“Waxaan Leeyahay Halaga Daayo Samaale Dacaayadaha Raqiiska Ah,Berrito Waxa Laga Yaabaa Inuu….”

0
26

Hargeysa(Hubaal) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa ka hadlay dibu-dhaca Doorashooyinka iyo mawaaqiifta kala fog ee Axsaabta Mucaaradka ah iyo Xukuumadda, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in arrinta si miyir qabta loo eego.

 suldaanka guudsuldaan

sulSidoo kale waxa uu ka hadlay Iscasilaadii Samaale waxaanu yidhi “Arrinta Samaale wax dhaawac ah kuma keenayso Xisbiga Kulmiye, Wasiir ayaa loo magacaabay oo xilkii loo dhiibayna isaga ayaa iska casilay, waxaan leeyahay C/casiis Samaale ha laga daayo dacaayadaha raqiiska ah, barrito waxa laga yaabaa inuu ku soo baxo Madaxweyne.

Samaale haddii aynu manta sumcaddiisa xumayno sidaynu berry u dooran karaynaa, umadda waxaan leeyahay Ixtiraam iyo sharaf ayaa la iska mudan yahaye qof waliba Ixtiraam buu inaga mudan yahay aynu kula dhaqanno” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here