Weerar Lala Beegsaday Wasaaradda Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ee Somalia Iyo Khasaare Ka Dhashay

0
32

Muqdisho(Hubaal) -Qaraxyo ay daba socotay rasaas ayaa gilgilay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somalia, halkaasi oo dablay hubaysani gudaha u gashay.

Wariyaha Telefishanka Al-jazeera oo gaadhay goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegay inuu dadka dhintay ka tiriyay 8 shacab ah iyo laba Askari. Waxaa la sheegayaa inuu jiro dhaawac tiro badan

weerarCiidanka Amisom iyo kuwa Somalia ayaa goobta degdeg u gaadhay, waxaana la soo afjaray rasaas muddo la is waydaarsanayay kadib markii saddex nin gudaha u gashay Xarunta Wasaaradda oo ku taala meel mashquul badan.

Afhayeenka Hawlgalada Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab,ayaa Wakaalada Reuters u sheegay inay weerarka Al-shabaab gaysatay, balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

weerarada noocan ah ee AL-shabaab ka fulinayso bariga Africa ayaa isa soo tarayay wakhtiyadii u dambeeyay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here