”Waxan U Malaynayaa In Habeenkii Odayga Looga Dambeeyo Madaxtooyada Oo Jin Ku Shaqaysto Oo Wax Isku Shaandheeyo Oo Kala Shaandheeyo”

0
32

Ka dar oo dibi dhal! Waar odaygu ma isagaa wax isku shaandheeyay? Waabu hurday baa lagaa yidhi. soomaalidii hore waxay odhan jirtay weelka habeenkii waa la foorariyaa hadii kale Jin baa ku shaqaysta oo kaaga dambeeynaya. Waxan u malaynayaa habeenkii odayga in looga dambeeyo madaxtooyada oo jin ku shaqaysto oo wax isku shaandheeyo oo kala shaandheeyo.

cali gurayMise waxan idhaa intii uu inaga shaandhayn lahaa ayaa iyagu is kala shaandhaysay oo way is kaga baqdeen intii odayga xigtadiisa ahayd oo way garanayeen inay KHAD CAS YIHIIN iyo lama taabtaan. Samaale iyo Cabdi aw Daahir nasaluu baa la yidhi kii ciyaarahana iyo tacliintaha dalacuu baa la yidhi. Waar maxaa meesha ka dhacay? Tabashadii odayaasha Awdal ma Col. Cumar oo adeerkii xanuun saday iyo Madaxwayne xigeenka ayaa lagu furdaamin karaa? Wabarba ma goyse eh.

Waar isku shaandhayntiisa mooyee waabu inooga sii daray. Oo ma kaasaa laga sugayaa inu soo dhiso dawlad lagu wada kalsoonaan karo oo dalka gaadhsiin karta doorasho xor iyo xalaal ah? Ha u fadhiyin. In badan ayaa odhan:

WELIGAY CAD QUUDHEED

ANNA QAADAN MAAYOO

QALANJADA FARAHA DHEER

WAX LA QAYBSAN MAYEE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here