Weriye Sahra Ciidle Oo Waraysi Ka Qaaday Nin Soomaali Ah Oo 1998-kii Illaa Immika Xabsi Ku Jira+Sababta Loo Xidhay Iyo Marxalada Noloshiisu Soo Martay+SAWIRRADA

0
81

RADIO HUBAAL: Dhegeyso Waraysi  Ay Weriye Sahra Ciidle Nuur Ka Qaaday Nin Soomaali Ah Oo Tan Iyo 1998-kii Xabsi Ku Jira+Sababta Xadhigiisa Ka Dembeysa Iyo Saamaynta Muddada Dheer Ku Yeelatay Xaaladdiisa Nololeed

 Xaashi  Cumar Xasan waa nin Somali ah oo muddo 16 sanadood ah ku xidhan dalka Talyaaniga kadib markii lagu xukumay 26 sanadood oo xadhig ah iyadoo  loo haysto dacwada gabadh Suxufiyad ahayd oo dalka Talyaaniga u dhalatay oo sanadkii 1994 lagu dilay magalada Muqdisho.

Xaashi Cumar Xasan Oo  Isaga Oo Ku Sugan Roma la Soo xidhiidhay Weriye Sahra Ciidle Nuur Oday Oo  VOA da ka tirsan waxa uu sheegay in lagu soo eedeeyay dilka iLaria Alpi oo ahayd Suxufiyad hawlo baadhitaan u tagtay dalka Somalia horaantii sagaashameeyadii isla markana iyada iyo Camera man kii la socday lagu dilay Muqdisho.

ahra Ciidle

Ninkan oo sanadkii 1998 kii dalka Talyaaniga u tagay arimo ka baxsan Kiis ka loo qabsaday ayaa ciidamada amaanku ka qabteen magaalada Rome kadibna waxa lagu so oogay dacwadan uu u xidhan yahay, inksta oo uu sheegay in xiligi dilkaasi dhacayay uu ka maqnaa magaalada Muqdisho wax lug ah na aanu ku lahayn.

Haddaba   Weriye Sahra Ciidle Nuur U suuro gashay in aanu khadka telephone ay ku hesho Xaashi Cumar Xasan oo mar mar loo ogolaado inuu telephone isticmaali karo isla markaana Jeelka uu ku jiro dibada uga bixi karo.

Halkan Ka Dhegeyso Waraysiga  Sahra Ciidle Nuur khadka Telefoonka kula yeelatay oo arrimo naxdin leh iyo noqol qallafsan kaga warramayo   xaaladiisa iyo mudada dheer

ahra Ciidle-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here