Turkiga Oo Ballanqaaday Inay Ka Shaqaynayaan Dib-U-Soo Celinta Wadahadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya
Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Turkiga, ayaa shaacisay dadaal ay ugu jirto dib-u-soo celinta wadahadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee ku burburay wareeggii u dambeeyey ee ka dhacay dalkeeda horraantii bishii March ee sannadkan.
Sidaana waxa sheegay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar oo booqasho uu ku yimi caasimadda Somaliland maanta, kaas oo kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo kadib xusay in dawladdiisu ku hawlan tahay soo celinta wadahadallada oo ay dhexdhexaadin ka gali doonaan aragtiyaha labada dhinac isku hayaan.
“Waxaannu la kulanay Madaxweynaha Somaliland oo aannu yeelanay kulan midho-dhal ah, waxaannuna ka wadahalnay wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidoo kale xidhiidhka laba-geesoodka ah (Somaliland iyo Turkiga).
Waxaannu hadda diyaar u nahay in aannu sii wadno wadahadallada (Somaliland iyo Soomaaliya), annagoo maanka ku hayna aragtiyaha labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland, waxaannuna ku rajowaynahay sii wadida wadahadalladan oo ku salaysnaan doona rabitaanka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yidhi Ambassador Olgan Bekar.
Waxa kaloo uu ballanqaaday in dalkiisu xoojinayo xidhiidhka wadashaqayneed ee Somaliland oo ah meel muhiim u ah aataarta taariikhiga ah ee Turkiga, waxaannu yidhi, “Waxa kaloo aannu ka wadahadalnay xidhiidhka laba-geesoodka ah, waxaannu hadda wadnaa qorshayaal mustaqbalka ah, iyadoo ay naga go’an tahay in aannu horumarinno xidhiidhkayaga aannu la leenahay Somaliland oo ah xarunta goobahayaga taariikhiga ah, sidaa darteed waxaannu u baahannahay in aannu horumarinno, isla markaana xoojinno ku sugnaanshaha dhulka Somaliland.”
Geesta kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa xubno wasiirro ah oo ku wehelinayey Madaxweynaha kulankaasi, ayaa sheegay in ay Somaliland mowqifkeeda la xidhiidha wadahadallada u caddeeyeen weftiga Turkiga, “Wefti Turkigu waxay u socdeen inay arrimihii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya wax innaga waydiiyaan, wadahadalladana waynagii meel ay dhaafi waayeen ku soo xidhnay, halkaas oo ahayd Soomaaliya hadday doonayso in la wadahadlo inay soo kaxaysato dad reer Soomaaliya ah.”
“Arrinta wadahadallada Somaliland halkii uun bay ka taagan tahay, wax isbeddel ahina ma jiraan, waxay Somaliland taagan tahay Soomaaliya hadday doonayso in la wadahadlo ha soo kaxaystaana dad reer Soomaaliya ah,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.