Maamulka Jaamacadda Sanaag Oo Ku Eedeeyey Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolkaasi Inuu Lunsaday Lacag Qaadhaan Ah
“Waxaanu bixin $5,400, Guddoomiyuhu waxa uu sheegtay awood inuu ku tagri-falo… qaadhaanka Jaamacaddu sida ku cad”- Maamulka Jaamacadda Gobolka Sanaag
Hargeysa (Hubaal) – Guddida iyo Maamulka Jaamacadda Gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolkaasi Aniis Saalax X. Xasan inuu sifo sharci-darro ah u lunsaday lacag qaadhaan jaamacaddu lahayd oo la ururinayey muddo sannad ku dhaw.
Maamulka Jaamacadda Gobolka Sanaag waxay sheegeen inuu guddoomiyaha waxbarashadda gobolkaasi diiday inuu bixiyo lacag xadigeedu dhan yahay $5,400 (shan kun iyo afar boqol oo doollar) oo sagaalkii bilood ee u dambeeyey jaamacadda looga jarayey shaqaalaha wasaaradda waxbarashada iyo ciidammada gobolka si loogu dhiirigeliyo.
Sidaana waxay ku sheegeen war-murtiyeed guddiga iyo maamulka Jaamacadda Sanaag soo saareen oo warbaahinta loogu talogalay, kaas oo u qornaa sidan:
“Jaamacadda Sanaag waxa si toos ah loo furay sannadkii 2011-kii waxaanay gobolka iyo degmaduba u qoondeeyeen sidii Jaamacadda loogu samayn lahaa ilo-dhaqaale, waxaanay easaaradaha iyo ciidammada la go’aamiyey in laga jaro hal Doollar bishiiba, nasiib-datrose waxay noqotay in Guddoomiyaha Eaxbarashada Gobolka Sanaag ka horyimaado bixinta qaadhaankaas $1 ah ee laga gooyo shaqaalaha iyo ciidammada.
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolku wuxuu ahaa masuulka 1-aad ee laga rabay inuu Jaamacadda gacansiiyo, korna u qaado dadaaalka loogu jiro ka midho-dhalinteeda, balse wuxuu noqday masuulka keliya ee hortaagan ka midho-dhalinta homilada gobolka.
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolku wuxuu;
1. Si toos ah u diiday qaadhaanka Jaamacadda ee halka Doollar ah ee laga jaro shaqaalaha waxbarashada gobolka.
2. Manuu bixin lacagtaas laga jaro shaqaalaha waxbarashada gobolka muddo sagaal bilood ah, laga bilaabo October 2013-kii ilaa June 2014, lacagtaas laga jaray shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sanaag oo dhammayd 600×9= $5,400 (shan kun iyo afar boqol oo dollar), lacagtaas oo aan soo gaadhin Jaamacadda ee ku dhacday jeebkiisa.
3. Guddoomiyuhu waxa uu sheegtay awood inuu ku tagri falo. Qaadhaanka Jaamacadda sida ku cad warqadiisa sumadeedu tahay WWGS/13/2014 ee 1/1/2014.
5. Guddoomiyaha waxbarashadu wuxuu si toos ah u diiday amarradii ay bixiyeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee tixraaceedu ahaa XMG2a4/70/2014 ee 8/3/2014 iyo tan Wasiirka waxbarashada ee Lr. MOE/DG/HE103/047/2014 ee 29/3/2014 iyo MOE/HE/O1/260-117/14 ee 17/5/2014 oo dhamaantood ka soo wada baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Hargeysa.
Gabogabadii, waxaan wali ka dhicin dalka masuul sida uu doono ugu tagri-falo maamulka iyo hantida dawladda,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-murtiyeedkaasi.