Weftigii TURKIGA Tagey: Dusha Ka Wasiir Biixi Hoosta Ka Baashe Cawil!!” Muj. Cali Xaraaro

0
36

weftiga Turkiga tagey dusha waxa ka watay wasiir Biixi,hoostana Baashe Cawil

Siyaad Bare iyo mareexaankii ma xusuusateen ma maqasheen dusha ka sumuni hoosta ka caateyn waxa la mida weftigii turkiga dusha waxa ka wetey wasiirka arimaha debeda Maxamed Biixi waxa hoosta ka wetey Baashe Cawil oo shaashadaha laga ilaalinayey sida aad arkeysaana waxay xukuumada Axmed Siilaanyo u eegtahay ama tahayba kacaan ina qabsaday, weliba kacaanada ayaa kala duwane, kuwane waa kacaan beeleysan.

cali-xaraaromarkaa waxba ha la yaabina afarta wasiir ee lama taabtaanka ah wuxuu Axmed siilaanyo ku sameeyey dadkan iyo dalkan waynu wada ognahay hadaan dul maro hantida qaranka sida loo urur sado iyo halkay ku dambayso dekeda iyo haamaha berbera boqol kiiba toban ayaa la siiyaa kuwa soo urursha markay madax tooyada soo gasho waxaana gacanta laga saaraa Baashe Cawil lacagta laga soo qaado madaarada iyo lacagta hawada ee la soo mariyo Somaliya, markay soo gaadho madax tooyada waxa loo celiyaa boqol kiiba sodon, waxaana lacagtaa la wareega Baashe cawil.

lacagta budhcad badeeda markay madax tooyada soo gasho waxa loo celiyaa kuwa keena boqol kiiba labaatan waxaana la wareega Baashe cawil lacagta macdanaha iyo xaqul qalinka sherkedaha marka la keeno madax tooyada waxa loo celiyaa kuwa keena boqol kiiba shan iyo toban waxaana la wareega Baashe cawil waxa intaas u dheer wershedaha laydhka ee ganac satada laga iibiyey kuwa is gaadhsiinta laga xaraashay iyo boqolaal meelood oo la iibiyey waxay lacagahaasi toos uugu wareegaan Baashe Cawil.

akhriste halkan laguma koobi karo waxyaalaha dalka iyo awoodaha is daba yaal waxa qudha ee maanta u dhimani waa dad ay ku toogtaan way naga hor yimaadeen oo dembi looga dhigo akhriste la soco qaybaha dambe

Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here