HALKAN KA DAALLACO: Daraasad Iyo Lafo-gur Lagu Sameeyay Miisaaniyada 2015 Ee Golaha Wakiilada Hortaala
Waxaanu halkan dadweynaha ugu soo bandhigaynaa si ay ula socdaan marxalada Dalku marayo Daraasadan & Lafo-gurkan lagu sameeyay Miisaaniyada 2015 ee Golaha Wakiilada hortaala
Miisaaniyada loo qoondeeyey sadexda waaxood ee qaranka
- Waaxda Sharci-dejinta (Baarlamaanka):
Golaha Wakiilada: 18,727,824,320
Golaha Guurtida: 20,199,178,720
Wadarta Guud: 38,927,003,040
- Waaxda Garsoorka:
Maxkamada Sare: 2,265,184,120
Maxkamadaha Hoose: 11,291,614,600
Wadarta Guud: 13,556,798,720
- Waaxda Fulinta:
Wadarta Guud: 676,033,399,755
Miisaaniyada loo qoondeeyey Wasaaradaha & Haayadaha kale ee hayey shaqooyinka muhiimka ah, oo ay aheyd in la dhiirigaliyo si kor loogu qaado adeegooda bulshada ay u hayaan
- Wasaarada Xanaanada Xoolaha: 6,888,312,261
- Wasaarada Beeraha: 4,494,932,013
- Wasaarada Kaluumaysiga & Khayraadka Bada: 2,817,024,262
- Wasaarada Deegaanka & Horumarinta reer Miyiga: 5,234,219,220
- Wasaarada Biyaha: 4,740,375,336
- Maxkamadaha Hoose (60 maxkamadood oo kala ah heer Degmo, Gobol & Racfaan): 11,291,614,600
- Haayada Dhowrista Tayada: 1,813,610,210
Akhriste 7-dan haayadood isugeyntoodu waa 37,281,087,512; dhamaantoodna waxa ka miisaaniyad badan Wasaarada Madaxtooyada oo kaligeed loo-qoondeeyey 38,516,040,570.
Wasaaradaha & Haayadaha kale ee miisaaniyada loo qoondeeyey iyo shaqada ay qabtaan aanay is lahayn.
- Wasaarada Madaxtooyada: 38,516,040,570
- Ciidanka ilaalada Madaxtooyada: 15,352, 321,802
- Haayada Abaabul-ka-saarka: 32,133,316,276
- Wasaarada Warfaafinta & Wacyi-gelinta: 25,067,457,952
- Tv-ga Qaranka: 15,668,744,272
- Wasaarada Cadaalada: 4,111,733,920
- Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha: 5,640,725,650
- Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta: 6,942,354,120
Miisaaniyada loo qoondeeyey Haayadaha aan wax shaqo ah wadanka u qaban.
- Haayada Maamul wanaaga: 2,007,624,000
- Guddida Diwaan gelinta ururada: 2,270,125,000
- Guddida Dib-u-habeynta shuruucda: 890,380,800
- ICT Commission: 491,331,680
- Commission Qurbo-jooga: 453,032,320
Miisaaniyadii 2009 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin
- Wasaarada Madaxtooyada sanadkii 2009 miisaaniyadeedu waxay ahayd 16,280,169,600. Wakhtigaasi waxa hoose imanayay laamo dhowr ah oo kala ah:
- a) Gurmadka Qaranka: 7,837,725,957
- b) Kaalmada Sooyaal: 250,400,000
- c) Haayada Miino saarka (SMAC): 100,000,000
- d) ilaalada Madaxtooyada: 3,121,215,313
- e) Laanta Socdaalka: 2,430,169,600
Miisaaniyadan 2015 dhamaan laamahani waxa mid walba loo sameeyey madax-xisaabeed gaar ah, oo waa laga wada hoos saaray Wasaarada M/tooyada. Hadana kharashkii Wasaarada M/tooyadu wuu sii 3 jibaarmay oo waa 38,516,040,570 ?????????????.
Miisaaniyada Wasaarada Warfaafinta & Wacyi-gelinta
- Wasaarada Warfafinta & Wacyi-gelinta miisaaniyadeedii sanadka 2014 wuxuu ahaa 10,117,931,250.
- Halka Sanadka 2015 miisaaniyada looga dhigay 25,067,457,952.
Haddaba is weydiintu waxay tahay “waa maxay baahida keentay in 150% la kordhiyo miisaaniyadeeda sanadka 2015, iyadoo aanay jirin sabab muuqataa. Ma la odhan karaa wuxuu wasiirka warfaafintu ku mutaystay cabudhinta saxaafada ee uu 100% kor u qaaday iyo guul-wadaytiisa kale ayaa lagu siiyey”…
Gabagabadii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland dadweynihii soo doortay waxay ka dhur-sugayaan tallaabada ay ka qaataan miisaaniyadan 2015 ee golaha hortaala, waana arin lagula xisaabtami doono dhamaantood.