Hargeysa(Hubaal)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadalkii mawqifkii Isbahaysiga Mucaaradku ka istaagay dib u dhaca doorashada ee ahaa in talo qaran la iskugu yimaado si la iskula meel dhigo Hogaan dalka doorasho gaadhsiiya 26-ka June kadib, maadaama doorashadu dib u dhacayso. Madaxtooyada ayaa afka kala maagtay dib u dhaca doorashada iyo wakhtiga la qaban doono.
Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Sharci darro ku macneeyay Mawqifka mucaaradka “Shalay waad Arkayseen Qola Mucaarad Ah ayaa inta ay isku Yimaadeen ku dhaaranayay 26-ka juun wixii ka danbeeya inaanay dawladi jiri doonin,Sharciga waxaas ay ku hadlayaan Meel uu kaga yaalo Mahayno,Doorasho Markasta way dhacaysaa oo waa ina Daan-wayne in ay Dhacdo oo wakhtigeeda ayay dhacaysaa,Marka uu qaranku u garto ayay dhacaysaa Doorashadu Cid Diidani Majirto,dalkuna inuu doorasho wax ku noqonayo cid waliba way ogtahay”. Ayuu afhayeenku ka sheegay Munaasibad Wasiirka cusub ee xannaanada xooluhu xilka kula wareegayay.
Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu intaasi raaciyay hadal cabasho u muuqda oo uu Mucaaradka ku eedeeyay inaanay Xukumadda u tudhayn “Hadalka Ka soo baxaya nimankani waa hadal aan tudhaale lahayn. waa hadal aan loo meel dayin,hadal aan lagu qiimayn runtii marxaladda uu dalku marayo. Maalintii ay baaqa soo saareen runtii waxay ahayd maalintii ay dalka turkiga ka yimadeen wasiiradu ka qayb galay wada hadalku, maalintaas oo kalaa xisbi mucaarad ah iyo mid Muxaafidba in lamidays-naado ayaa waajib ah,may ahayn in halkan lagu mudo oo dhibaato loogu gaysto shacabka somaliland.”
Mudane Dhuxul waxa uu intaasi raaciyay inay Umadda u soo bandhigi doonaan wax qabadkooda iyo tabaabushahooda doorashada “waxaanu leenahay hadalka aad dadka ku odhanaysaan u tudha,waxaanu la imanaynaa Barnaamij Siyaasi oo umada ayaanu u soo bandhigaynaa. wixii qaran kani qabtay waanu soo bandhigaynaa,Talaabooyinka uu qarankani qaaday ayaanu shacabka u bandhigaynaa hala imanina wax kale oo taas ka duwan ee wixii aad umada u haysaan u soo bandhiga.” Ayuu afhayeenku yidhi.
Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Isbahaysiga Mucaaradku ku midaysan yahay sheegay inaanay marnaba aqbali doonin Xukumad xilka sii haysa wixii 26 june, ka dambeeya Sharciyadda Xukumadda iyo wakiiladuna wakhtigaasi ku eegtay, intaasi wixii ka dambeeyana Umadda Somaliland u siman tahay Kursiga maadaama Muddo xileedka Dastuuriga ahi ka dhamaaday Madaxweynaha.