“Waxaan Aad Uga Xumahay, Markii Aannu Hay’adaha Caalamiga Ah Waydiinnay Inay Naga Caawiyaan Kaadhka Aqoonsiga Muwadadinka, Waxay Yidhaahdeen Arrintani Waxay Salka Ku Haysaa Aqoonsiga Somaliland”

0
28

AKHRISO: Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay   In Hay’adaha Caalamiga Ah Diideen Inay Ka Caawiyaan Diiwaangelinta Maddaniga

“Waxaan Aad Uga Xumahay, Markii Aannu Hay’adaha Caalamiga Ah Waydiinnay Inay Naga Caawiyaan Kaadhka Aqoonsiga Muwadadinka, Waxay Yidhaahdeen Arrintani Waxay Salka Ku Haysaa Aqoonsiga Somaliland”

 Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa caddeeyey in hay’adaha caalamiga ah diideen in ay ka caawiyaan kharashka ku baxaya diiwangelinta maddaniga, isla markaana ku doodeen haddii ay ka qaybqaataan lacagta ku baxaysa kaadhka muwaaddiintu tahay aqoonsi buuxa oo Somaliland siiyeen.

 Wasiir Warancadde oo ka hadlay kulan lagu soo bandhigay sharci cusub oo loo samaynayo xawaaladaha lacagta ee dalka, waxa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta maddaniga oo dhan 5 milyan oo doollar ay bixinteeda dhabarka u ridatay dawladda Somaliland, lacagtaas badankeediina haatan gacanta lagu hayo, sida ugu dhaqsaha badanna loo fulin doono diiwangelinta muwaaddiniinta, kadib markii siduu xusay hay’adaha caalamiga ah diideen inay gacan ka geystaan dhaqaalaha ku baxaya hawshaas.

warancade 1“Waxaan aad uga xumahay, markii aannu hay’adaha caalamiga ah waydiinnay inay naga caawiyaan kaadhka aqoonsiga muwaaddinka, waxay yidhaahdeen arrintani waa arrin wanaagsan, laakiin waxay salka ku haysaa aqoonsiga Somaliland, markaa diyaar uma nihin inaannu caawinno aqoonsiga Somaliland. Haseyeeshee, taas isku maanaan dhigan, kumanaannu niyad jabin, maadaama ay nabadgelyadayada iyo xasilloonida dalkayaga ka qayb tahay. Waannu qiimaynnay, waxaanay ku kacaysaa lacagta kaadhka aqoonsigu 5 milyan oo dollar. Waannu habaynnay 5 milyan ee doollar, jeebabkayagaanuna ku soo gurney. Imminka waxaannu bixinnay 2.5 milyan dollar, horena waxaannu u haynnay 1.5 milyan dollar, dhawaanna lacag milyan dhow baannu bixinaynnaa,” ayuu yidhi Md. Cali Maxamed Warancadde.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here