Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Ganacsiga Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Musharaxnimadii Madaxweynenimo Ee Muuse Biixi Uga Tanaasulay Madaxweyne Siilanyo

0
30

Hargeysa(Hubaal) -Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport ee magaaada Hargeysa,ka dib socdaal uu muddo bil ah ugu maqnaa dalalka Brazil iyo Ingiriiska ayaa ka hadlay sida uu u arko Musharanimadii Madaxweyne uu Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uga tanaasalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay arintaasi ay tahay arin siyaasiya oo ku kooban Muuse Biixi,isaga oo sida oo kalena tibaaxay sidii uu markii horeba uu doonayey ay ahayd sidii khilaafkaasi Xisbiga KULMIYE soo kala dhex galay xal loogu heli lahaa.

cabdilaahi cumar

Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu markii uu soo dagay ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal Intenational Airport,waxaana uu sheegay in hadana uu ku tala jiro sidii uu uga qayb qaadan lahaa soo gunaanadka waxii hadhay ee heshiiska lagaadhay ka qabyada ah.

“Arinta Muuse Biixi iyo Musharaxnimadiisa iyo go’aankan danbe ee uu imika qaatayba waxaan filayaa waa go’aamo shakhsiya Muusena waa nin Siyaasiya Xisbiga gudomiye ka ah markaas arrintaasi maaha arin aniga wax layga waydiin karo ee waa arin Muuse u taala hase yeeshee doorka aan anigu ku laha waxa weeye in aan khilaafka Xisbiga KULMIYE ka dhex jiray in la dhameeyo oo si nabadgal ya ah oo odynimo ah lagu dhameeyo ta aan danaynaayeyna taas ayaa ay ahayd  tii aanigu soo jeediyeyna taas ayaa ay ahayd,waxaanan imika aan aad ugu farax sanahay in imika uu khilaafku halkii hore uu ka soo durkay oo uu ka soo dhawaaday oo heshiisyo fara badan iyo wada halo ay socdaan qaarna ay dhamaadeenba,waxaanan jecelahay in aan kaga qayb galo sidii si wanaagsan loogu soo gunaanadi lahaa uu si wanaagsan u soo dhamaan laha”Ayuu yidhi Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay u jeedada socdaalka uu ku tagay dalka Brazil isaga oo tilmaamay in kooxda Kubada Cagta aduunka maamusha ee FIFA ay ku soo marti qaaday isaga iyo dadkale oo fara ku tiris ah oo ka socday qaarada Afrika in ay ka soo qayb galaan Furitaanka Koobka Aduunka ee ka Socda dalka Brazil.

Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaa uu sida oo kale uu tibaaxay in uu ku talo jiro sidii uu hankiisa siyaasadeed uu uga gaadhi lahaa gurisiga dalka ugu sareeya uuna hada uu u soo noqday sidii uu u wadi lahaa hawlihiisa dhinaca siyaasada ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee Dr:Maxamed Cabdilahai Cumar ayaa hore waxaa uu xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo hore u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibada Somaliland,sida oo kalena soo qabtay Xilka Wasiirnimo ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland oo ah Xilkii ugu danbeeyey ee uu ka qabto Xukuumada Siilaanyo isaga oo sida oo kalena u aaneeyey Xil ka qaadistiisan in ay sahayatay Khilaafkii soo kala dhex galay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumada Siilaanyo oo uu la safnaa garabka uu hogaaminaayo Muuse Biixi Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here