Hargeysa (Hubaal) – La Taliyihii hor ee Arrimaha Doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ku sugan Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horeysay si dhab ah uga hadlay Hankiisa siyaasadeed iyo ujeedooyinka uu u tagay Garoowe.
Waxa uu xusay in uu ka shaqayn doono Horumarka iyo nabadaynta beelaha Puntland, sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu ku dedaali doono sidii uu wada hadalo ugu furi lahaa Maamulka uu ku biiray ee Puntland Labada Geesood ee Laascaanood iyo Khaatumo.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay BBC-da, waxaanu yidhi
Hada waxa aan Joogaa Magaaladda Garoowe, Maamulkii hore ee aan aan ku jirayna waan ka hawl gabay oo waan ka fadhiistay, markaa waxa aan halkan u imid in aan la dhiso, qoladan Puntland iyo waliba sida meelaha kale ee Kismaanyo iyo Somalia.
Maxaa Keenay in aad Somaliland oo aad dhawrkii sano ee ugu dambeeyay ayaad ka tirsanayd aad ka tagto?
Wax kale ma jiraane mar hadii aan ka fadhiistay waxa ay iigu muuqatay mar hadii aan khibrad u leeyahay maamulka in aan la hagaajiyo puntland, hadhawna aan u sii gudbo Juba land iyo meelahaas kale.
Maxaa lagugu aaminayaa?
Waa la igu aaminay waanan ka wada tashanay, waana la igu aaminay.
Dhawr jeer oo hore ayaad ka tagtay Somaliland, Markani maxay kaga gadisan tahay mararkii hore?
Waxa ay kaga gedisan tahay markii hore maamulka ayaanu isqabanay waanan ka heshiinay, markii dambena qoladaasi waa ii baahatay wixii la iiga baahdayna waan la qabtay?
Maxaad u taraysaa Puntland?
Waxa aan soo kordhinayaa bal horta khaatumo iyo Puntland in aan wada hadashiiyo oo aan heshiisiiyo iyagana waxa aan jecelahay in aan si wanaagsan oo tolniimo ah aan u dhex galo.
Dad baa aaminsan in markii xilka Lagaa qaaday aad ka cadhootay Somaliland, maxaad ka leedahay Arrintaas?
Maya waxba kamaan cadhoonin, siyaasadana waa la iska bedelaa, sida loo gartay in shaqada la iga fadhiisiyo ayaan aniguna uga fadhiistay.
Arrinta Laascaanood Sideed u galaysaa?
Laascaanood Arrinteeda waxa aanu doonaynaa in aanu wanaag iyo tolniimo aanu ku wada hadalno, oo aanu wax uga wada qabsano.
Ma Somaliland ayaad raacinaysaa mise Puntland?
Wada hadlaaba heshiiye, marka hore waxa aan jecelahay in aanu wada hadalno” Ayuu yidh