Waa maxay wehelku? Maxaad jeceshahay inaad ku maaweelisid naftaada waqtiyada aad wehelka u baahan tahay? Fikirkayga, wehelka wanaagsan waxaan ku qeexi lahaa: waa mid kuu horseeda
farxad iyo degganaansho, waana mid horumariya maskaxdaada. Waa mid aan kugu hoggaaminayn xumaha. Waa saaxiib aanad ku caajisayn la jooggiisa. Waa jaar fiican oo aan dhib lahayn iyo mid jecel inaad la saaxiibtid. Maaha mid kaa dhaadhiciya xumaan waa macallin aan kaa rabin lacag ama mushahar. Waa mid aad kaga maarmi kartid baraha. Waa mid ku addeecaya maalintii iyo habeenkii labadaba, kuguna wehelinaya waqtiyada aad safarka tahay iyo marka aad hoygaaga joogto labadaba.
Wehelka wanaagsani waa saaxiib aan kaa daalayn, kaana luloonayn. Waa rafiiq mar walba ku garab jooga oo aad helaysid waqti kasta oo aad u baahati. Waa mid haddii aad ka tagtid kuu murugoonayn. Waa mid kaa ilaalinaya fadhiga kaabadaha iyo qolqollada. Sidoo kale waa ka kaa fogaynaya barashada inta fikirka gaaban.
Wehelka wanaagsani waa mid kaa dhowraya barashada doodaha aan micnaha lahayn iyo muranka madhalayska ah. Waxa kale oo uu kaa ilaalinyaa inaad ku dhex milanto kuwa aan nolosha wax ka damacsanayn. Waxa uu kaa fogaynayaa jaahilnimada iyo riyo maalmeedka aan nolosha runta ah la xidhiidhin. Haa. Waa mid aynnu ku sheegi karno wehel wanaagsan oo kuu sameeya wanaag aan la qiyaasi karin.
Haddaba ma garanaysaa wehel sifooyinkaas oo dhammi ku idil yihiin? Erayga wehel marka aad maqashid, laga yaabaa inaad ku sifaysid qof. Haa qofku ama bini aadamku wuu noqdaa wehel, laakiin maaha mid qaban kara waxyaabaha aan soo sheegay. Wehelka noocaas ah waxaan u aqoonsaday inuu yahay buugga gaar ahaan kiisa waxtarka leh. Waa mid buuxinaya shuruudahaas oo dhan iyo in ka badanba, laakiin, haysashadiisa oo qudhi kuu noqon maayo wehel waxtar leh adiga oo akhriya mooyaane.
Nin noolaa qarniyadii aynnu soo dhaafnay wax akhriskana jeclaa ayaa yidhi haddii aan arko inuu buuggu faa’iido ii leeyahay waxaad i arkaysaa saacadiba saacadda ay ka dambayso aniga oo kolba hubsanaya inta bog ee iiga hadhay dhammaadkiisa, aniga oo ka baqanaya inuu dhammaado. Bog markaan rogaba waxay ii tahay naxdin iyo murugo. Waxa kale oo isna jiray nin yidhi afartan sanno waxaan gam’ayay aniga oo buug akhriyaya, waxaanan soo baraarugaa buugga oo laabtayda saaran. Akhriska buuggu waxaa uu leeyahay manaafacaad tiro badan. Akhrisku waxa uu kaa reebayaa cadhada iyo werwerka. Akhriskiisa oo aad caadaysataa waxa uu kaa dhigayaa qof la saaxiib ah caqliga iyo afkaarta wanaagsan, waxaanu kugu sababayaa inaad fikirtid. Waxa uu sidoo kale xoojiyaa maskaxda, wuxuu kordhiyaa fahanka, wuxuuna soo nooleeyaa xusuusta. Waa mid aad kaga faa’iidaysan kartid waayo aragnimada dadka soo qoray. Waxa uu kuu sahlayaa inaad baratid deegaanno aanad hore u tagin iyo dabeecadaha dad aanad la soo dhaqmin.
Akhrisku badanaa wuxuu xoojiyaa xirfadaha lagu raadsado aqoonta iyo barashada faracyada kala duwan ee cilmiga iyo sida ay ula xidhiidhaan nolosha. Waa saaxiib kordhiya iimaanka qofka akhriyaya, gaar ahaan buugaagta la xidhiidha diinteenna Islaamka ah. Waa wehel ilaaliya waqtiga si aanu u lumin. Wuxuu fududeeyaa sawirashada mustaqbalka.
Akhriska oo aad badsataa waxa uu kaa dhigayaa qof hadalkiisa lagu qanco xogaha aad ka heshay awgeed. Waxa uu leeyahay awoodo ku beddali kara hadba waxa aad ku sugan tahay. Waa madadaalo naftu aanay ka maarmin. Waxaad noqonaysaa qof saamayn ku leh bulshada dhexdeeda.
Buuggu waxa uu kulmiyaa xogo iyo cilmi taas oo noqota awood-maskaxeed keenta fikrado iyo guulo la mahadiyo. Waxa uu ballaadhiyaa ruuxda, waxaanu kaa caawinayaa inaad kolba la jaanqaaddid waqtiga la joogo iyo xaaladaha lagu jiro. Waxa kale oo uu kuu suurtogalinayaa inaad xalliso khilaafaadkaa ku soo waajaha.
Waa wehel qaabeeya, saameeyana fikirkaaga; waana mid ku dhiirrigalinaya. Wuxuu wanaajiyaa fahanka qofka. Maskaxdu waxay la mid tahay jidhka, sida muruqyada jidhka ku yaallaa ay ugu baahan yihiin jimicsi ayay maskaxduna ugu baahan tahay, kaas oo ah akhris.
Faa’iidooyinka buugga cilmiga xambaarsani inoo leeyahay waa kuwo aan la soo koobi karin. Waxa aad ka qiyaasi karto faa’iidada akhrisku inoo leeyahay sida ay diinteenna iyo kitaabkeennu u dhiirrigalinayaan akhriska, iyada oo waxyigii ugu horreeyay ee ku soo dega Rasuulka NNKH la lahaa AKHRI. Buugga cilmigu ku duugan yahay waxa uu nafaqeeyaa ruuxda engagan, akhriskiisa oo aad joojisaana waxay la mid tahay korriinkaaga oo aad joojisay.
Haddaba sifooyinkaa wanaagsan kor aan ku soo sheegay ee uu leeyahay buugga akhriskiisu maaha mid laga wada helayo buug qudh ah. Akhriska buugaagta kala duwani waa mid aad ku soo ururinaysid xogaha kala duwan ee midkiiba ku jira, taas oo hadhow kugu dhiirrigalinaysa, kaana caawinaysa qoritaanka buug aad adigu leedahay, dadkana wehel u noqda.
Axmed Good Hurre
Bugema University, Uganda.
Facebook: Ahmed Goud Fab