Waxaan ognahay masuuliyiin kala duwan oo ayaamahan bilaabay waxaanu iska casilnay xilkii aanu u haynay qaranka ee uu noo igmaday Madaxweyne Siilaanyo. Iyagoo sax iyo qaladba ka hoos shaqaynayay shan sano oo sadex bilood dhiman. Waliba kudarsoo ay qaarkood cambaarayn wayn korka u saareen madaxweynihii uu ladhamaystay termkii la doortay. Iyagoo is casilaaya maanta oo aynu ognahay in xukuumadiiba waqtigeedii dhamaad ku dhowyahay. Taasina waxay ku tusinaysaa inanay dan qaran isu casilin maanta ee ay isu casileen danahooda gaarka ah.
Hadii aad sacabka utumaysay shan sano oo cadaalad darro ah shan sano oo hantida wadanka la boobayey oo guryahii dowlada iyo dhulkiiba la wada xaraadhay maxaad uga damqan wayday ee aad ugu lahayd shacabkaa ku jecel eed beenta ugu sheegaysay? Maxaad isu casili wayday ee meeshaad ka hadashoba aad magaca madaxweynaha ugu tasbiixsanaysay. Maxaad marwalba u lahayd waxqabadkiisa darteed haloogu kordhiyo mudada xilka. Miyaanay shalay kuu muuqan waxa maanta kuu muuqday ee kugu kalifay inaad xilkii aad qaranka u haysay inaad iska casisho.
Marhadii maanta aad ka markhaati kacday inaanu madaxweynuhu kalidii talada wadanku gacantiisa ku jirin oo cidkale lawadaagto maxaad shalay u dafiraysay. Marhadii masuul aad ahayd oo uu jaanis kuu siiyay madaxweynuhu inaad qaranka ushaqayso maxaad taladaada aad ugu darsan wayday ee waxii qalada ee kuu muuqday aad uga sixi wayday intaad wada shaqaynayseen ee maanta aad u dhaleecaynaysaa maamulkii aad mudada dheer la shaqaynayseen hadii uu diido taladaada maxad markay munaasib ahayd aad isu casili wayday.
Waxaad wadatay dantaada gaarka ah ee marnaba kamaad shaqaynayn danta qaranka maantana waxaad ogaatay in saxiibadaa xilkii ka dhamaaday oo waxaad is leedahay ka danbee bedalaya kan kula sii shuraakow waan isa soo casilay si aan adigana markaad wadanka qabsato aan kuula shaqeeyo. Lakiin maanta shacabku dhagaysan maayaan nin ilmada yaxaaska daadinaya oo dano gaara leh waayo sidaa maanta aad ka yeeshay saxiibadii aad mudada badan lasoo shaqaynaysay ayuun baad midwalba ka yeeli doonta. Lakiin dadnimo ahaan waxaa qurux badnayd doonta lasii dagaysa saxibada inaad dhinaacaga biyaha ka dhurto si doonto u badbaado adiga iyo saxibadaba u wada badbaadaan.
Allaah mahad leh
F.G anigu shaqsi qudha uma jeedo waana fikir kayga gaarka ah.
Abdiqani Ibrahim Salaf ( kaptanka)