Wax Garad Uu Ku Jiro Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Sifaha Shirkadda Al-Xarbi Loogu Wareejiyey Maktabadda Gaandi

0
46

Hargeysa, Somaliland,  (Hubaal) – Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Siyaasiyiin iyo Madax dhaqameed ayaa ka hadlay sifaha shirkadda Al-xarbi loogu wareejiyey Maktabadda Gaandi ee Magaalada Hargeysa, taas oo maalmihii u dambeeyey khilaaf ka taagnaa.

Siyaasiyiintan iyo Madaxdhaqameedkan oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay Odayaal ka hadlay Arrinta Maktabada Gaandi ee Magaalada Hargeysa.

gaandiGuddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Gurey oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Horta anigu inta badan kama hadlo arrimaha khuseeya baayac mushtariga caado iima aha, laakiin maanta waxaan jecelahay inaan ka hadlo arrintan la is ku haysto ee Gaandi sababta aan uga hadlayaana waxaa weeyi arintaasi oo noqotay mid siyaasadeed, qabyaaladeed oo wajigii uu lahaa laga kexeeyey, waana uu I khuseeyaa mar haddii uu halkaasi gaadhay oo uu isu bedelay Siyaasad iyo qabyaalad, waliba waxaan ogahay in dadka siyaasadaynayaa ay ku jiraan xukuumaddan Madaxwayne Siillaanyo, runtii Maktabadda Gaandi iyo shirkada Al- xarbi waxaan u arkaa laba dhibane ee uma arko laba dhinac oo iyagu is dulmay, waxa u dhaxaysay waxay ahayd dawladda, waxa aanay ahayd in ay baraxdo dhulka ay iibinayso dawladdu inta ayna lacagta ka qaadan cidda ay ka iibinayso, Al-xarbi waxa loo sheegay in ay Dawladdu dhisanayso oo inay dhisto Maxkamadda sare oo Maxkamadda sarana halkii yarayd ee Gaandi marka dambena la siiyey maktabadda Gaandi ee ka iibisay iyagii (Al-Xarbi).”

Cali Yuusf (Cali Gurey) oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyey “Markaasi in midba midka kale la is aflagaadeeyo ma qurux badna iyo in la is caayaa toona, Ilma Faarax Xarbi haddii ay doonteen ilma Gaandi way ku gardaran yihiin manay doonan oo waynu ognahay, ciddii wax ka iibisay waa dawladda oo waynu ognahay oo dawladay haystaan oo xaq looguma laha in la yidhaahdo maxaad u waydiisanaysaan ilma Gaandi, waa lagu dul iibiyey meesha iyadoon laga barixin oo aan dawladdu la heshiin iyaga, maxaad dawladdii umaqli waydeen oo ula murmaysaan xaq looguma laha, cidda ay tahay in ay wax kala basrisaa waa dawladda ee kana siisay waa ilma Gaandiye haddana qoladan kale ka iibisay”

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii watay, ayaa waxa uu xaal ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaanuu yidhi “Waxaan aad uga xumahay oo aan xaal ka bixinayaa af lagaado loo jeedinayey shirkadda Al-xarbi iyo ilma faarax xarbi, waxaanan aamin sanahay in ninka wax aflagaadaynayaw cid ma matashid adiga uun bay kugu kooban tahay anagu kama hayno wax dhac dhac ah iyo aflagaado ah ilma Faarax Xarbi, xukuumad baa wax ka iibisay xukuumaddii uun bay haysataan, waxaa nasiib darro ah in meeshan yar ee aan arkay ee xamaamka u eeg ee hadda na aan xasuusto jaamacadan la yidhaa Gahayr Alle ha u naxariistee nin Siyaad Barre Wasiir u ahaa oo reer Hargaysa ahaa, ayaa loogu magac daray oo shil baabuur ku dhintay maanta Jaamacadda Gahayr inta ka baxday ee masuuliyiin iskugu jirta iyo inta magaca Gahayr kor u galay ee waligeed lagu xasuusnaado ee aan la iloobin ayey ahaanaysaa Gahayr oo dadka ka aflaxay uga sheekayn doonaan ubadkooda, Jaamacadda Gahayr oo marka lagu yidhaahdo Gahayr muxuu ahaana taarikhdii Gahayr, ayaa halkaasi ka soo bixi doonta, runtii ilma Gaandi kuma dhaliilayo intan yar ee ay dagan yihiin waa intii ay awoodi karayeen iyagu, laakiin ragan hadlayaw ee iska dhigaya in ay jecelyihiin wanaaga Yuusuf Ismaaciil Samataraw, hadaad ogolaanaysaan Yuusuf Ismaaciil Samatar in qoladiisuna ay jeclaato in Alaala iyo inta kalana nacayb iyo xumaan aad ugaysaan aanu ka gayn dadka Somaaliyeed iyo dadka reer Somaaliland haddii laga xanaaqo magaca Gaandi maxaad kordhinaysaan ee aad samaynaysaan, Somaalideenu dhaqan ayay leedahay dadkana inagaa u tijaar badan war tijaar lacaayaana tijaar la caayey leedahay hadhawna waynu cabaadiye ha usoo duwina kuweenna ceeb iyo cay” ayuu yidhi

