“Waxaanu Aaminsanahay In Sanadkani Yahahay Kii Ugu Adkaa Marka Laga Hadlayo Warbaahinta Somaliland, Waxa La Xidhay 23 Wariye Iyo 4 Wargeys” Guuleed Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka

0
40

 Hargeysa (Hubaal) – Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland (Human Right Center) ayaa maanta soo bandhigay warbixin sanadeedkoodii ay ka diyaariyeen xad-gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha ee xukuumada Siilaanyo geysatay sanadkan.

Warbixintan oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu sheegay warbixintan in sanadkani yahay kii ugu adkaa ee soo mara warbaahinta Somaliland, isla markaana la xidhay 23 wariye, halka afar wargeysna laga joojiyey inay ka hawlgalaan Somaliland.

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka Guuleed Axmed Jaamac oo kulankaasi ka akhriyey warbixin sanadeedka ay soo saartay xaruntan u dooda xuquuqal iinsaanka ee (HRC) ayaa waxa uu ku bilaabay “Xaruntan Xuuquuqal Iinsaanku waa xarun u taagan guud ahaan sidii dalkan Somaliland oo aad ogtihiin inuu yahay dal dimuqraadi ah oo dastuurkiisuna uu u damaanad qaadayo xuquuqal iinsaanka sidii loo heli lahaa urur Rayid ah oo aan dawli ahayn oo u dooda oo ilaaliya xuquuqda Aadamaha.

Isla markaana iftiimaya mararka iyo gooraha ay dhici karto in qaybo bulshada ka mid ah tacdi loo gaysto.

Anagoo ka duulayna afkaarahaa wanaagsan ee dastuurkeena ku qoran iyo fikirka fiican ee bulshadeenu maanka ku hayaan inay noqoto bulsho ilaalisa xuquuqda aadamaha oo isku garab siisa wixii wanaagsan inay wax iskaga sheegto.

Waxaanu sanadkan soo saarnay warbixin sanadeedkayagii labaad oo koobsanaysa xaalada xuquuqal iinsaan ee dalka wixii ka bilaabma bishii December ee sanadkii hore.

 xuquuqal

Warbixintan oo ka kooban dhawr iyo kontan bogg, waxa ay ka hadlaysaa wayaabo tiro badan oo soo hoosgalaya dhinac walba oo ka mid ah bulshada Somaliland. Waxaanay ka dhalatay baadhitaan dheer oo xaruntani waday mudadaa sanadka ah, waxaana ka mid ah meelahaasi ay ka hadlayo warbixinta sanadkani.

Xadhiga Sharcidarada ah oo tiro ahaan iyo baaxad ahaanba aad u balaadhanaya, waxaanu taa uga dan leenahay tusaale ahaan dastuurkeenu waxa uu damaanad qaaday qaab uu u dajiyey in loo xidho marka la doonayo qof in xoriyadiisa laga qaado, qaabkaa qaab aan ahayna in qof loo xidhaa waxa ay ku tahay tacadi, waxaanay jabin iyo xadgudub ay ku tahay nidaamka iyo dastuurka dalka u yaala.

Bileys-keenu waxa uu si caadi ah u caadaystay in mar walba uu dadka xidho isaga oo aan raacin habkii sharcigu dhigayey, waayo laba shardi ayuu sharcigeenu sheegayaa in qofka lagu xidhi karo (1) Isagoo Dambi faraha kula jira (2) am isagoo amar qabasho oo sababaysan ay maxkamadi usoo jartay.

Si taa la mid ah waxa bileyskeenu waxa dadka sanadkan la xidhay ka mid ah siyaasiyiin, suxufiyiin iyo dadka u dhaqdhaqaaqa siyaasada oo ay ka mid yihiin dhalinyarada ururka Jiidali oo mudo dheer xidhnaa markii dambana la sii daayey iyadoon maxkamad la hor keenin.

Habkaa bileysku u dhaqmayaa maaha mid ku kooban dadka magaca leh ama warbaahinta iyo siyaasiyiintee dadka shacabka ah weeyi kuwa dhibaatadu haysato, qaabka bileysku dadka u xidhaan waa mid ka soo horjeeda habka dastuurkeenu jidaynayo, bilayska waxa loogu talo galay in 48 saacadood oo kaliya ay dadka hayaan wixii intaa ka dambeeyana loo wareejiyo xabsi, xabsigii Hargeysa oo aan shaqaynayn tusaale ahaan iyadoo loogu talo galay budhcad baddeeda awgeed, saldhigyadaa dadka lagu xidhaa saldhigyadana waxa ka maqan waxyaabihii aasaasiga ahaa oo dhan oo ay ka mid tahay caafimaadkii, cuntadii, biyihii iyo laydhkii, musqulahoodii ma nadiifsana, waa buux dhaaf oo boqol of ayaa lagu xidhayaa meel yar oon hagaagsanayn.

Dhinaca kale arimaha ay warbixintani koobsanayso waxa ka mid ah ciidamada RRU-da ee sida milatariga loo tababaray oo loogu talo galay inay la dagaalamaan Argagixisada iyo dadyowga hubaysan, waxaana tababartay dawlada Ingiriiska.

Laakiin dhibaatada dhacday waxa ay tahay ciidamada loogu talo galay inay la dagaalamaan dadkaa hubaysan ee argagixisada ayaa waxa loo dirayaa dad ama qof shacab ah oo caadi ah qof siyaasi ah oo la soo qabanayo sida Wasiir ku xigeenkii Amniga, gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer, waxa kale oo mararka qaar loo dirayaa mudaharaad, mana yaqaanaan iyagu qaabka loola tacaamilo waxa ay adeegsan karaana waa xabad taasina waxa ay dadka ku keentaa dhibaato oo ay adeegsadaan gacan adag dadka ay ku dhintaan dadna ay ku dhaawacmaan.

Maadaama ay yihiin ciidamo sida malatariga ah u tababaran, ma yaqaanaan habka caadiga ah ee marka qofka la xidhayo loo maro, Waxaanay dadka ugu daataan guryahooda iyagoo marka ay qabanayaan garaaca, guryahana jajabiya, waxaanay si baahsan ugu xadgudbaan qodob kasta oo qofka habka ciqaabta guud loo xidhi karo RRU-du way jabisaa.

Xaga Warbaahinta Xaruntan Xuquuqal Iinsaanku waxa ay sanadkan diiwaangalisay in la xidhay 23 Wariye, in Wargeysyada Haatuf, Hubaal, iyo labada wargeys ee kale ee Somaliland Times iyo The Independent ee ku lamaan la xidhay, waana markii u horaysay ee Somaliland in afar wargeys aanay loo ogolayn inay dalka ka hawlgalaan, isla markaana aanay jirin meel sharciya oo ay ka doodi karaan oo ay xaqooda ka raadsan karaan.

Waxaanu Aaminsanahay intii aanu anagu wax diiwaangalinaynay in Sanadkani Yahahay Sanadkii Ugu Adkaa Xee Xaalada Xuquuqal Iinsaanka marka laga hadlayo warbaahinta Somaliland.

Waxa kale oo aad ogaydeen in HCTV oo ka mid ah telefishanada Somaliland ka hawlgala in loo diiday in xafiisyada dawlada ay ka hawlgalaan, sidaa si la mid ah waxa la xidhay oo mudo xidhnaa Universal TV”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here