Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Mucaaridka Ugu Baaqay inay soo Dhaweeyaan Weftiyada ka Socda Dalalka Caalamka

0
20

Wefti ka socda dalka Faransiiska oo safar shaqo ku yimi Somaliland iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxda ay la kulmeen

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ugu baaqay xisbiyada mucaaridka ah iyo dadweynaha inay soo dhaweeyaan wufuuda iyo diblomaasiyiinta dalalka caalamka ee safarka shaqo ku yimaad Somaliland, lagana wada shaqeeyo qarannimada iyo horumarka dalka.

Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay qasriga madaxtooyada wada jir ugu qabteen safiirka Faransiiska ee u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya shalay, waxa uu tilmaamay in caalamku soo dhawaynayo horumarka iyo waxqabadka ka hirgalay Somaliland, sidaas darteedna ay tahay in gacmaha la isku qabsado sidii arrintaas loo taageeri lahaa.

“Waxa aannu jecelnahay dadka inoo imanaya ee aynu soo dhawaynayno ee doonaya in waddanka iyo ummadda reer Somaliland wax u qabtaan in mucaaridku ay nala shaqeeyaan oo ay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo danta ummadda oo ta shakhsiga ah la iska ilaawo oo nin kasta oo Somalilander ah gacmo furan ku soo dhaweeyo ajnabiga iyo dadka inoo imanaya ee maalgashiga wada. Wargeysyadu (saxaafaddu) waa in aad ka shaqaysaan horumarka waddanka iyo caalamka oo aad u soo dhawaynaya horumarka ka socda Somaliland iyo shacabkiisa. Marka waa in aynu meel uga soo wada jeedsano oo aynaan ogolaan nin horumarka iyo ictiraaf-raadinta iyo dhaqaale raadinta ummadda reer Somaliland is hortaaga oo ninkaasi uu yahay qof cadaw inoo noqonaya oo marnaba aynaan doonayn wax ka hortaga ictiraafka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Waxa wasiirku sheegay in safiirka ka socday Faransiisku kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, lagana wadahadlay sidii looga shaqayn lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal.

 Safiirka-Faransiiska

“Waxa aannu ka codsanay in halkan (Somaliland) aannu ka furno dugsiyo Faransiis ah oo Jaamacad Faransiiska lagu dhigto ka dhigno iyo in ay nagala shaqeeyaan in hay’adda horumarka qaabilsan ee Faransiisku wax nala qabato.

Safiirka waxyaabaha ugu waaweyn ee aannu ka wadahadalnay waxa weeyaan sidii aannu cilaaqaadka Faransiiska iyo Somaliland u soo dhawayn lahayn. Waad la socotaan oo Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo waxaannu tagnay Faransiiska (bishii January ee sannadkan 2014) oo aannu kula kulanay wasiirkooda Khaarajiga iyo xildhibaannada, waxaannu doonayna in cilaqaad xagga dhaqaalaha, tacliinta, homarka iyo nabadgelyada aannu wada saxeexano, kana wada shaqayno.

Faransiiska aad iyo aad bay ummadda reer Somaliland diyaar ugu tahay in ay wax la qabsato, waxyaabaha ugu weyn ee ay nagala hadleen waxa uu ahaa shirkaddii Balore (shirkad doonaysa inay maalgashi ku samayso dekedda Berbera) iyo shirkaddo badan oo Faransiisa oo doonaya in ay waddanka wax ka qabtaan, aad ayaannu u soo dhawaynaynaa dawladda Faransiiska iyo inaannu cilaaqaad badan la yeelano, waxaannu kala hadalnay inay naga caawiyaan ictiraafka Somaliland, cilaqaadkeeda iyo wax u qabashadeeda.”

Safiirka Faransiiska ee Nairobi, ayaa isna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay kala hadleen madaxda Somaliland, isagoo ballanqaaday in Somaliland laga hirgelin doono goobo tacliinta Faransiiska iyo dhaqanka lagu barto iyo ay deeqo waxbarasho u fidin doonaan ardayda Somaliland, isagoo tilmaamay in dalkiisu danaynayo maalgashiga Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaan caddayn karaa inuu jiro dano weyn oo Faransiisku ka leeyahay maalgashiga Somaliland sida uu wasiirkuba xusay shirkadda Ballore, waana shirkad Faransiis ah oo ka hawlgasha Afrika, diyaarna u ah in ay maalgeliso dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Itoobiya.”

Waxa kaloo safiirku tilmaamay inay Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland ku nool yihiin dad badan oo ku hadla luuqada Faransiiska, sidaas darteena uu ka shaqayn doono sidii loo sii ballaadhin lahaa faafinta dhaqanka iyo afka Faransiiska.

“Marka loo eego safarkii aan Somaliland ku immi sannadkii 2012 iyo sidoo kale bishii June 2013, waxa aan arkay horumar iyo waxqabad badan oo laga sameeyey Somaliland, annigoo arkay in wax badan laga qabtay horumarka iyo casriyeynta madaarka Hargeysa oo isbeddel xooggan lagu sameeyey, sidoo kalena la dhismay waddada madaarka, markaana taageero ayaannu ka gaysan doonaa sidii loo sii xoojin lahaa horumarka kala duwan ee Somaliland,” ayuu yidhi Ambassador Remi Marechaux.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here