Bad-Madow Oo Difaacay SAMAALE
Hargaysa(Hubaal) – Axmed Maxamed Xasan (Boqor Bad Madow), oo ka mid ah Madax-dhaqmeedka Somaliland ayaa ka dareen celiyey dhawaaq uu sheegay in Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur Madow) ku sheegay inay haboon tahay in xaal laga bixiyo weedho ku jiray khudbaddii C/casiis Maxamed Samaale uu ka jeediyey xafladdii uu ku wareejiyey xilka wasaaradda maaliyadda toddobaadkan.
samaBoqor Bad Madow oo maanta Saxaafadda kula hadlay Hargaysa ayaa sheegay inuu aad ula yaabay hadalka soo yeedhay Boqor Buur Madow, waxaanu xusay in hadalkaasi yahay mid beerlaxawsi ah oo aan nasteex ahayn.
Badmadow oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigoo ah boqor Bad-Madow waxaan halkan uga jawaabayaa nin la yidhaahdo Buur Madow oo maalmahan dambe aad ugu dhex jira hawlaha beeshan aan boqorka u ahay. Isagoo aad mooddo inuu boqor u yahay beeshaydan….”
Bad madow waxa kale oo uu sheegay “Waxaan aad ula yaabay markuu leeyahay waxaan xaal ka bixinayaa Aayadihii QUR’AANKA kariimka ahaa ee Samaale ku soo qaatay khudbadiisii xil wareejinta, waxaan sidaa u leeyahay Buur Madow wuxuu beeshayada ku dhex jiray ilaa doorashadii golaha deegaanka, waxaana isaga iyo Cali kubado oo ahaa (xubin ka tirsanaa komishankii hore) boobeen kursigii khadar Bohosha, waayo Cali kubado wuxuu ahaa ninkii is waydaariyey codadkii komishanka la geeyey, waad ogaydeen Buur-Madow afduubkii uu u gaystay juujuule, sidaa daraadeed Marku leeyahay Samaale ayaan xaal ka bixinayaa isagu yuu yahay, miyaanuu ahayn kii shalay ina lahaa Madaxtooyada waxa maamula Dumar iyo Carruur” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Buur-Madaw waxaan leeyahay dadku way ku ogyihiin inaanad nasteex u ahayn kuwa aad leedahay xaalbaan ka bixinayaa, waayo waxaad tahay ninkii beeshiisa kala qaybinayey…