. Laba cisho kadib baa maydkii la keenay. Maalintaa waxa maydka la socday wiil uu dhalay Maxamed Siyaad, kaas oo aabbihii farta ka saaray 20kun oo dollars oo ka soo hadhay lacagtii daynta ahayd ee dibadda loogu qaaday maalmihii uu sankaraadayey marxuumku. Jaalle Siyaad waxa uu u yeedhay Xuseen-Koofiyad-cadde, isagoo amray in akoonka dawladda uu ku shubo lacagtii agoonta u soo hadhay, waanu ku shubay.

Maalintii aaska laga soo dareeray iyadoo gurigii reer Aaden Shire tacsi loo fadhiyo, ayaa madaxweynuhu nin sarkaala u soo dhiibay buqshad xidhan. Markuu ninkii buqshadda siday aqalka soo galay ayuu Muraayad Xaaji ka codsaday inay qolka soo gasho si ay uga guddoonto ammaanada uu u soo dhiibay madaxweynihii Golaha Sare ee Tawradda Jaalle Siyaad. Muraayad Xaaji Xaashi, waxay ku adkaysatay inuu dadka dhexdooda ku furo buqshadda uu sido si loo wada arko, waanu furay buqshaddii. Soomaalidii tacsida ka soo qaybgashay baa fajac iyo amankaag ku dhacay markii la furay buqshaddii Jaalle Siyaad soo diray, oo waa maxay? Waa shan boqol oo shilin oo toban toban iyo shan shan shilin ah. Tacsidii markii laga dareeray, Muraayad Xaaji Xaashi, walaalkeed Cabdinuur iyo Koofiyad-Cadde ayaa madaxtooyada aaday si agoonta xoolohooda loogu soo celiyo, laakiin faro madhnaan bay la soo noqdeen.

Haddaba waxa dhabanna-hays iyo naxdin ah ninka uu madaxweynuhu sidaa ula dhaqmay qaraabo dhaw bay ahaayeen, waa Marreexaan reer Diini ah, ku darsoo waliba ooryo-walaal bay ahaayeen oo Maxamed Siyaad waxa uu qabay Dallaayad Xaaji Xaashi, Aaden-Lowna waxa u dhaxday Muraayad Xaaji Xaashi. Qoraaga buuggan Shukri Aaden iyadu si tartiiba oo ah sidii ay wax u dhaceen bay u soo gudbisay qoraalkeeda, sababta aabbeeheed sidaa loogu galay nooma ay sheegin. Sida muuqata akhristayaasha ayey u daysay inay la soo baxaan, waana sida ugu qurux badan marka la qorayo arrimaha noocan oo kale ah. Aniga oo ka mida akhristayaasha waxan is weydiiyey sababta uu madaxweynuhu ninkaa odayga ah, uu sidaa foosha xun ugu galay. Markaan fiiriyey arrintana dhinacyo badan aan ka rogrogay, aniga malahayga waxa ii soo baxay aragtidan.

Bishii Oktoobar, 1969kii markii la afgembiyey dawladdii uu ka tirsanaa Aaden-Low ee xabsiga lagu hubsaday, Janaraal Maxamed Siyaad iyo tawradiisii bilawgiiba waxay ku mashquuleen buunbuuninta gefefkii ay galeen madaxdii xukuumadihii rayadka ahaa iyo ceebayn joogta ah. Madaxdii ku xabbisnayd Afgooye meel dushooda ah mikarofankii Radio Muqdisho baa ka dhawaaqayey maalinta inteeda badan. Halkaa oo laga soo dayn jirey brobagaan iyaga lid ku ah oo lagu ceebaynayo. Maalmihii dambe waxa soo biiray nin sarkaala oo la soo diray, kaas oo maxaabiista hortooda intuu yimaad ku dhawaaqi jirey ereyo digasho ah, wuxu odhan jirey, maanta laga bilaabo waxba ma ihidiin, madaxweyne ma ihidiin, ra’iisalwasaare ma ihidiin, wasiirro ma ihidiin, wax alla wax aad tihiin ma jirto. Intaa markuu yidhi sarkaalkii ayaa Aaden-Low hadlay.

Maandhow, rag odayaala oo kaa waaweyn, kaana waaya-argsan, xukun soo arkay, dunida meelo kala duwan wax la qaybsaday, ayaad soo kor istaagtay oo ereyadaa annuu maqlayno nala soo hor joogsatay. Maandhow ragga ku soo dirsaday ma kuu sheegeen in dadnimadii naga saaray? Dad ma nahay mise maya?

Sarkaalkii, Maya adeer dadnimadii la idin kama saarin.

Aaden-Low, maandhow mahadsanid haddii dadnimo naloo oggol yahay.

Aniga aragtidayda ereyadaa kooban ee dhiirranaantu ka muuqato ayuu eeday oo loo daba galay Aaden Shire (Aaden-Low). Waxaan xasuustay tuducyo ka mida maansadii Hadraawi ee Dibadyaal.

Wuxu yidhi “degmadayada

Ninka rag ah daryeelkiis

Ama duubka sharafiyo

Derejada la siiyaa

Dabar iyo nac weeyaan

Darbo waw ma dhaafaan.”

Gebagebadii iyo dhaliisha Buugga:

Buuggan bilawgii aan arkay cinwaankiisa baan isweydiiyey, tolow Xabbaddan dunida gilgishay maxay tahay? Hasayeeshee markaan akhriyey baan ogaaday in xabbaddii ka qaraxday Walwaal ee uu sababteeda lahaa Aaden Shire ay gilgishay boqortooyadii Abasiiniya (Ethiopia) isla markaana ay afka dhulka u dartay. Dunida kale meel ay gilgilshay buugga dhexdiisa kuma arag, haddii laga tegi waayo, sabab bay u noqotay in Aaden-Low lagu xidho (Xabbiso) dalka Talyaani, waxna ku barto isla markaana uu ka qaybqaato dagaalkii labaad ee dunida isagoo ka barbar dagaallamay, dagaalyahaannadii Partissaanka ee ka hor jeeday Faashistadii Talyaaniga iyo Naasigii Hitler. Arrintaa dambe lama odhan karo dunida ayey gilgishay xabbaddii ka bilaabantay Walwaal. Goob kale oo ay xabbaddaasu gilgishayna kuma xusna buugga. Cinwaanka buuggu waa buunbuunin lala jeclaaday ee waxa ka habboonaa in xaqiiqada lagu saleeyo oo la yidhaa, XABBADDII ABASIINIYA GILGISHAY.

U dambayn aan hambayo u diro qoraaga buuggan Shukri Aaden Shire oo runtii dadaal dheeraada iyo xiili badan u hurtay ururinta iyo soo saaridda buuggan. Waan hubaa in Soomaali badan iyo shisheeyaha daneeya taariikhda Soomaalida ay ka heli doonaan sooyaal ay tixraacaan una bogi doonaan sida aan aniguba uga helay.

Wax jira Allaa og. Ilaah innaga war roon

Waa nabad.

Cabdalla Xaaji Cusmaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here