Mujaahid Otto Biixi Caalin oo isaguna ka hadlay arrintan, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka hadlayaa Odayaal Tv-ga ka hadlayey oo sheegtay in labada kastam ee dalka ay leeyihiin oo umadda inta kale ay cunaqabatayn saareenba , waxaan leeyahay dalkan shalay waad ogaydeen wixii loo soo maray, subeer Awal maydun ahayn shalay ee niman Isaaq ah ayaad ahaydeen, maantana in aynu Hargaysa isugu hanjabno xaq cidi iskuma laha, xaal umadda siiya oo Hargaysa xaal u celiya dhulkan la isku haystaa waa meeshii jirde Aw Cali, mushkiladda iyo qaladkana dawladda ayaa leh, dawladda waxaan leeyahay go’aan baad gaadheen cidbaad ka iibiseen go’aan baad qaadateen labac labac looma baahna, hadaad go’aanka ka noqataan waxaan idin leeyahay anaga oo Beesha Arab ah Saldhiga dhexe, Bangiga, meeshan la leeyahay Gaandibaa leh intuba waa Beertii Jirde Aw Cali, galabta halooga baxo saadambana ha nalooga guuro idinna labada kastam aydun sheeganaysaan xidha, calankaa yar ayaa inaga dhaxaynaya Calankaayar hadaynu kuwada joogi wayno ninkii nin ka dheeraw ka dul bood”

Jiif Caaqil C/casiis Aw Daahir Biixi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Runtii maaha in la beeleyo arinkani xukuumadu way bixin katraa hantideeda ciday doontana way siin kartaa xukuumadii ka horaysayba way bixisay dhulbadan oo iyadaa na tidhi waanu bixinay, waxaan leeyahay bulshada Gaandi meel ka wanaagsanbay xukuumadu siin doontaa haduu meel uun doonaayo halaga daayo umada reerayntani.”

Dhinaca kalle, Shidkadda Ganacsiga ee Al-xarbi Company, ayaa warbaahinta u soo bandhigtay dhismaha loogu bedelay Maktabadda Gaani, kaas oo laga hir gelinayo xarunta Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Dhismahan lagu bedelay Maktabadda Gaani oo ay fulinayso Shirkadda Al-xarbi Company, ayaa ka kooban laba dabaq oo casri ah, isla markaana ka ballaadhan dhixmihii hore ee ku yaalla Koonfuta Saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo ah dhisme aad u yaraa meel aan ku munaasib ahayna ku yaallay.Shirkadda Al-xarbi, ayaa dhismahan labada dabaq ah bilawday, ka dib markii ay ku guulaysatay qandaraas ay baahisay Guddida Qandaraasyada Somaliland oo ay tartan kula gashay shirkado kale oo badan, isla markaana ay ku guulaysatay inay dhismahaasi fuliso oo kii hore loogu bedelo, kaas oo hadda uu dhismihiisu socdo.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Marood-jeex ee Hargeysa Faysal C/laahi Ismaaciil (Faysal Dhagadhago), ayaa go’aan Maxkamadeed shirkadda Al-xarbi ugu fasaxay inay ku guulaysatay Mulkiyadda Gaani Laberery, kaas oo soo baxay 22/10/2014,”

JAMHUURIYADDA SOMALILAND MAXKAMADDA GOBOLKA HARGEISA REPUBLIC OF SOMALILAND REGIONAL COURT OF HARGEISA
MGH

MGH/DFL/106 /2014                               22/10/2014

Ku:- Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska   Hargaysa                             =Hargaysa=

Ku:- Taliyaha Qaybta Booliska Galbeedka Hargaysa                                =Haergaysa=

Ku:- Hogaanka Hawlaha Ciidanka Booliska JSL                                          =Hargaysa=

