“Weliba Wasiirka Madaxtooyada Haddii La Yidhaahdo Adigu Kuma Jirtid Wuu Dhimanayaaba Oo Waa Ninka Ugu Jecel Wada Haddalada Somaliya”

0
20

Hargeysa, (Hubaal)-Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray), ayaa hadlay arrimo la xidhiidha qodobadii ka soo baxay shirkii wasiirada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD, Islamarkaana wuxuu sheegay in siyaasadii arrimaha dibadu soo oodantay.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay shirjaraaid oo uu shalay xafiiskiisa ku qabtay, waxaanuu yidhi; “Siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland waa mid fadhiid ah, aragtidii bulshada caalamka ee gooni isu-taaga Somaliland aanay ka dhex muuqan Somaliland, halkii sagaashamaadka ay maraysay ayay maraysa.Urur goboleedka IGAD-na way cadeeyeen, oo waxaa uu doonayaaba ay tahay Soomaaliya oo isu dhan.Kana soo horjeedaan gooni isu-taaga Somaliland, aad iyo aad baanan uga xunahay arrintaa, oo intaaba hadana waynu faanayna, oo sababta ugu wayn waxaan anigu u arkaa siyaasada dibadu ma qurux badnaan karto, marka, nin muraayad isku eegay fool xumo is diidsiin, isma doorin karayee, ma inuu dilaaca ayay Somaliland xaaladeedu tahay, fool xumadu waa gudaha, arinkeenuna qurux badnaan maayo ilaa aynu gudaha ka qurux badnaano, fool xumadeena aynu iska qirano sidii aynu wax u bedeli lahayn uun baa inoo taala.”

cali guraySidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu sharaxay qaabka ay ururka IGAD u soo bandhigeen Qodobadii shirka ka soo baxay waxaanuu yidhi;“Qodobka kale, ee aan arrinka IGAD ka taabanayaa waxa weeye arrintii wadahadlka ee Somaliland iyo Somalia, wadahadalku wax buu ka taabanayaa dhawr iyo labaatan qodob ayaa ka soo baxay warmurtiyeedkaa, sida ay u kala muhiimsanyihiin arrimuhu, xaga IGAD ayaa laga dhex garan karayaa sida uu u qoran yahay qodobka 22-aad ayuu ku xusanyahay oo ay ku aamanayaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia, oo dabcan ay markaas leeyihiin maamul goboleeda oo arinta si gudeed ay uga hadlayaan, sida maamulgoboleed ay u wadahadlayaan ayay iyagu u dhigayaan ahamiyadana waad garanaysaa oo dhinaca IGAD way ka mudan yihiin arrimaha bulshada. Inaga lafteenana cida qudha ee u heelan ee xiiso u haysa wadahadaladaasi, waxa weeye Madaxtooyadeena, waxay ku fasho garan mayno, sidan ay u jeceshay garan mayno, weliba wasiirka Madaxtooyada haddii la yidhaahdo adigu kuma jirtid wuu dhimanayaaba, oo waa ninka ugu jecel wadahadalada somaliya iyo diyaarad loo raacayo turkiga.Waayo diyaarad yurub loo raacayo Axmed Siilaanyo ayaa ugu horeeyay, malaa Tay uu xidhana Axmed Siilaanyo ayaa ugu horreeyay.”

Ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here