Samaale Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanu Xilka Wasiirka Waxbarasha Iyo Xil Ka Danbeeya Midnaba Ka Qaban Doonin Xukuumada Silaanyo, Iyo Xogaha Ku Gadaaman Xil Ka Qaadistiisa Oo Uu Iftiimiyey

0
37

 “Waxaan u arkaa arrintan arrin dareenkayga iyo saaxiibtinimadii iyo wixii aanu soo wada marnay inaanu qiimeyn.” – Wasiir Samaale

“Kalgacal iyo wanaag baanu isku ogeyn, si lama filaan ah ayey arrintani u dhacday. Markaa, runtii xilka qof waa laga qaadi karaa, qofna waa loo dhiibi karaa, laakiin…” – Cabdicasiis Samaale

samaaleHargeysa, (Hubaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa dabooka ka qaaday sababta uu ugu gacan-saydhay xilka Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweynuhu u magacaabay, isaga oo kaga dhawaajiyey inay jiraan shirqool hoose oo madaxweynaha laftiisu aanu ka war-haynin oo sabab u noqday in xilka wasaaradda Maaliyadda laga beddelo.

Isku-shaan-dheyn xambaarsan Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo Magacaabis cusub oo Madaxweyne Siilaanyo habeen hore ku sameeyey golihiisa Xukuumadda, waxa uu Wasiirkii hore Maaliyadda Cabdicasiis Samaale u beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaraddda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka wasiirkii wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan lagu beddelay booska Wasiir Samaale.

Wasiir Cabdicasiis Samaale oo xalay gurigiisa ugu warramay Wariye Cabdixakiim Maxamuud Shirwac oo ka tirsan Idaacada VOA, Samaale waxa uu  madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyey muddadii ay soo wada-shaqayneyey ee uu hayey xilka wasaaradda Maaliyadda, isla markaana uu wali u hayo kalgalkii iyo saaxiibnimadii ka dhaxaysay, balse waxa uu meesha ka saaray inuu wax xil ah oo dambe ka qabto xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xilka wasaaradda maaliyadda ee hayeyna uu si deg-deg ah u wareejin doono. Waxa kale oo Md Samaale ka hadlay saamaynta go’aankiisani ku yeelan karo hankiisa siyaasadeed.

“Aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay madaxweynuhu, xilkaa maan aqbalin, mana aqbalayo, diyaarna uma ihi inaan xil danbe ka sii qabto xukuumada uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, waanan uga mahad-naqayaa muddada aanu wada shaqaynay ee aan xilka wasaaradda Maaliyada hayey. Arrintaasina arrin aan aqbalayo maaha,” Sidaas ayuu yidhi Md Samaale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn ka hadlayey sababta ugu gacan-saydhay go’aanka madaxweynaha iyo xilka loo magacaabay, waxa uu sheegay inaanu ahayn wax u filayey beddelka madaxweynuhu ku sameeyey maadaama uu ku gudo-jiray kormeer uu ku marayey gobollada Bari ee dalka gaar ahaan ilaha dakhli-ururinta ee wasaaradda Maaliyadda, kaas oo uu sheegay inay ka wada-socdeen madaxweynaha.

“Wefti wasaaradda ka tirsan oo ka kooban aniga iyo Agaasimaha guud iyo afar agaasime waaxeed ayaa safar ugu maqnaa gobolada dalka, madaxweynaha waan u sheegay, waananu ka wada soconay safarkaasi, habeenkii ka horeysay habeenka ay hawshani dhacday, waxaan u sheegay inaanu Laascaanood ka soo noqonay oo aanu Burco ku suganahay, maalinta Sabtida haddii alle yidhaahdo inaanu u kicitimi doono magaalada Ceerigaabo, sidaasi ayuu madaxweynuhu safarkayga ula socday,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Kalgacal iyo wanaag baanu isku ogeyn, si lama filaan ah ayey arrintani u dhacday. Markaa, runtii xilka qof waa laga qaadi karaa, qofna waa loo dhiibi karaa, laakiin waa in la tixgaliyo dareenka iyo rabitaanka qofka iyo sida uu wax u arkayoba, markaa anigu waxaan u arkaa arrintan arrin dareenkayga iyo saaxiibtinimadii iyo wixii aanu soo wada marnay inaanu qiimeyn.”

