Wasiirka Maaliyadda oo Kormeer shaqo oo ay ugu kuur galayso ilaha dhaqaalaha saaka ugu amba-baxday Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera

0
27

Wasiirka Maaliyadda oo Kormeer shaqo oo ay ugu kuur galayso ilaha dhaqaalaha saaka ugu amba-baxday Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera
Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa subaxnimadii saaka kormeer shaqo oo ay ugu kuur galayso ilaha dhaqaalaha ee dalka ugu amba baxday magaalo xeebeedka Gobolka Saaxil ee Berbera.

 

index
Wasiir Samsam, ayaa sida la sheegay uu safarkeedu qaadan doonaa muddo dhawr maalmood ah, halkaas oo inta la ogyahay uu safarkeedu ku wajahnaan doono u kuur gelida illaha dhaqaale iyo dakhli ee Qaranka Somalilan ku leeyahay Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, halkaas oo ay kormeer ku gaalaa bixin doonto Kastamka Dekada, Cashuuraha Beriga, Haamaha Shidaalka iyo ilaha dakhli ee kale ee wasaaradeeda hoos yimaada.
Waxa kale, oo wararku intaa ku darayaan in wasiiradu samayn doonto muddada ay ku sugan tahay magaalada Berbera, sidii ay ugu kuur geli lahayd habsami u socodka dakhli soo saar ee dalka, halkaas oo uu ugu weyn yahay kastamka Berbera oo ah lafdhabarta dakhli ee dalka somaliland.
Marwo Samsam, ayaa tan iyo intii la magacaabay oo imika ku sugan muddo laba bilood ah, safari dhawr ah ku ekeysay ilaha dakhli soo saarka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kastamka kala baydh iyo berbera isla markaana dhinaca kale ku hawlanayd indho indhaynta cashuuraha bariga dalka oo gun dhin u ah dakhli ururinta wasaaradda maaliyadda ee dhawaan loo magacaabay Wasiiradda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here