“Waxa muuqata in Muxaafidnimadii Ay Dhashay In Ciidagale Saamigiisii La Sii Rifo”-Maxamed Cabdiraxmaan-gadhyare

0
29

“Waxa muuqata in Muxaafidnimadii Aanu U muujinay Madaxweyne Siilaanyo Ay Dhashay In Saamigii Markii Hore Aanu Ka Tabanaynay Nalaga Sii Rifo….Waa Laga Tashan Oo Muxaafidnimo Dambe Jiri-mayso, Geedigana Meel Kale Ayaa Loo Rari Doonaa”-Maxamed Cabdiraxmaan-gadhyare

Hargeysa(Hubaal)-Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan (Gadhyare),oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland , ee Caasimada Hargeysa ayaa ka deyriyay Muxaafidnimo ay dhwaan beeshiisu u muujisay Madaxweyne Siilaanyo taas, oo ay kaga dhursugayeen sida uu hadalkiisa u dhigay in uu dib u jaleeco saamiga Xukuumada oo Beeshu wax ka tabanaysay haseyeeshee, sababtey in uu Laga sii rifo tii koobnayd ee ay tabashada ka qabeen.
Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo la hadlay HUBAAL Media iyo Hadhwanaagnews isagoo ku sugan Caasimada Hargeysa,ayaa ku tilmaamay rajo la,aan muxaafidnimada Beeshiisu dhawaan u muujisay Madaxweyne Siilaanyo, maadaama uu ugu abaal guday in uu badh ka dhimo saamiga ay hore u tabanyeen isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi.
url“Waxa muuqata in Muxaafidnimadii dhawaan ay beesha Ciidagale u muujisay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ay u dhashay in laga sii rifo saamigii ay ka tabanyeen markii hore, waxaan leeyahay taasi waxay keenaysaa in geediga meel kale loo rari doono maxaa yeelay majiraan waxaqabdayda Xukuumadu ku sheegato wadada Sallaxley iyo waxyaabo kale oo badan, waxeynu ognahay dhibaatooyinka badan ee deegaanadan kajira, waxaas oo dhan marka la isku soo ururiyo waxaan leeyahay waa laga tashan oo waa laga tashadey, oo muxaafidnimo dambe jiri mayso waxaanay dadkani garowsadeen in muxaafidnimada ay Siilaanyo u muujiyaan noqoneyso mid aaney faa’iido ugu jirin” sidaa Ayuu Yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare.
Ma aha markii u horeysay ee Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare ka hadlo arimo noocan oo kale ah waxaanu dhawaan si adag uga hadley Biyo La,aanta ka taagan Caasimada Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here