Ku:- Duqa Caasimadda Hargaysa                    =Haergaysa=

Og:- Guddoomiyaha Maxkamadda Ratfaanka GobolkaM-Jeex Hargaysa         =Hargaysa=

Og:- Taliyaha Ciidana Booliska JSL               =Hargaysa=

Og:- Gudoorniyaha Maxkamadda Sare ee JSL =Hargaysa=

Loo fuliye:-Shirkada All Xarbi Trading. CO       a rgaysa,

Lagu Fuliye:-Mulkiilaha Liberary Gandi     =Hargaysa=

Markay Aragatay;- Gal dacawadeedka sumatliisu tahay MGH/DFL/106/2014 Ay dhinacyana

ka yihiin dhinacyada care ku xusan

Markay Aragatay:- Arjiga Codsiga fulinta ah ee uu Maxkmada usoo Qoray Mulkiilaha

Shirkada Al Xarbi eek u taariikhaysan 01/09/2014

Markay Aragtay;- xaashida ka soo baxday D/hoose ee Hargaysa ujeedeeduna tahay

Foomka Qorshaynta Rasrniga ah

Markay Aragtay;- Xaashida ka soo baxday Madaxtooyada JSL Ee tirsigeedu yahay

SL/M/GQQ/169-2231/01-2014 Ee kuna Taariikhaysan 07/01/2014 ee uu ku saxeexan yahay Madaxwaynaha JSL Ujeedadeeduna tahay Marin Nidaamka Qandaraaska iyo dhamaystir Habraaca Guryaha Dawlada kuna socota gudoomiyaha Gudida Qandaasyada Qaranka JSL

Markay Aragaty:- xaashida ka soo baxday Wasaarada hawlaha Guud Gaadiidka     iyo

Guryeynta ee ku taariikhaysan 05/06/2014 ujeedadeeduna tahay heshiis isku badal dhismaha Maxkamada Sare in loogu badalay Shirkada Al Xarbi Trading CO.Liberary Gandi taasi oo ay ku saxeexan yihiin Gudoomiyaha Maxkamada sare, Gudida Qandaraasyada Qaranka JSL lyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta

Markay Aragatay:- Xaashida ka soo baxday Gudida Qandaraasyada Qaranka ee sumadeedu

tahay Ref-GQQ/25/2014 ee ku taariikhaysan 09/02/2014 ujeedadeeduna tahay isku badal dhisme gaboobay iyo dhisme Cusub oo Maxkamada Sare ee Qaranka JSL Looga dhiso,shirkada Al Xarbina Loogu badalay (EX Madbacada Qaranka_Gandi Liberary)

Markay Aragtay:- Xaashida Digniinta ‘Ah ee Kasoo Baxday Maxkamada Gobolka M/JEEX

Haragaysa ee Sunriadeedu Tahay MGH/DDL/106/2014 Ee ku taariikhaysan 01/10/2014 ujeededeeduna tahay digniin (10) cisho gudahood ah inaad ku banaysaan liberary Gandi

Markay Aragatay:- Dhamaan Asbaabta sare ku xusan iyo Qodobada:-338,343,429,350, 430

XHM

Waxay maxkamadusoo saartay Amarkan

  • waxay Maxkamadu ku Amraysaa Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Haragaysa lnaad si xoog ah oo awood Fulineed ugu Fulisaan Loo Fuliyaha Shirkada Al Xarbi EX Madbacadii Qaranka Gandi Liberary kana Fulisaan cidii ku jirta ka saartaan soona Qufushaan
  • sidaas darteed waxaa lagu Amrayaa Taliyaha Saldhiga Booliska ee dhexe in Aaad sida ugu d hakhsa ha badan uga fulisaan Lagu ,kuliyah a Ku jira liberary Gandi
  • Fulinta Waxaa . dhinaca Maxkirnada nOcionaia Kaaliyaha Fulinta
    Maxkamada Gobolka M/jeex Hargaysa
  • Fulintan Cidii ka hortimaada waxaa laydinku amrayaa inaad sharciga hokkeentaan kuna soo eedaysaarOS’ilortaag fulineed
  • Amarkan Fulinta.)(ooga ah wuxuu soo Baxay Maanta 22/10/2014

(Faysal C/laahi Ismaacii

Gudoomi aha Maxkamada Gobolka M ‘ee Har a sa

fAxmed Carab Cabdi)

Kaaliyaha Maxkamada Gobolka Mfieex Haaraaysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here