Waxbarashada Madaniga Ahi Waa Furaha Lagu Gaadhi Karo Somaliland Waarta Qalinkii Amiin Cabdilaahi

0
30

amiinGuud ahaanba waxaynu ogsoonahay marka la doonayo in umad wax, lagabadelo ( social transformation) , waxa kaliya ee lagu badali karaa waa Waxbarashada ama ayadoo waxa laga badelo hanaanka guud ee waxbarshada, hadaba hadii aynu eegno adduunka inagu xeeran dadku waxay horu mar ku gaadheen jeclaan shaha ay jecelyihiin diintooda, dalkooda, dhaqankooda, taasina waxa ay ku xidhan tahay hadaba dadku, dal jecaylkoodu intuu leeg yahay amaba muwaadanimadoodu ( citizenship)

Hadaba hadii aynu eegno Waxbarashada wadankeena kuma jirto waxbarashada madaniga ah amaba afka qalaad lagu yidhaahdo ( civic education), taas oo lagu baryo xidhiidhka ka dhexeeya dalka iyo dadka, isla markaasna lagu barto qofka muwaadinka waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay,

Faaiidooyinka Waxbarashada madaniga ahi keento waxaa ka mida kuwan hoos ku qoran.

Inuu qofku diyaar unoqdo inuu ka qeyb qaato wax kasto oo ummada faaiido uleh

Inuu dalkiisa ka ilaaliyo cadawga, lana shaqeeyo ciidanka dalka

Inuu cashuurto bixiyo oo aanu dhibsan

Inuu deegaanka ilaaliyo, iyo hadanita guud ee dadka ka dhaxaysa, sida dugsiyada, wadooyinka, cusbataalada iyo bilicda iyo quruxda magaaladda

Inuu ilaaliyo xuquuqda mawaadiniinta kale ee ku ag nool

Inuu aamino in loo wada siman yahay fursadaha iyo inuu si xalaala u tartamo

Inuu waxyaabaha qaar ka tanaasulo

Inuu qofku ka fogaado qabyaalada iyo iwm

Inuu waxkasta ka eego dhinaca wanaagsan

In uu si hab nabad ah ku saleysan ku muujiyo waxa uu ka cabanayo( peaceful demonstration or assembly)

Hadii aynu eegno tusaalaha ugu danbeeya , waxa aad arkeysaa wadankeena dad faro badan oo cadheysan, balse aan garaneyn cida ay ka cadheysan yihiin, Tusaale ahaan hadii shirkadaha leydhka ee wadanku korantada qaali gareeyaan , ma shirkadaha leydhka qaali gareeyey ayeynu dad arrinkaa kala hadla u direynaa mise waxa aynu shiideynaa cidkasta oo aynu argno, amaba shirkadaha kale ee wadanka.

Waxbarashada madaniga ahi waxa ay dadka bartaa marka uu dhib dhaco sida ugu macquulsan ee loo xaliyo iyo inuu qofku fahmmo dhibkan uu ka cabanayo cida ay khusayso ee uu kala hadli karo.

Hadaba suaalaha, is weydiinta mudani waxa ay tahay Waxbarashada faa’iidooyinkaas aynu soo sheegnay lahi waa maxay sababta ay uga maqan tahay nidaamka wax barsho ee dalkeena,

Ma wasaarada waxbarshada ayaan garaneyn?

Ma dadka ayaan la rabin iney muwaadiniin noqdaan?

“Civic education is the only way that we can build sustainable Somaliland.”

Amiin Cabdilaahi Yaasiin

Amiincd@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here