Wax Ka Baro Cilmiga Xadithka: Taxanaha Barnaamijka Diinta Iyo Nolosha-Qalinkii Sh.C/risaaq C/raxman Xasan Rakuub

0
89

DIINTA IYO NOLOSHA

Qore: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii Afaraad

rakuubXadiiska Mudalaska ah waxa lagu garta:-

  • Mudalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kana warinaya wax aanu ka maqal.
  • Mudalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kagana warinaya magac aan lagu aqoon.
  • Xukun kiisu waa daciif

Mudalasku waa laba nooc sida aynu kor ku soo sheegnay, nooca koowaad waa qof baa qof ka warinaya wax aanu ka maqal haba isa soo gaadhane. Nooca labaadna waa in uu kaga wariyo magac aan lagu aqoon. Markaa la qaadan maayo xadiiskaa oo daciif buu noqonaya. Midna illaa uu kala saaro warinta ah Can: waxa ka sugnaaday iyo Qaala: wuxu yidhi. Oo uu ku badalo Xadasana: wuxu noo sheegay ama ii sheegay iyo Samictu: waxaan ka maqlay. Mar haddu sidaa yidhaa shakigii wu ka baxaya meesha oo wu cadeyey.

 

 

Xadiiska Shaadka ah waxa lagu garta:-

  • Shaadku waa qof xadiis warinaay oo koox ka badan ku khilaafa warinta.
  • In u khilaafo qof ka xifdi badan.
  • Xukunkiisu waa daciif.

Shaadku waa qayb daciifka ka mid ah, waana qof xadiis kali ku noqda warintii, oo wadar ama koox ku khilaafa warinta. Waxa kale oo u noqda qof ka hor yimaada qof ka xifdi badan ama uga dhow xagga warinta tusaale; xadiiska odhanaya nikaax ma jiro wali la’aan Isra’iil Bin Yunis Abi Isxaaq Sabici ayaa ka warinaya awoowgi Isxaaq Sabici xadiisko Mutasil ah (darsiyadeeni hore ayeynu ku soo dhiganay Mutasilka), dhanka kale Sufyaan Asawri iyo Shucba Bin Xajaaj ayaa iyaguna Abi Isxaaq ka warnaya isagoo Mursal ah (Mursalka qudhisa hore ayeynu u soo aragnay). Markaas baa laysku qabsaday sidee baa lo kara saara dhawrkan qof ee isku margan, sida muxadiisin fara badan oo Imaam Bukhaari ka mid yihiin ku tageen odayga ya u dhaw bay yidhaahden.

 

Xadiiska Maqluubka ah waxa lagu garta:-

  • Maqluubku waa in qofka xadiiska warintiisa lagu yaqaanay la badalo.
  • Xadiis aad is dhaafiso macnihiisa.
  • Xadiisku sanadkiisi inta laga qaado sanad kale la saaro.
  • Sanadku matni aanu lahayn la saaro, matnigana sanad aanu lahayn la saaro.

Maqluubku waa xadiis is daba maray oo sidi uu ahaa laga gadiyey, dhowr midna wuu noqda; in xadiis aad nin ku taqaanay warintiisa lagu yidhaa hebelkaa maahe kan baa warinaya. In xadiiska laftarkiisaba maqluubka loo rogo oo lays dhaafiyo Tusale; xadiiska u wariyo Imaam Muslim ee ahaa nin sadaqo bixiyey illaa aanay ogaan midigtiisu waxa ay bixisay bidixdiisu. Halkaa waxa aad ka garanaysa gacanta la sheegaya in aanay hayn bidixda ee ay tahay midigta. Ama xadiiska sanadkisa iyo matni kala jaad ah layku kaano.

 

Xadiiska Fardiga ah waxa lagu garta:-

  • Fardigu waa xadiiska lagu warinay hal dariiq

Fardigu laba midba wuu noqda; in hal qaab loo warinayo xadiiska, kaas oo ka dhigaya xadiiska fardi iyo in u yahay xadiis hal dhan loo warinayo sida qof ayaa warinaya.

Xadiiska Mucalalka ah waxa lagu garta:-

  • Mucalalku waa xadiis leh cilo qarsoon

Garatay in mucalalku yahay  xadiis caadi ah balse ciilo qarson leh xadiiskana dhawacaya.

Xadiiska Muddaribka ah waxa lagu garta:-

  • Muddaribku waa xadiiska sanadkiisu is khilaafsan yahay

Waa xadiis sanadkiisu is khilaafsan yahay, mar Mursal lagu warinayo marna Musnad lagu warinayo.

 

La soco Qaybta Shanaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here