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sababaynayey go’aanka uu ku qaaddacay wasaaradda uu madaxweynuhu u beddelay, waxa yidhi, “Qadiyadduna maaha labada wasaaradood oo ma kala duwana oo farqi uma dhexeeyo, sidaa la ajligeed xilka cusub ma qabanayo, xilka wasaarada Maaliyadana waxaan jecelahay inaan si dhekhso ah u wareejiyo, Madaxweynaha waan uga mahad naqayaa wada-shaqayntii wanaagsanayd ee naga dhexaysay, waxa qalloocsamay ee qaldamayna waxaan filayaa inuu madaxweynuhu ogaan doono.”

Wasiir Samaale oo la weydiiyey inuu Madaxweynaha arrintan kala xidhiidhay maadaama ay ahaayeen Saaxiibbo isku-dhow, waxa uu ku jawaabay, “Runtii imikaba madaxweynaha waanu isku dhawnahay balse waxaan arkayaa in wax hadda qarsooni ay jiraan oo soo bixi doona, anigase madaxweynuhu waa madaxweynahaygii oo walaaltinimadii iyo kalgacalkii naga dhexeeyey waa sidoodii waxaanan u hayaa kalgacal aad u weyn,” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo la weydiiyey in go’aankiisani wax ka beddelay hankiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, waxa uu ku jawaabay, “Sidii ayuu hankaygu yahay iyo si ka sii saraysa, mawqifka aan qaatayna waxaan qabaa inuu wax tari doono hankii aan lahaa, waxaanan aaminsanahay inuu hankaygu sidii iyo si ka sii wanaagsan uu yahay,” ayuu yidhi Md Cabdicasiis Samaale.

Dhinaca kale, waxa uu Md Samaale isla shalay madaxweynaha u gudbiyey warqad xambaarsan qoraal uu kaga cudur-daaranayo xilka oo magacaabay ee Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare inuu qabto, kaas oo uu ku sheegay inuu shacabka Somaliland iyo madaxweynahaba u caddeynayo inaanu aqbalayn Xilka loo magacaabay sababo la xidhiidha inaanu madaxweynuhu kala tashan go’aankaas.

Sida ay tibaaxeen ilo-wareedhyo Wargeyska Himilo ka helay nuxurka ay xambaarsan tahay warqadda uu kaga tanaasulay aqbalaadda xilka cusub ee Wasaaradda Waxbarasahda, waxa uu wasiir Samaale madaxweynaha uga mahad-celiyey wada-shaqayntii u dhaxaysay muddadii uu hayey xilka Wasaaradda Maaliyadda. Haseyeeshee, ilo-wareedyadani ma sheegin in madaxweynuhu ka aqbalay iyo in kale.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo xilka wasaaraddaas soo hayey tan iyo bishii March ee sannadkii 2012-kii, isaga oo xilkaas ka doorsaday mansabka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo uu muddo todoba sanno ah soo hayey. Haseyeeshee, muddo saddex sanno ah oo uu soo hayey xilka Wasaaradda maaliyadda, waxa lagu tilmaamaa inuu si wax weyn ka qayb-qabtay isla markaana kor u qaaday miisaaniyadda dalka iyo ilaha dakhli-ururinta.

Md Samaale oo sidoo kale saamayn weyn ku dhex-leh xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo ololihiisii tartankii doorashada isla markaana hore u shaaciyey hankiisa siyaasadeed iyo inuu Xisbiga gudihiisa uga tartami doono loolanka hoggaanka dalka, ayaan la saadaalin karin saamaynta arrintani ku keeni karto hankiisa siyaasadeed iyo doorka siyaassadeed ee uu ku dhex-leeyhaya Xisbiga Kulmiye.

edited by:wargeyska Himilo

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

DHEGAYSO_codka wasiirka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here